Sign in to follow this  
GaadhHaye

It is the fake vision of Soomaalidiidnimo!!!!

Recommended Posts

It is not the personal shortcomings of the so-called FM, stpid, it is the fake vision that is failing you!

 

Wasaaradii arrimaha debeda oo hawl gabtay iyo wakiiladeedii debedaha oo magac u yaal ah.

Written by Qaran news

May 30, 2012 at 06:01 AM

 

Tan iyo markii ay talada dalka la wareegtay xukumada Siilaanyo ee ka dhalatay Xisbiga kulmiye ayey fadhiid ahaayeen dhamaan hayadaha kala duwan ee qaranku marka la eego habka iyo hanaanka waajib gudasho waxaana lawada ogyahay in wasaaradahu noqdeen meel 10.00am ee subaxnimo la furo laguna kala dareero 12.00am,labadaasi saacadoodna aan hawl qaranku leeyahay la qaban balse lagu sheekeysto shaahna lagu cabo, bal hadaba aan gaar u soo qaato Wasaarada arrimaha debeda iyo wakiiladeeda debedaha.

 

Wasaarada arrimaha debeda iyo wakiiladeeda debedaha:-

Xaruunta wasaaradaasi ee hargeysa waa meel aan inta badan cidi u soo shaqo tegen oo aad moodid in beri hore laga guurey marmar ayaad arkeysaa adeegayaasha ama biyaantooniga oo keligood iska dhex jooga dadkii loo magacaabay wasaaradaasi ilaa wasiiro,agaasime,iyo shaqaaleba way tirsan tahay inta ay xafiiska yimaadaanba waa meel magac u yaala oo dantii iyo shaqadii qaranka ee ay ummadu u igmatay lumisay ama beylihisay.

Wasiirka wasaaradaasi wuxuu ka doorbidey shaqadii ummadu u dhiibatay safar debedeed oo marba meel dayuurad uu u raaco aan wax itijaaha lahayn waqti lumis iyo nusqaan mooyee, waa safar tamashle oo hantidii qaranka ee wasaaradaasi miisaaniyad ahaan loo qorsheeyey lagu isticmaalay iyadoo safaradaasi uu mar kasta wasiirku sameeyo aan wax guula laga keenin khasaare mooyee.

 

Maxaa dhacay safarkii ugu danbeeyey ee wasiirku ku

tegey Mareykan(USA) iyo Europe:-

Safarkii uu wasiirka arrimaha debedu ku tegey(USA) wuxuu noqdey mid lagu khasaaray kharash badanina ku baxay,wuxuu wasiirku tahli waayey in uu masuul keliya oo Wasaarada Arrimaha debeda ee America uu la kulmo xitaa waxaa diidey Kaaliyaha xoghayaha arrimaha debeda ee mareykanka oo si toosa ugu sheegay in uuna la kulmeyn, wasiirka arrimaha debeda waxaa lagu yidhi baratakoolka ilaali meeshan la iskama yimaado ee hab dibloomasiyadeed ayaa la soo maraa waxaa kugu yar waayo arragnimada dibloomasiyadeed waxaa fariintaasi wasiirka soo gaadhsiiyey karaani ka tirsan xafiiska kaaliyaha xoghayaha arrimaha debeda u qaabilsan arrimaha Afrika.wuxuu wasiika arrimaha debeda ee somaliland la kulmi kari waayey jaaliyada reer somaliland ee Washington isagoo la kulmay keliya shaqsiyaad ay is garanayeen.Wasiirku wuxuu u soo duulay London(UK)mudadii uu joogey london cid keliya oo ka tirsan saraakiisha ingiriiska oo uu la kulmay ma jirin jaaliyad uu la kulmayna ma jirin, sidaasi oo ay tahay ayaa Wasiir Maxamed Cabdilahi warbaahinta ka sheegay todobaadkii hore in uu ka qudbadeeyey baarlamaanka ingiriiska arrinkaasi oo ah been abuur iyo wax lagu qoslo, cid uu la kulmayna ma jirin ee dantiisa ayuu ingiriiska u joogey( eeg websiteka barlamaanka ingiriiska)websitekaasi ayaa laga qoraa dadka baarlamaanka ingiriisku la kulmo, sheegashada wasiirku sheegtay in uu baarlaamaanka ingiriiska ka qudbeeyey waa mid aan waxba ka jirin ee uu ku qarinaayo guuldaradiisa diblomaasiyadeed iyo hantida ummadu leedahay ee uu safarada bilaa faa'iidada ah ku luminaayo.

