Sign in to follow this  
Aaliyyah

Caasimada Dalka Soomaaliya Waxay Ahaan Doontaa Muqdisho Shariif Xasan

Recommended Posts

Aaliyyah   

Lasanod Online Friday, July 13, 2012

 

Muqdisho,(lasanod Online)- Guddoomiyaha Barlamanka Soomaaliya,Shariif Xasan Shiikh oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay..

 

inaan muran la gelin karin caasimada Soomaaliya inay tahay Magaalada Muqdisho.

 

Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho, Shariif Xasan Shiikh Aadan guddoomiyaha barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxa ugu horayn uga war bixiyay safarro uu ku soo maray qaar ka mid ah wadamada caalamka, waxaana uu sheegay in safaradaasi ay dhamaantood ahaayeen kuwa muhiim oo dadka Soomaaliyeed faa’iido u leh.

 

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa tilmaamay in loo baahanyahay in dadka Soomaaliyeed ay taageeraan howlgalada ay ciidamada dowlada ka wadaan gobolada dalka, kuwaas oo uu sheegay in lagu wiiqay awooda Ururka Al Shabaab, islamarkaana laga qabsaday deegaano iyo degmooyin badan oo ka tirsan gobolada dalka.

 

Mar uu ka hadlayay arrimaha dastuurka cusub ee loo sameynayo Soomaaliya, Guddoomiyaha barlamanka KMG Shariif Xasan Shiikh Aadan waxa uu sheegay in marnaba aan shaki la gelin karin in Magaalada Muqdisho ay tahay caasimada Soomaaliya, waxaana uu xusay in dadka Soomaaliyeed ay hore iskugu raaceen in caasimada dalka ay tahay Magaalada Muqdisho.

 

 

Copyright © 2012 Lasanod.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Muqdisho waa magaalo beeleed oona aheen mid qaran. Markii Reer Muqdisho meel ku sheegaan guryihii iyo hantidii ii daceen, then we can talk about capital or not, but in la aqoonsado meel oo aheen a federal capital will be a mistake.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this