Sign in to follow this  
Liibaan

VIDEO:SanadGuuradii 52aad Xornimada Midnimada Qaranka SOmalia oo LagaXusay Caasimada KHaatumo State

Recommended Posts

Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

June 26, 2012 :

Sanad-guuradii 26ka Juun oo Laga Xusay Caasimada Khaatumo Ee Taleex- (Video)-

Lasanod Online. Wednesday, June 27, 2012

 

 

 

 

Taleex,(lasanod Online)- Xaflad si fiican losoo agaasimay oo lagu xusayey sanadguuradii 52aad ee kasoo wareegtay maalintii xornimada ay qaateen..

 

Gobollada waqooyi ee dalka Soomaaliya, ayaa lagu qabtay caasimada maamulka Khaatumo ee Taleex.

 

Xafladan waxaa ka qaybgaley madaxweynaha mamaulka Khaatumo Axmed Cilmi Cismaan(Karaash) iyo madax kale oo ka tirsan golayaasha maamulka Khaatumo.. Hoos ka daawo Maqal iyo muuqaal.

 

 

 

 

 

Copyright © 2012 Lasanod.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

kana-siib-300x247.jpg

Somalia-Flag.jpg

images?q=tbn:ANd9GcQ0P8_fN363NHOw5bKTm_i

 

 

 

Gabaygii Kaana siib kana saar – “Kaana” dadka qaar waxay ku macneeyaan – calanka gumaystaha ee birta ku xidhnaa iyo “Kanna saar” wuxuu ka waday calanka buluuga ah oo uu gacanta ku hayey Abwaanku. Dad goob joog ahaa maalintaa wayn ayaa laga yaabaa inay cadeeyaan.

 

Indhawaydba waataan

Salalaysay arladaydiiyee

Ma samaynin maansooyinkii aan

Saayidka u helaye

[saankuleer?] ayaamahan ma bixin

soonfur dabadeede

subucii dhamaadaba

marbaan saari jiray luuqad

sidde la qabsaduu leeyahay

iyo subucyo dhaadheere

labadaba markuu seego

wayga sirgacantaaye

Aan sameeyo maansadii

[dixdeey sidatay rabii]?

 

Anigoo Sabi ah oo

Sita leeb iyo qaanso

[Oo sideedo iskucaano]?

Sabad reer ka fogaaninoon

la’ii aaminin soofkiyo

saacan maanta aan joogno

gabaygu wuygu sugnaa-yoo

suxufiinta dhawaaqdana

anigow ugu sareeyo -e

Hadii aan sixi waayo

aa – ama aan sarsariigo

ama aan sarma seejo

ama aan ka salguuro

ama laygu saluugo

saamiciinta maqlaysaay

isu’aalo hadhowto – ee ee….

 

Ilaahaan waxba seegine

subuciisa quraankiyo

sabaxooyin ku sheegayoo

saciira iyo naciima

rabigii kala seerayow

marka suurtu dhawaaqdo e

lasoo saaro makhluuqa

shaqiga iyo saciidka

maalintaad kala soocdo

danbigaanu samaynay

rabigayow naga saamax ee ee….ya

Subciyoo ka dukeeyeye

sowt kaleetona waayoo

Soomaaloo calan taagta

Saakaa inoogu horaysoo

Iinsiga inaad tihiiniyo

Inkalaana saxaynine

Sadex wiik iyo maalmo

Hadaan soor cuni waayo

Safrad laygama yaabo

Sari mayso naftayda e

Saaxirkii Kala guurnaye

Sareeyow ma nusqaamoow

Aan siduu yahay eego ee

Kaana siib Kanna Saar

 

Ka’ sideetan Sabaano

Calankaanu sugaynay

een sahankiisa ahaynow

Sermawaydo hilaacdayoo

sagal maanta daroorayoo

siigadii naga maydhayoo

Saqdhaxaanu ahayne

kii soosaaray cadceedow

samada ki u eekaayee

Xidig-gam isa siiyayow

Saaxirkii Kala guuraye

Sareeyow ma nusqaamoow

Aan siduu yahay eego ee

Kaana siib Kanna Saar

 

