Sign in to follow this  
Gaashaan

Ciidamada Daraawiishta Puntland oo Tababar loo soo xiray (PIC)

Recommended Posts

Gaashaan   

Madaxweynaha Puntland oo tababar u soo xirey ciidamo

12 Jul 12, 2012 - 7:49:05 AM

 

 

 

GAROWE ONLINE

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa maanta 12 July,2012 tababar u soo xirey ciidan ka tirsan daraawiishta Puntland xerada 54-aad ee ku taal duleedka Magaalada Garowe.

 

Madaxweyne kuxigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire ,Taliyaha ciidamada Daraawiishta Gen.Siciid Maxamed Xirsi ,wasiirka Arrimaha gudaha Gen.Cabdilaahi Axmed Jaamac Ilkajir ,wasiirka Amniga Gen.Khaliif Ciise Mudan ,qunsulka Ethiopia u fadhiya Puntland Mr.Asmalash Walde-Meerat ,saraakiisha ciidamada Puntland ,macalimiinta bixineysey tababarka iyo dadweyne ayaa ka soo qaybgalay xaflada loogu soo xirayey ciidamada dhamaystey tababarkooda.

 

Ugu horeyn duleedka xerada ciidamada ayaa dhoolatus ku sameyeen unugyo ka tirsan ciidamada tababarka loo soo xirayey oo soo bandhigey qaabka hawlgalka loo galo,dab rid iyo weliba dhismaha jirka oo biro dhaadheer si xirfadeysn uga boodeen.

 

Kadib intaasi ayaa gudaha loogu soo laabtey wafdiga madaxweynaha oo salaan sharaf ka qaatey guutadii ciidamada loo soo xirey tababarka iyagoona weli gaado ka ciyaar ku marey manasa sharaf loo taagey madaxweynaha Puntland.

 

Khudbad dardaaran iyo dhiiirigelin isugu jirtey ayuuu ciidamada u jeediyey Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole oo sheegey dalka cadow badan inuu leeyahay islamarkaasina shaqadoodu tahay sidii ay u difaaci lahaayeen midnimada guud ahaan Somaliyeed.

 

Tuutaha ay xiranyihiin inay ku walaaloobaan oo qabyaalada meel la iska dhigo si loo hanto xasiloonida iyo nabada ayuu hadalkiisa u sii raaciyey madaxweynaha Puntland waxana goobta shahaadooyin uu ku siiyey qaar kamida askarta iyo weliba dhiiirgelin loogu talagaley inay xasuus u noqoto hawsha baaxada leh ay dalka iyo dadweynaha u hayaan.

 

Hoolka xerada 54-aad ayaa loo gudbey halkaasi oo xaflad koobani ka dhaceysey waxana qayb ka qaatey kooxda fanaaniinta ee horseed oo hoos taga ciidamada Daraawiishta Puntland kuwaasi oo soo bandhigey suugaan ,madadaalo iyo weliba heeso lagu muujinayo sida ciidamadu ay kaalin mug leh uga qaatene nabada iyo xasiloonida Puntland.

 

Gabayo iyo buraanbur aya abwaano dhankooda ku guubaabiyeen ciidamada waxana si weyn ugu riyaaqey madaxdii ka soo qaybgashey.

 

Guud ahaan jawi yididiilo iyo rajo wanaangsan ka muujinaya dhismaha ciidamo difaaca Puntland ayaa ka muuqdey taliska guud ee daraawiishta Puntland ,waxana madaxweynuhu kormeerey goobo ku yaal xeradaasi o ay ka socotey hawlo isugu jirey dhisme iyo dayactir.

Attached files 850411=42-IMG_2439[1].jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this