Sign in to follow this  
xiinfaniin

Go'aanno ka soo baxay shirkii saxiixayaasha Roadmap-ka ee Nariobi lagu soo gebagebeeyay

Recommended Posts

Go'aanno ka soo baxay shirkii saxiixayaasha Roadmap-ka ee Nariobi lagu soo gebagebeeyay

 

 

Jimco, June 22, 2012(HOL):Saxiixayaasha khariidada dhameystirka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya, ayaa kulan ku yeeshay Nairobi, Kenya, kaasi oo socday 20 ilaa iyo 22 June, 2012 si ay wada xaajood dheeraad ah uga sameeyaan hirgelinta khariidadda dhameystirka kumeel gaarka Soomaaliya.

 

Si gaar ah waxay diiradda u saareen sidii horey loogu dhigi laa hirgelinta waxyaabihii ay ku heshiiyeen eek a soo baxay shirkii Addis Ababa, ee dhacay intii u dhaxeysay 21dii ilaa 23dii May kaasoo looga gol lahaa dedejinta arrimaha tubta nabadda.

 

Shirka waxaa sahashay Qaramada Midoobay, gaar ahaan wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Augustine P. Mahiga.

 

Shirka Nairobi waxaa ka soo qaybgalay madaxda saxiixayaasha Khariidadda (Roadmap Signatories), sida Mudane Sheikh Sharif Sheikh Axmed, Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah (DFKMG) ee Somalia; Mudane Sharif Xassan Sheikh Adan, Af-hayeenka Baarlammanka DFKMG ah ee Somalia,mudane Cabdiweli Maxamed Cali, Rai’sul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya; Mudane Cabdiraxman Maxamed Maxamud (Faroole), Madaxweynaha Dowladda Puntland; Mudane Maxamed Axmed Caalin, Madaxweynaha Galmudug; iyo Sheikh Maxamed Maxamud Yusuf (Aw’Libaax), Wakiilka Ururka Ahlu Sunna Wal Jama’a.

 

1. Protokoolada Dhameystirka Kumeelgaarka:

 

a) Saxiixayaasha Khariidadda Dhameystirka Xilliga KMG ah markay ka doodeen dib-u-eegidna ku sameeyeen dhameystirka KMG ah oo ay kasoo shaqeeyeen Guddiga Farsmo ee Dib-u-eegidda Dastuurka ee lagu soo dhisay heshiiskii Addis Ababa ee qabsiimay May 21-23, 2012, waxay isku raaceen saxiixeenna qodobada soo socda:

 

1. Protokoolka Guddiga Farsamo ee soo xulidda xubnaha baarlamaanka.

 

2. Protokoolka dhisaya Guddiga sahlaya socodsiinta hawlaha Farsamo (Technical Facilitation Committee).

 

3. Protokoolka dhisaya Ergeda Golaha Ansixinta Dastuurka (National Constituent Assembly).

 

4. Protokoolka dhisaya Baarlamaanka Federaalka ee Qaranka Somalia (National Federal Parliament).

 

 

Sidoo kale, Madaxweynaha DFKMG ah wuxuu saxiixay Xeer ay goobjoog ka yihiin dhammaan Saxiixayaasha, Xeerkaasoo ogolaanaya Protokoollada kor ku xusan oo dhisaya nidaam sharci ah oo lagu dhamaystiro geedi-socodka Dastuurka Somalia iyadoo loo marayo ansixin ku meel gaar ah (provisional adoption) ee Dastuurka Somalia oo ay u codeenayaan Ergada Ansixinta Dastuurka.

 

2. Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah

 

Saxiixayaasha ayaa si wadajir ah u saxiixay nuqulkii ugu dambeeyey ee Qabyo-Qoraalka Dastuurka KMG ah oo ay soo dhamaystireen Guddiga Farsamo ee Dib-u-eegida Dastuurka (Technical Revision Committee) ee Addis Ababa. Kani hadda, waxaa weeye, Dastuur KMG ah ee Somalia. Guddiga kor ku xusan magaciisa waxaa loo badalay Guddiga Farsamo ee Fududeynta Howlaha (Technical Facilitation Committee), waxaana Gudoominaya Wasiirka Arrimaha Dastuurka iyo Dib-u-heshiisiinta ee DFKMG ah.

 

Inta aan Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah la hordhigin Ergada Ansixinta Dastuurka, Hey’adda IFCC ayaa qaban doonta wacyi-gelin si loo kordhiyo aqoonta Dadweynaha ee arrimaha Dastuurka KMG ah, wacyigalintaasoo qaadan doonta muddo dhan 4-berri. IFCC ayaa Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah dib ugu celin doonto Guddiga Farsamo ee Fududeynta Howlaha (Technical Facilitation Committee), Guddigaasoo ah Guddiga leh mas’uuliyadda u bandhigidda Ergada Ansixinta ee Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah.

 

3. Ergada Ansixinta Dastuurka (National Constituent Assembly)

 

 

Shirweynaha Ergada Ansixinta Dastuurka ayaa furmi doona 12 July 2012 wuxuuna soo xirmi doonaa 20 July 2012. Ergada Ansixinta Dastuurka waxaa la kala dirayaa markii ay soo gabogabeeyaan codeynta ansixinta KMG ah ee Qabyo-qoraalka Dastuurka, ka hor inta aan loogu soo bandhigin Dadweynaha Soomaaliyeed cod-bixin toos ah.

 

4. Dhisida Guddiyada Dhamaystirka Xilliga KMG ah

 

Sida ku xusan Heshiiskii Addis Ababa, xubnaha Guddiyada hoos ku qoran ayaa la magacaabay:

 

a) Guddiga Farsamo ee Xulida (Technical Selection Committee)

 

b) Guddiga Dhexdhexaadinta Odayaal-Dhaqameedka (Elders Arbitration Committee)

 

c) Guddiga Farsamo ee Fududeynta Howlaha (Technical Facilitation Committee)

 

d) Xafiiska Xiriirinta ee Saxiixeyaasha (Roadmap Signatories Coordination Office)

 

Magacyada xubnaha Guddiyada kor ku xusan waxaa lagu soo uruurin doonaa Dowladda Federaalka KMG oo si dhaqso ah ugu soo bandhigi doonto Dadweynaha Somaaliyeed.

 

5. Wakhtiga ka dhiman Xilliga KMG ah

 

 

Saxiixayaasha ayaa si wadajir ugu heelan inay ilaaliyaan wakhtiga kama dambaysta ah ee lagu go’aamiyey Heshiiskii Addis Ababa, waxayna si wadajir ah u go’aansadeen in la dhamaystiro Xilliga KMG ah iyo in la hirgaliyo hanaan siyaasadeed oo cusub oo waafaqsan Dastuurka KMG ah oo ay u codeeyeen Ergada Ansixinta Dastuurka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this