Saalixiinta Islaamko

Sirta kay ku arkeenoow

Saahidiinta quraanka

Subcisaa jimcayaashiyo

Sibhantiyo haweenku

Calankeey Sahadsheenoow

Cidina kaanay na siinine

Saatir noogu yaboohayoow

Saaxirkii Kala guurnaye

Sareeyow ma nusqaamoow

Aan siduu yahay eego ee

Kaana siib Kanna Saar

Kaana siib Kanna Saar

 

Sanku neefle dhamaantii

Khalqiga kii u siinaaye

Mid saaxiib la’ahaynoow

Mid saaxiib la’ahaynoow

Saaxirkii Kala guurnaye

Sareeyow ma nusqaamoow

Aan siduu yahay eego ee

Kaana Siib Kanna Saar

 

Kii saciida la keenayoow

Samadu kay ku xidhnaydoow

Salaankii

Sayruukhii afrikaadoow

Siraadkii na’ iftiinshaye

Soomaaloo dhan xoreeyayoow[

Saaxirkii Kala guurnaye

Sareeyow ma nusqaamoow

Aan siduu yahay eego ee

Kaana Siib Kanna Saar

Faralka iyo sunaha

Wixii diinta ku Sahabsan

Isna kii sadexeeyayoow

Saaxirkii Kala guurnaye

Sareeyow ma nusqaamoow

Aan siduu yahay eego ee

Kaana Siib Kanna Saar

Kii gumaysiga saaraye

isticmaarkii sumeeyaye

seedihii kogsanaa -iyo

Seetadii naga gooyayoow

Saaxirkii Kala guurnaye

Sareeyow ma nusqaamoow

Aan siduu yahay eego ee

Kaana Siib Kanna Saar

Soomaaloo is cunaysa oo

Isa seegan dhamaanoo

Saqda qaylo dhawaaqdiyo

Sulub laysku Cabaystiyo

Hadba soof la xanbaariyo

Sareecyo dami waydiyo

Kii laydhiisu na saaqdaye

Kii safeeyey qabaa-ile

Saf walaalo ka yeelayoow

Saaxirkii Kala guurnaye

Sareeyow ma nusqaamoow

Aan siduu yahay eego ee

Kaana Siib Kanna Saar

Nimankii na siraayeye

Waax-waax noo kala saaftaye

Solonaayey cadkeena

Inagoo dhexda suunku

Sabarkeena qarqooray

Kii sadkeena cunaayey

Sarartiisa ka muuqdaye

Surwaalkii ka yaraadaye

daaro loo sibidheeyiyo

Sariiraha lagu seexdiyo

Kabadh suuf laga buuxshiyo

Mid baabuurka safeeyiyo

sagaal booyd iyo kuug iyo

Aayad saarta caruurtiyo

Waliba seeska uu lahaa

Sabanka uu labayoow

Saaxirkii kala guurnaye

Sareeyow ma nusqaamoow

Aan siduu yahay eego ee

Kaana Siib Kanna Saar

 

Sawjada qofka qaataye

Intuu soodhka ka taagay

Uu diyaarad Salaantiyo

Saraakiisha amraysa

Sifiihii isticmaarka

ka siyaadiya maanta

Sibilkeenan agjoogoow

Sibirtiisa istaaga

Ninwalbaa sigib beelo

Sare u taaga gacmahoo

Sacabka isu garaaca oo

Nin walbaa sadex goor

Subxaanoow waa mahaa dheh — hoyaalayooow -hoobaalayoow

 

Somalia_Flag2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

buho6.JPG

 

Axmed Ismail Dirie "Qaasim",

 

 

 

Axmed Ismaaciil diiriye, Eebbe haw naxariistee,

 

Cadan buu joogey kolkii Calanka laga taagay Soomaaliya, Dalkeenuna Xornimada Ka helay Guumeesigii Europe waa Italy Iyo Britain.

 

Dad badan oo debedaha joogay oo imankariwaayeyna

 

halkoodii ayey ku xuseen kuna dabbaaldegeen.

