Sign in to follow this  
Somali philosopher

just incase

Recommended Posts

In Ka Badan Boqol Baasaboor oo Si Qarsoodi ah Loogu Dhoofin Lahaa Hargeysa oo Lagu Qabtay Garoonka Muqdisho

 

 

 

 

Muqdisho (RBC) Sida uu galabta shaaciyey taliyaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha DKMG Soomaaliya waxaa galabta garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu qabtay in ka badan boqolbaasaboor oo noocii hore ah kuwaasoo si qarsoodi ah loogu dhoofin lahaa magaallada Hargeysa.

Taliyaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha C/laahi Gaafow Maxamuud oo wariyaasha faahfaahin ka siiyey baasaboorada la qabtay ayaa sheegay in dad ay wateen dukumintiyadaasi oo aha baasaboorkii cagaarka ee horey looga isticmaali jiray dalka kaasoo hadda laga isticmaalodeegaanada maamulka Somaliland.

C/laahi Gaafow wuxyuu sheegay inay nasiib darro tahay in maamulada Somaliland iyo Puntland weli ay isticmaalaan baasaboorka cagaarka ahaa kaasoo horey ay u joojisay DKMG Soomaaliya.

“Dad ayaa watay baasabaoorka oo rabay inay geeyaan Hargeysa laakiin gacanta ayaa lagu dhigay, waxaana la yaabanahay in deegaanada Somaliland iyo Puntland ay madaxdooda weli u ogil yihiin in baasaboorkii hore lagu galo” ayuu yiri C/laahi Gaafow oo sheegay in dadka adeegsada baasaboorka cagaaran ay yihiin dad dembiyo ku lug leh oo ka dhuumanaya caddaalada.

“Waxaan geynay meelo baasaboorka lagu bixiyo magaalooyinka sidaGaalkacyo, Garowe iyo Boosaaso waa nasiib daroin weli kii hore la qaadanayo,” ayuu hadalkiisa ku daray C/laahi Gaafow isagoo maamulada Somaliland iyo Puntland ugu baaqay inay joojiyaan aqbalaada baasaboorka cagaaran oo uu sheegay inay ku soo gaban karaan dad amni darro wada ama aan asal ahaan Soomaali ahayn.

C/laahi Gaafow oo ka hadlay isticmaalka baasaboorka cusub ee E-Passport ee deegaanada kala duwan ee dalka ayuu sheegay in baasaboorka uu gaaray meel kasta oo xitaa laga qaatay deegaanada maamulka Somaliland oo dadka ka yimaada ay toos u qaataan baasaboorka cusub ee Soomaaliyeed ee E-passport kaasoo uu sheegay inuu ka amni badanyahay kii hore.

Taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha oo la weydiiyey warar sheegaya in dad ajnabi ah oo Muqdisho yimid ay si fudud ku qaateen baasaboorka cusub ee Soomaaliya ayuu beeniyey, wuxuuna sheegay inuudan jirin hal ruux oo ajnabi ah oo heystal baasaboorka Soomaaliya.

DKMG ah ayaa dhowr sano ka hor mamnuucday in dalka laga isticmaalo baasaboorkii hore ee cagaarka ahaa ee Soomaaliya iyadoo dadka Soomaaliyeed la faray inay ku bedeshaan baasaboorka cusub ee E-passport kaasoo hadda lagu sameeyo gudaha dalka.

Hase yeeshee waxaa baasaboorkan aan laga ogoleyn garoomada maamulka Somaliland oo horey dad fara badan ugu xirxiray adeegsida baasaboorka DKMG Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this