Sign in to follow this  
Maaddeey

Sierra Leone troops join...

Recommended Posts

Maaddeey   

Sh.Abuu Muscab “ Lix ka mid ah Ciidamada Siraaliyoon ayaan maanta ku dilnay dagaalkii ugu horeeyay ee aan ku qaadnay Calooshood u shaqaystayaashaas” Dhagayso.

Thursday, 14 June 2012 16:49 Abuu Dar Hits: 696

Afhayeenka Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sh.Cabdi Caziiz Abu Muscab oo Galabta gelinkii dambe Shir Jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa sheegay in Maanta markii ugu horeysey ay Mujaahidiintu dagaal la galeen Ciidamada Calooshood u Shaqaystayaasha ah ee dhawaan laga keenay Wadanka Siraaliyoon “Sierra Leone” halkaasna ay ku dileen Ciidamadamii ugu horeeyay ee Siraaliyoon looga dilo gudaha Wadanka Soomaliya.

Sh.Abu Muscab ayaa sheegay in Saakay ay duleedka deegaanka Yurkud ee Gedo Kamiin u dhigeen Ciidamada Siraaliyoon oo ay galbinayeen Ciidamo kale oo Xabashida Itoobiya ah xilli ay kusoo wajahnaayeen Magaalada Baydhabo, wuxuuna sheegay in halkaas ay Mujaahidiintu ku gubeen Gaari Uuraal ah oo ay Xabashidu lahayd ayna ku dileen tiro ka mid ah Ciidamadii cadawga ahaa ee isgarabsanayay.

 

Maanta Duhurkii ayuu sheegay in Mar kale ay Mujaahidiintu Kamiin kale u dhigeen isla Ciidamadii cadawga ahaa ee Saakay dagaalka lala galay Xilli ay marayeen deegaan aan wax badan ka fogeyn Yurkud oo lagu magacaabo “Kurtaalle” una dhexeeya Yurkud iyo Degmada Bardaale, halkaas oo uu ka dhacay dagaal aad u culus oo qaatay waqti ka badan hal saac iyo bar, wuxuuna Afhayeenku sheegay in halkaas ay ku dileen tiro ciidan ka badan dhowr iyo toban kuwaas oo Lix kamid ah ay ahaayeen Siraaliyoon halka inta soo hartayna ay ahaayeen Xabashida Itoobiya, ayna sidoo kale gubeen 2 ka mid ah gaadiidkii dagaalka ee ay wateen, taas oo gaadiidka cadawga maanta laga gubay ka dhigaysa 3 Gaadii dagaal ah.

 

Sh.Abu Muscab oo ka Jawaabayay su’aal ay Wariyayaashu waydiiyeen oo ahayd sida ay ku Xaqiijin karaan in Ciidamada ay weerareen ay ku jireen kuwo Siraaliyoon ah ayaa wuxuu sheegay in ay Gaadiidka dagaal ee ay wateen ay ku buufsanayd Calaamada “AU” ee lagu yaqaano waxa loogu yeero Amisom, halka kuwa Itoobiyaanku aysan Calaamadaas wadanin, Sidoo kale wuxuu sheegay inayba markii hore isha ku hayeen dhaq-dhaqaaqa ay Ciidamadaas ka wadeen Degmada Luuq oo ay in mudo ah ku sugnaayeen intaysan usoo dhaqaaqin dhinaca Baydhabo.

 

Waa markii ugu horeysey Taariikhda Soomaaliya ee Ciidamo ka socda wadanka Siraaliyoon “Sierra Leone” ee ku yaalla Galbeedka qaarada Afrika lagu dilo wadanka Soomaaliya, iyadoo hore Soomaaliya casharo lama ilaawaan ah loogu dhigay Ciidamo kusoo duulay, kuwaas oo ay ugu caansanyihiin Ciidamada Itoobiya, Yugaandha, Burundi,Kenya, Maraykan, Talyaani, Ingiriis, Burtaqiis kuwaas oo dhamaantood Ciidamo usoo diray Soomaaliya balse ay Dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah kala hortageen Dagaal Jihaad ah oo lagu laayay qaar badan oo Ciidamadaas ka mid ah.

 

HALKAAN KA DHAGEYSO SHIRKA JARAA'ID ABUU MUSCAB

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this