 

Marxuunka oo isagu dadkaasi ka mid ahaa si gaar

 

ah ayuu u xusay. Mar la weydiiyey wuxuu ka odhan

 

lahaa arrintaana wuxuu yidhi:

 

 

 

Allow yaa Darwiishkii farriin debecsan gaadhsiiya

Allow yaa dadkaagii yidhaa dawladnimo qaaday

Allow yaa dabbaaldegiyo farax kala dul eedaama

Fardaha yaa dirkii dhooddi meer doona faracdiisa

Allow yaa darmaan farataqaan duqa u kooreeya

Allow yaa duleeddada Taleex uga dammaashaada

Dhaaxuu ku daakiray xaqoo naga dahsoonaaye

Ha daawado dadkow hiiliyo doogga soobbaxaye

Allow yaa dalluuntiyo qabriga dib uga soo saara

In dariiqadi nooshahay ooy dunida soo gaadhey

Oo dabkuu shiday rag kale dogobbo sii saaray

Allow yaa af lama daaliyee daacad ugu sheega!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

SomaliFlag.jpg

somali-flag-lng-life-mogadishu-somalia+1

 

Halgankii Barakeesnaa ee Daraawiishta

 

nimaan oqoon baa yiraa,hadalka qaarkiise,

Waa nimaan hurmuud wada ah iyo,hanadyo waaweyne.

Waa nimanka haybtoodu tahay, Haashinkaas kore e.

 

 

Waa nimanka deeqdii hanbaday, hibo Ilaaheeye,

Waa niman intay hodon yihiin, hoog ku sii daraye,

Waa niman gob baa lagu hirtaa, lagu hagaagaaye.

 

Waa nimanka daaraha hurdiyo, harac dallaal weyne,

Waa niman xariira huwanoo, huga ku laafyoone

Waa nimanka haashaarka gole,marada haafeeyne

 

Waa nimanka doonyuhu Hindiga,uga himbaartaane

Waa niman haruur iyo bariis,hoyga loo dhi***e

Waa nimanka haanfuuqayee,timirtu hoos taale

 

Waa niman haleeliyo horweyn,heel ka buuxsadaye

Waa niman adduun lagu huroo,maal hareeriminne

Waa niman intay wada habceen, heeshiguun dhiciye

 

Waa niman hingaar lama watee,haybad guursada e

Waa niman hablaha ay qabaan,halalac leeyaane,

Sida heegadoo curatay bay, shuqul hillaacaane

 

Waa niman hub iyo dowladnimo,haysta waligoode

Waa niman u heenseyn fardaa,halabsigoodiiye

Waa niman halqooqaha rogaal,heegma weligoode

 

Waa niman hadday rag is-hayaan,huriya baaruude

Waa niman madaafiic higliyo,haaliggii ridiye

Waa niman hanaanaca kufriga,hoor ka soo qubiye

Daaroodku waa wada halyey,kalase heyb roone

 

Dadka kalena waa wada hulqiyo,huuba doora lehe

Waxse heerle haad ferenji iyo, harabka ******e

Kuwa fuudka heeminahayoo,himishku duulaayo

Aan tan iyo Haabiil dheryaha.lagula hawshoonnin

 

Iyana heer inay leeyihiin,hubantidey weeye

Hiliblaha dukaaminahayoo,horori ceeriinka

Oo dhiigga soo hililiqlayn, haysha ka caseeyey.

Iyana heer inay leeyihiin,hubantidey weeye

 

Nimanka hablaha soorta guri, ku hargawaaxaayey

Ee tii wax hoomey tiraa,kula haliilaayey

Iyana heer inay leeyihiin,hubantiday weeye.

 

Nimankii hawaaree sidii,habas u kowdiidey.

Oo aan futada haawineyn, hogobka aad mooddo

Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye

 

Nimankii sidii awr hayina, hilayga qaadaayey

Hinjigiyo culayskii kuwuu,hoolay dhabarkooda

Iyana heer inay leyihiin hubantiday weeye.

 

Ragga hiirta waa beri dillaal, halaladuu roori

Oo aan hunguriga maalimeed,soo har gelihaynin

Iyana heer inay leyihiin, hubantiday weeye.

