Sign in to follow this  
Positive

Kobcinta aqoonta af-soomaaliga qaybtii 10aad.

Recommended Posts

Positive   

Tusmadan waa tii ugu dambaysay ee sheeko xariirada aan u bixiyey soomaalida iyo hayb-sooca.

 

Marka hore sheekadan waxan uga dan leeyahay in aan ugu abaal-gudo ummadda soomaaliyeed ee aan ka dhashay isla markaasna igu soo tacabtay ee wax i soo bartay. Marka labaad waxaan u curiyey si aan ugu hiiliyo qofkasta oo soomaali ah ama soomaali la dega oo la hoos mariyo. Marka saddexaad waxan ugu talo galay inaan dhaqanka soomaalida dhinacyadiisa wanaagsan iftiiyo. Ugu dambayn waxaan ugu talo galay in aan ku kobciyo af-soomaaliga oo aad moodo in isaga laftiisu hiil u baahan yahay waqtigan iyo wixii ka dambeeyaba.

 

Aragtidayda buug waa laga samayn karaa sheekadan; maqal iyo muuqaal ahaan ayaa loo duubi karaa; dhiiri-gelin baa loo arki karaa oo akhristuhu qoraalo cusub oo isaga ka soo maaxday ayuu qori karaa. Siyaabo badan ayaa looga faa’iidaysan karaa taxanahan.

 

Dhinacayga waxan bixinayaa ogolaansho dhinac kasta ah laakiin labo codsi ayaan soo jeedinayaa.1) Magaca qoraaga waa “ lama yaqaan”. Magac kale in aan la isticmaalin ayaan soo jeedinayaa oo aan ka ahayn haddii laga maarmi waayo :Toosiye. 2) Dhaqaale hadduu ka soo baxo in tabaruc dan guud ah qorshaha lagu darsado.

 

Intaas iyo akhris wanaagsan iyo kulan dambe oo xiiso leh haddii Eebbe idmo.

 

 

Caado xun oo la gooyaa cisi Allay leedahay

 

Markan waa erayadii ugu dambeeyey iyo dardaaran waayeel.

 

Akhriste hadal iiguma harin; haddii aad halkan soo gaartay oo aad soo akhriday qaybaha kale ee sheeko xariiradan waad ogtahay in Ilaahay noo nimceeyey kadib markii aannu ka dhiidhinay qaabkii dhaqan-dhaqaale ee ku salaysnaa kala sooca iyo kala saraynta dadka ee ka jiray degaankii aannu ka nimi; waxaa kale oo aad ogtahay in dadka halkan aannu ugu nimi Ilaahay barwaaqo iyo bash-bash ku manaystay taas oo haddaan Huriwaa ahay u macnaystay inay ku mutaysteen naxariista oo dhaqan u ah; caddaaladda oo la dhowro bulshada dhexdeedana laga dhiiri geliyo iyo xusuusta Alle oo ay dadku qalbigooda si joogto ah ugu beeraan tawakalkiisana badsadaan iyagoo u dhaafa wax badan isagu inuu u maareeyo ilayn isagaa waxkasta oge.

 

Marka waxan soo jeedin lahaa maah-maah cusub oo oranaysa‘ caado xun oo la gooyaa cisi Allay leedahay’

 

Waxaa la soo gaaray waqtigii aynu joojin lahayn caadooyinka xun-xun oo ay ka mid tahay hayb-sooca taas oo weli soomaalidu ku dhaqanto; welina dad badani dhiiri-geliyaan, aysan ka hadal ama horjoogsan markay la kulmaan cid lagula kacayo.

 

Hadal iyo howrar caadooyinka xumi waxay harayaan marka aynu ka guurno! Haddii kale dhibtooda ayey ina dul-joogayaan.

 

 

Dhammaad

 

Micnaha erayada: dhiidhi= ka gil-gilasho; diidmo ( wax ) ficil lagu muujinayo

 

Ilaahay haku anfaco ciddii faa'iido ugu jirto.

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this