Sign in to follow this  
Aaliyyah

Maanta iyo Muqadisho (qormo xiiso badan)

Recommended Posts

Aaliyyah   

Waxaa Qof walba oo muwaadin Soomaaliyeed ah saaqday neecoow wadaninimo, Neecaw qabow oo caafimaad markaasaa mid kacleeya iyo mid kadleeyaba u xidhxidhay in uu soo arko Caasimadii dhulkii hooyo ee Muqdisho.

 

Halkani waa garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee caalamiga ah, garoonkani wuxuu tusaale wanaagsan u yahay oo uu ifafaale qurxoon ka bixinayaa magaalada uu ku yaallo ee Xamar/Muqdisho, markaan il’mug leh ku eegay habsami u socodka shaqada garoonka, qalabkan casriga ah iyo adeegyada kala duwan ee loo dalbay socdaalayaasha ayaan fahmay farriinta garoonka oo wuxuu ileeyahay “hadda uun baan caalami ahay adduunkana la jaanqaaday”.

 

Waa markii labaad ee aan noloshayda cagta soo dhigay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, halkan dadku way wadafaraxsanyihiin niyada ayaana u dhisan noloshuna si caadi ah ayay u socotaaa,Subaxdii ubadku Dugsiyada Qur’aanka iyo goobaha kale ee waxbarasho ayay u jarmaadaan,xoogsataduna goobahooda shaqada.

 

20 sano in ka badan waxay Xamar la il’darneyd waxyeelada dagaaladii sokeeye oo gaar siiyey burbur laxaad leh ayadoo ay u weheliyeen qax joogto ah, abaaro iyo dagaalo waa colaad sokeeyee.

 

Mar baan ku calaacalay ma nasiibkaygaa xumaaday oo maxaan u calafsan waayey maalmihii muqdisho nabadeedu saraysay, magaceedu kor ahaa , cududeedana laga haybsan jiray hadana waxaan isku qanciyay hadaba jidkaas ayaa jaanta lagu hayaa ee dulqaado ,Waa markii u horaysay ee aan jirahay-joogahay arkay Xamar Cadeey oo nabad iyo barwaaqo sooran ku jirta.7

 

Muqdisho waxaa ka jirta nayaayiro wanaagsan markaad aragto niyad wanaagga hooyooyinka, dadaalka ardayda dugsiyada iyo jaamacadaha, dawladda iyo barnaamijyada dib-u-dhiska, heeganka ciidanka Qaranka, idaacadaha la dhegaysto iyo kuwa la iska arko ee u carabisan baraarujinta iyo hanuuninta qaranka, waxaa kale oo ku soojeedinaya tamashlaynta ka socota xeebta liido iyo dib u dhiska ku socda hotellada nasashada iyo sharikadaha adeegyada kala duwan qabanaya,

 

Sidoo kale waxaa aad arkaysaa laamiyada magaalada wadnaha u ah sida maka al-mukarama oo kale oo aroor yada hore loosoo shaqo tegaayo oo la xaadhayo Bacaadkii shalay lagaga hoyday. Iyo jidadka waaweyn oo lagu qurxinaayo laydhadh waaweyn oo Solar ah oo Iskood iyagu isu shida isuna damiya Waa Yaab!!!

 

Waxa wadooyinka waaweyn ee magaalada laga wadaa qurxinta iyo hagaajinta taas oo lagu dareemi karo hanaan dawlad nimo, Geeskaad ka soo wareegtoba waxaa taagan Traffic kala hagaya baabuurta eegayana gaadhiga aan haysan (Licence-ka) buuga wadista gaadiidka iyo Jaandiga Baaruurka wadaha aan haysan ama mid ka maqan yahay waa laga dhigayaa si sharci ah gaadhiga.

 

Hadii aad xamar ku noolayd 20-kii sano ee ugu danbeeyay oo ay dhegahaagu laqabsadeen jabaqda iyo daryanka rasaasta hadii aad xilligan aan joogo aad maqasho jabaqda Qow Qow hada la soco waa fuundi isku garacaaya musmaar iyo alwaax oo guri dhisayee ma ahan codkii dhegahaagu horay ula qabsadeen, Xamar oo burbur xoogani soo gaadhay 20-kii sano ee la soo dhaafay hada waxay tusaysaa farxad dadka ku dhexnool gudeheeda, wajiyadoodana waxaa ka muuqata niyad wanaag adkaysi leh.

 

Maxaan ku til maamaa Xamartan manta? Ma waxaan dhahaa waa xeego oo xanaf iyo xurmoba waa taalaa? Mise waxaan iraahdaa waa sidii misigtii la falfaliyey oo cad iyo lafba way leedahay? Mise sida dadka guraca wax u eega ayaan idhaahdaa Xamar waa xaruntii ma deganayaasha geeska afrika?.

 

Mayee aan iraahdo Xamar Cadayeey barasho wanaagsan.

 

Waa qalinkii Dr: Mustafe Mohamed Duulane

 

Boocame Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this