 

Nimankii habeedley ummula, huga u mayraayey.

Nimankii habeen iyo dharaar, hiribka qooshaayey

Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye.

 

Ragga udaha horsanahayoo,saxaraduu heegan,

Iyo nimanka hooyadood ku odhan, habartu waa dhuustey

Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye.

 

Axmed nuuxa nirig haaruuf badan,kabar u heereeyey

Ee hilinka meeshiyo Hiraab, habaqluhuu qaaday,

Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye.

 

Muusacarraha haragga iyo, hoorka xiranayaa.

Oo qurunka ay huursadeen, lagu hunqaacaayo

Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye.

 

Ciisaha baqtiga hii***oo, haadka qalanayaa,

Oo calaha habuurka badan, hagida meeraaya,

Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye.

 

Habaryonis iyo reer Jugliyo, habar magaadloo dhan

Iyo caliga hoosada berbera, huluqa jiidaa,

Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye.

 

Intii heer lahayd ma aan dhammayn. hebelladoodiiye

Hayska hoobbiyeen nimanka aan, heray boqontiiye

Inta aan hunduudaa ka badan, hiishka geedaha e.

 

Niman baan bullaabee ma oran, hiijo iyo ceebe,

Waxsaan hubinayaa waa inay, hadiyad keenaane,

Ha yeeshee intaasaan hojee, hor Allahay geystay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Daawo Sida Qiimaha Iyo Quruxda Badan Ee 1july Oo Ku Aadan Maalinta Xornimada Umada Somaliyeed Qaadatay Sidii Looga Xusey Maamul Goboleedka KHaatumo Of SOmalia (Daawo Sawiro+Warbixin Koban)

 

Buuhoodle(Allssc)Waxaa maanta laga xusay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn, Si qiimo iyo Qaayaba leh 1july oo ku aadan xornimada somaliya , Munaasibad qiimaha badan ee 1july ayaa maanta ka dhacday magaalada Buuhoodle, Yadoo halkaasi ay bulshadu iskugu soo banaanbaxeen Garoonka wayn ee xabado Studiem.

 

Halkaasi oo ay kasoo qayb galeen dabaal degan 1july Golaha madaxtooyada Khaatumo madaxweyne mudane Maxamed Yuusuf Jamac‘ Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha ,Yaasiin Axmed sulub’ sidoo kale iyo madax badan oo ka socota maamulka Khaatumo State Of Somalia.

 

Hadaba Wixii Vedeo Ah Waxaan Idinkula Socodsiin Doonaa Wararkayaga Danbe

 

Daawo Sawirada Hoose

 

 

DSCN4090.jpg

 

July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia

 

DSCN4103.jpg

 

July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia

 

DSCN4125.jpg

 

July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia

 

DSCN40951.jpg

 

July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia

 

DSCN4122.jpg

 

July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia

 

 

DSCN4124.jpg

 

July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia

 

DSCN4157.jpg

 

July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia

 

DSCN4141.jpg

 

 

July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

31.jpg

July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia

 

4.jpg

July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia

 

 

1.jpg

July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia

 

 

2.jpg

July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia

 

 

7.jpg

July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia

 

 

7.jpg

July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia

 

10.jpg

July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

http://youtu.be/vXzUhth-a6g" frameborder="0" allowfullscreen>

 

VIDEO:Munaasibad 1 Luulyo, KHudbadii MadaxWeynaha KHaatumo State, Iyo Ciyaarihii Kubada Cagta ee Darwiish, Hilaal, & TogSol

 

July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

16.jpg

 

Maamul-Goboleedka KHaatumo State oo Si Wayn Looga Xusay Munaasabadda 1-da Luulyo Iyo Madaxda Maamulka Khaatumo oo Shacabka KHaatumo State Dabaal Daga Kala Qayb Galay

 

 

Waxaa saaka ka bilaabatay guud ahaanba magaalada Buuhoodle dabaal dega munaasibada 1 Luulyo waxaana dhamaan shacabku isaga kala yimaadeen dhamaan Xaafadaha ku yaala magaalada Buuhoodle.

