Sign in to follow this  
ugaas Ali

somalia's border muqadas

Recommended Posts

Warmurtiyeedka kasoo baxay shirkii Stanbul ll ayaa Calamka iyo Madaxda Soomaalida ee shirka ka qayb galay ay hoosta uga xariiqeen in midnimada, Madaxbanaanida, iyo wadajirka Umada Soomaaliyeed ay lama taabtaan tahay, arintaan ayaa dhabarjab ku noqoneysa Soomaaliland.

 

Soomaaliland waxay ka qaybgashay shirka maalintisii kowaad ee looga hadlayey deeqaha iyo dhaqalaha Soomaaliya loogu deeqayo, laakiin way qaadaceen inay ka qaybgalaan maalinta muhiimka ahayd ee Mustaqbalka Siyaasada Soomaaliya looga hadlayey oo ahayd manta(1 june 2012), Soomaaliland shirku wuxuu ku noqdey Hasha laaca aragtay laanta geedka mooyee laagaba ma aragto.

 

Waxaa kaloo si weyn hoosta looga xariiqey in talada iyo Xal u helida Soomaaliya ay Masuuliyada kowaad ay leeyihiin Soomaalidu Beesha caalamkuna ku garab istaagi doonto, Heshiisyadii Kampala, Garowe iyo Gaalkacyo iyana la taaba galiyo, waxaa si cad loo cadeeyey inay Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanku uu xilkodu ku egyahay Ogosto.

 

Shirka oo si qodo dheer loogu lafa guray arimaha iyo Xal u helda Soomaaliya waxaa kaloo la isku adkeeyey in isku meel looga soo jeesto cid walba oo carqabad ku noqota Roadmapka iyadadoo si wada jir ah loo taageerey oo lasoo dhaweeyey go’aankii Bishii May kasoo baxay IGAD,AU iyo Q.M ee ku aadanaa in cidii ka hortimaada hanaanka hada socda loo aqoonsanayo qaswadeyaal(Spoilers) ayadoo Shirkanna uu hoosta ka xariiqayo kooxahaasi in laga qaado talaabooyin adag.

 

Burcad badeedka ayaa iyana shirka lagusoo hadal qaadey iyadoo la isla meel dhigey in xalka kaliya ee lagula dagaalami karo Burcad badeedka uu yahay iyadoo xitaa dhinaca Barriga(Dhulka) lagula dagaalamo.

 

Waxaa shirka si kadis ah ooo lama filaan ah loogusoo bandhigey warbxin uu Baanka Aduunku soo bandhigey warbxintasoo sheegey sa in Dowlada Kumeelgaarka ah ay musuqmaasuqdey lacago fara badan labo sano ah gudeheed, laga soo bilaabo 2009 ilaa 2010 kii, lacagtasoo la sheegey in jeebka lagu shubtey, lacagtaan waxay kor u dhaafaysaa aduun dhan 200 milyan oo Dollar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa kaloo si weyn hoosta looga xariiqey in talada iyo Xal u helida Soomaaliya ay Masuuliyada kowaad ay leeyihiin Soomaalidu Beesha caalamkuna ku garab istaagi doonto

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this