Sign in to follow this  
Aaliyyah

Amina Weris oo saxaafada ka muquuratay giroonka Berbera si aan loo weydiin fadeexadii lacageed ee,,,

Recommended Posts

Aaliyyah   

Amina Weris oo saxaafada ka muquuratay giroonka Berbera si aan loo weydiin fadeexadii lacageed ee,,,

Written by SLC

Jul 26, 2012 at 08:04 AM

Marwada Kowaad Amina Weris oo saxaafada ka muquuratay garoonka Berbera si aan loo weydiin fadeexadii lacageed ee Giroonka Nairoobi.

 

Hargysa,(Qaran news)-Iyadoo ay dhegaha muwaadiniinta reer Somaliland ka sii guuxayaan fadeexadii ( laba milion iyo todoba boqol oo kun oo dolar.2.700.000.00$) oo Marwada Kowaad Amina Weris iyo wiilka ay sodohda u tahay(Bashe x.cawil cumar) ay ilaalada ama securitiga garoonka dayuurada ee(Jomo kenyata) ku qabteen bishan horaanteedii ayna Marwada kowaad ku soo raad gadatay magaalada London UK, wiilkii ay sodohdau ahaydna ee Baashe lagu xidhay giroonka Nairoobi kadibna loo musaafuriyey halkii ay lacagta ay shandadaha ku wateen kala yimaadeen oo ahayd Somaliland,ayey Marwada Kowaad Amina Weris dib ugu laabatay somaliland iyadoo si qarsoodi ah ku joogtey London UK,markii ay ka degtey giroonka dayuuradaha ee Berbera cid ogeyd may jirin wax soo dhaweyn ahna looma sameyn waxaa keliya oo la socdey imaanshaheeda Madaxtooyada oo keliya waxa masuuliyiina oo giroonka ku soo dhaweeyey ma jirin marka laga reebo in ay iyadu dooneysey oo uu ka mid ahaa wiilkii ay sodohda u tahay ee Nairoobi kenya laga soo musaafuriyey mooyaane.

 

Sababta loo qariyey imaanshaha Marwada Koowaad Amina Weris ayaa ahayd in aan dhegaha muwaadiniintu maqal in marwadu ku soo laabatay dalka waayo si aan mar kale u furmin Kiiskii Fadeexada ahaa ee lacageed ee ka dhacay giroonka dayuuradaha ee Jomo Kenyata Nairoobi ee Amina Weris iyo wiilka ay sodohda u tahay ee Baashe.

Sabata kale ee loo qariyey waxay tahay in aan saxaafada xorta ihi ogaan imaanshaha Marwada taasi oo hadii ay ogaan lahaayeen ay soo buux dhaafin lahaayeen giroonka Berbera si ay wax uga weydiinaan lacagtii lagu qabtay Nairoobi,halka ay lacagtaasi ka keentay,iyo sifaha lacagta intaasi le’eg ay ku heleen iyada iyo wiilkeeda Baashe.

Xusuus:- maah maah somaliyeed ayaa tidhaahda( Nin agoon ku xaday qalin

qaaxo kama fogaato) waxaa wax laga yaqyaqsoodo ah lacag dhan

(2.700.000.00$) oo ah xatooyo xoolo ummadeed inta shandado lagu

gurto loo tahriibiyo wadamo kale,ilaahay ayaana kashifey falkaasi

dhaceed ee ay sameeyeen qoyska Madaxtooyadu.

 

http://www.qarannews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=13979&Itemid=62

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this