Sign in to follow this  
Siciid1986

KhilaafkiiKa Taagna Hirgelinta Dhismaha Wershada Sibidhka Berbera Oo Xal Laga Gaadha

Recommended Posts

ASIBIDH.jpg

 

War-murtiyeedkaas oo lagu faahfaahiyey heerarkii dhexdhexaadintu soo martay iyo go’aanka laga soo saaray khilaafka dhismaha warshadda Sibidhka Berbera, waxa isagoo dhammaystiran uu u qornaa sidan;

 

 

Salaadiintu iyaga oo ka duulaya in warshad Sibidh laga hirgeliyo Berbera waxay ka hawlgaleen in la isku soo jiido labada dhinac, lana mideeyo muruqa, maalka iyo maskaxda, waxay ku dhaqaaqeen tallaabooyinka hoos ku qoran;

? Waxay kalsooni waydiiyeen labada dhinac ee khilaafku ku dhexjiray ee ah Berbera Cement Company iyo Saaxil Cement Factory, iyagoo labada dhinacba siiyeen kalsooni, isla markaana caddeeyeen inay aqbalayaan go’aanka Suldaanka Guud iyo Guddi uu Guddoominayo ay soo gaadhaan.

 

Salaadiintu waxay ku wargeliyeen dawladda Somaliland inay dhexdhexaadintaas gelayaan, kalsoonidana haystaan, taas oo dawladduna ku dhiirigelisay inay xal-u-raadiyaan khilaafka warshadda Sibidhka.

 

Salaadiintu iyagoo xog urursanaya waxay kulamo gooni gooni ah la yeesheen waxgaradka, aqoonyahanka iyo ganacsatada Somaliland oo ay ka mid yihiin guddiyo hore isugu xilqaamay inay khilaafkaas xal ka gaadhaan.

 

Salaadiintu waxa kale oo ay la kulmeen dhinacyada khilaafku ka dhexeeyey, iyagoo si gaargaar ah ula kulmay ganacsatada labada dhinac ka kala socda (Berbera Cement Company iyo Saaxil Cement Factory)

 

Salaadiintu waxay labada dhinac u soo jeediyeen in muruqa, maalka iyo maskadaba meel la isugu geeyo, lana dhiso warshad keliya oo cusub oo weyn oo casri ah, taas oo sida wax loo wada yeelanayana ay salaadiintu u soo bandhigeen labada dhinacba.

Nasiib-darro waxa genafka ku dhuftay go’aanka salaadiinta, isla markaana si cad u diiday dhinaca Berbera Cement Company, halka dhinaca Saaxil Cement Factory ay soo dhaweeyeen isla markaana ay aqbaleen go’aanka Salaadiinta.

 

Salaadiinta Beesha Subeer markay u caddaatay in warshadda Sibidhka ee Saaxil Cement Factory ay ka mid yihiin qaar badan oo ka mid ah ganacsatada waaweyn ee reer Somaliland.

Salaadiintu iyaga oo ka duulaya mabaadi’da wadahadal, wax-wada qabsi iyo iskaashiga ay ku soo caano-maashay bulshada reer Somaliland.

 

Iyagoo tixgelinaya waajibaadka iyo masuuliyadda waddanimo ee faraysa in dhaqaalaha dalka iyo khayraadkiisaba laga wada qaybqaato, lagana ilaaliyo wax kasta oo dhabar-jebin ku ah horumarka dhaqaale ee Somaliland.

 

Iyagoo tixgelinaya baahida waddanka iyo gaar ahaan ta magaalada Berbera u qabto mashaariicda noocan oo kale.

Iyagoo maskaxda ku haya shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta iyo sida mashruucan oo kale wax weyn uga tarayo shaqo la’aanta ka taagan dalkeena iyo ta degaanka Berberaba.

Iyada oo la baajinayo lacagta adag ee inagaga baxda Sibidhka dibadda laga keeno oo shacabka ku joogga qiimo qaali ah.

 

Salaadiintu waxay soo saareen go’aamadan hoos ku qoran;

 

1. Waxaannu u soo jeedinaynaa xukuumadda Somaliland in sida ugu dhakhsaha badan ugu fududayso hirgelinta dhismaha warshadda cusub ee sibidhka ee shirkadda Saaxil Cement Factory ay doonayso inay ka hirgeliso deegaanka Gobolka Saaxil.

 

2. Waxa kale oo aannu xukuumadda Somaliland u soo jeedinaynaa inay shirkadda Berbera Cement Company ay xor yihiin inay dhisan karaan warshadoodii sibidhka, isla markaana ay dawladdu u fududayso wixii hawl ah ee kaga xidhan.

 

3. Waxa kale oo u bannaan labada shirkadood inay midoobi karaan haddii ay dan u arkaan.

 

4. Waxaannu shacabka reer Somaliland gaar ahaan shacabka Gobolka Saaxil u soo jeedinaynaa, kuna baraarujinaynaa inay soo dhaweeyaan cid kasta oo maalgaashi ku samaynaysa dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Gobolka Saaxil, isna garab-taagaan.

 

5. Waxa kale oo aannu u soo jeedinaynaa ganacsatada iyo muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland ee gudo iyo dibadba ee danaynaya maalgashiga warshadda Sibidhka inay wax la qabsadaan labada shirkadood hadba kii ay door bidaan ama dantooda u arkaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this