 

Ugu danbayna waxay isugu soo biyo shubteen Garoonka Kubda Cagta ee Xabado Stadium halkaasi oo lagu soo bandhigay Gabayo, Dabaaldegyo, Buraaburo Qiiro leh,& Qudbado dhinacyo badan taabanay kana turjumada Xuska Maalintan Qaran.

 

Waxaa Halkaas ka hadlay Qaar kamida shacabwayna kudhan magaalada Buuhoodle waxay siwayn ucabireen dareenkooda farxadeed ee ku aadan Xuska Maalintan Qaran.

 

Sidoo kale Waxaa Halkaasi Wacdaro ka muujiyey Xubahadan Haweenka Gobolka Cayn oo soo ban dhigay Buraan buro qiimo leh oo ay kaga qayb qaadaneeyeen munaasibadan siwayna dadku ay ula Dhaceen.

 

Dhankooda waxaa Munaasibadan Qayb wayn kala qaatay Shacab waynaha Masuuliyiin & Madax katirsan Maamulka khaatumo State oo uu hogaaminyey Madaxwayne Maxamed Yuusuf Jaamac {Indha Sheel}.

 

Waxaana halkaas madaxdu ka jeediyey Qudbado ay dhinacyo badan taabanayey oo loogu talagalay Xuska maalinta Qaran ee 1 luulyo oo ah maalin ku wayn dhamaan umada Soomaaliyeed.

 

Sidoo kalana Madaxwaynaha oo Munaasibadaas ka hadalyey Ayaa Carabka ku dhuftay Shaqaaqooyinka kataagan Deegaanka docmo waxuuna sheegay inay wafdi balaadhan halkaasi udirayaan.

 

Abwaan Suusle oo kamida abwaanada deegnada khaatumo ayaa isna halkaasi kusoo bandhigay Gabay Cajiiba oo uqaaday Calanka Jamhuuriyadeena Soomaaliya.

 

Gagaba gabadii Munaasibadan ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Siwayna dareenkooda farxadeed umuujiyey dadwayne tirabadan iyadoo dabaal degyaduna Saacadaha soo socda lafilayo inay kabilowdaan Hoteelada & Qabha kale ee magaalada Buuhoodle.

 

.Maxamed Cismaan C/nuur Xaashi

 

 

 

4.jpg

July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia

 

21.jpg

July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia

5.jpg

July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia

6.jpg

July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia

7.jpg

July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia

11.jpg

July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia

 

15.jpg

July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia

 

19.jpg

July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia

20.jpg

July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Buhoodle, KHaatumo State Of Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Caasimada Taleex, KHaatumo State Of Somalia

 

Xaflada Munaasbada 52- Guuradii Xornimada Iyo Midowga Sooaamliya Ayaa Ka Socota Caasimada Taariikhiga Ah Taleex Iyo Khudbadii Madaxweynaha KHaatumo State Axmed Cilmi Cisman

 

Xafladan oo ay soo qabanqaabiyeen Masuuliyiinta Maamulka khaatumo iyo Ururada Bulshada rayidka ah ayaa xalay ka socota Xarunta Madaxtooyada Maamulka Khaatumo ee Taleex, hadaba Xafladan qabkamida ladaawo qaybah dhima waxan idiin soo gudbiin doona hadii lahay iidmo waqtiyada soo socda

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Lovely thread.Si wacan aya lo xusay malinti midnimada qaranka somaliyeed.

 

Midnimo iyo horumar ayaan urajaynaya dhamaan umada somaliyeeed meshay ka joogaan dunida dal iyo dabadba.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Caasimada Taleex, KHaatumo State Of Somalia

 

Dabaal Dega Kowda Luulya ee Taleex

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

VIDEO: July 1, 2012 - Maalintii Midnimada Qaranka Soomaaliya - Magaalada Buuhoodle, KHaatumo State Of Somalia

 

Dabaal Dega Kowda Luulya ee Magaalada Buuhoodle

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this