Sign in to follow this  
xiinfaniin

Turkey Starts Building Somalia's Security Capacity, Commences Police Training

Recommended Posts

Ciidammo iyo Saraakiil ka tirsan Booliiska Somalia oo maanta markii ugu horreysay tababar loogu qaaday dalka Turkiga

Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Ciidammo iyo saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horreysay loo qaaday dalka Turkiga si ay tababar ugu soo qaataan, iyadoo taliyaha booliiska Soomaaliya uu sheegay in tani qayb ka tahay kaalmada uu Turkigu u fidinayo Soomaaliya.

 

Saraakiishan iyo ciidamadan ayaa waxaa Muqdisho ka qaadday diyaaradda Turkish Airlines, waxaana la sheegay in tababarkooda uu socon doono muddo bilooyin aan la cayimin, markaas kaddibna ay dib ugu soo laaban doonaan Muqdisho.

 

"Tirada saraakiishan iyo ciidamada loo qaaday dalka Turkiga waxay gaarayeen 80 ruux, waxayna ku guuleysteen imtixaan loo galay tababarkan," ayuu yiri Jen. Shariif Sheekhunaa Maye oo ah taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya.

 

Jen. Maye ayaa sheegay in tallaabadan ay dhiiri-gelin u tahay booliiska Soomaaliya, isagoo xusay inay soo baran doonaan sida looga shaqeeyo ammaanka, markii ay dib u soo laabtaanna ay ka howlgeli doonaan degmooyinka gobolka Banaadir.

 

Ciidamada iyo saraakiisha ayaa la hadlin saxaafadda iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo dowladda Turkiga ay dalkeeda u qaaddo ciidammo Soomaali ah si ay tababarro u soo siiso.

 

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan hay'ado samafal oo Turki ah, kuwaasoo yimid sannadkii hore xilli ay abaaro ba'an ku dhufteen Soomaaliya, balse Ankara waxay sheegtay inay sidoo kale gacan ka geysanayso dib u soo celinta ammaanka Soomaaliya.

 

Xukuumadda Turkiga ayaa ballanqaadday sannadkan inay tababarayso ciidamada booliiska iyo kuwa milateriga Soomaaliya si ay u hantaan ammaanka Soomaaliya oo muddo 20-sano ka hor ah burburay kaddib markii ay ka qaraxeen dagaallo sokeeye.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo boolis ah oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaliya ayaa maanta ka amba baxay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Airport ee magaalada Muqdisho.

 

Waxayna u kicitimeen dalka Turkiga halkaas oo ay tababar ku aadan tayeynta howlahooda kusoo qaadan doonaan.

 

Maanta duhurkii ayeyna garoonka Aadan Cadde ka raaceen mid kamid ah diyaaradaha Turkish Airways.

 

Taliyaha ciidammada Booliiska Soomaaliyeed sareeye guuto Shariif Sheekhunaa Maye oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ciidamadan ay tiradoodu 80 tahay lana xulay kadib markii ay kusoo baxeen Imtixaan laga qaaday.

 

Taliye Shiriif ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay markii ugu horeysay oo ciidamo ka socda Soomaaliya loo qaaday dalka Turkiga si halkaasi loogu soo tababaro.

 

Dalka Turkiga oo xiligan hormuud u ah dalalka Soomaaliya taageera wuxuu horay u qaaday arday badan oo Soomaaliyeed oo dalkaas deeq waxbarasho ka helay iyo bukaano tira badan si loogu soo daweeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this