 

Safarkii Wasiirka arimaha debeda ee Somaliland uu ku tegey dalka belgium oo ay ku taalo xaruunta Europian union iyo xaruunta Difaaca wadamada reer galbeedka( NATO) iyo xaruumo kale oo international ihi wuxuu ahaamid guuldaro ku soo gebageboobey cid uu la kulmayna ma jirin waxaana cadeyd in uusan karti shakhsiyadeed iyo aqoon diblomaasiyadeed midna lahayn wuxuu u ekaa shakhsi caadi ah oo tamashle iyo booqasho qaraabo u jooga belgiumka,waxaa cad oo hubaala ummada reer somaliland ee ku kala nool USA iyo Europe in ay u arkeen safarkaasi wasiirka mid shakhsiyadeed ee uusan ahayn mid ummada dani ugu jirtey.

La soco qaybta danbe oo aanu kaga hadli doon wakiilada loo magacaabo

debedaha( waa safiirada).

Share this post


Link to post
Share on other sites

The so-called F Ministry of Somaalidiids could not procure a visiting visa for turncoat Xaabsade from the Turkish government for the Istanbul Somalia Conference II:

 

Sababta Xaabsade looga reebay weftigii Somaliland ee shirka Turkiye u metelaayey

Written by Qaran news

May 30, 2012 at 04:13 AM

Qaran news,(Qaran news)-Wasiir axmed cabdi xaabsade oo ka mid ahaa weftigii xukumada siilaanyo uga qeyb gelaayey shirka kooxaha somalida isku haya Istanbuul-turkiye loogu qabanaayo, ahaana wasiirka ugu da'weyn wasiirada meesha maraayey islamarkaana metela bulahsoweynta ka soo jeeda ama ku abtirsata gobolada sool iyo buuhoodle balse si weyn uga soo horjeeda Maamulka xukumada Siilaanyo ayaa ka baaqsadey inuu shirkaas ka qeyb galo.

 

Sababta loo reebay wasiir xaabsade ayaa loo nisbeeyay isagoo watay baasaboorka somaliland,xukumada siilaanyana markii hore hagratey ama kala masuugtay inay gudbiso macluumadkiisa si loogu diyaaro fiiso ama dal kugal u sahla inuu tago turkiye si uu uga qeyb galo shirka kooxaha somalida balse sadexdii wasiir ee u dhoofay Turki oo qurbameer ah ayaa wata basabooro ajaaniba. Xubnaha Qurbomeerka ah ee weftiga waxaa ka mid ah wasiirka qorshaynta sacad cali shire oo haysta UK Passaport,maxamed cabdulaahi cumar oo haysta Danish Passaport iyo Xuseen Cabdi ducaale oo wata American Passaport.

 

Isku soo wada duuboo waxaa halkaas ka muuqata foolxumooyin maamulo iyo in xukumada Somaliland tahli kari weydo inay xooga saarto sidii wasiir Axmed Cabdi Xaabsade uga dhex muuqan lahaa weftigaa metelaayey Somaliland maadaba uu siyaasad ahaan metelo ama ka soo jeedo degaanada bariga Smaliland oo tabashooyin iyo cabashooyin badani ka soo burqanayaan intii madaxweyne Siilaanyo qasirga madxtooyada soo yururey!.

 

Qarannews

Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

GaadhHaye;836154 wrote:
It is not the personal shortcomings of the so-called FM, stpid, it is the fake vision that is failing you!

 

Safarkii Wasiirka arimaha debeda ee Somaliland uu ku tegey dalka belgium oo ay ku taalo xaruunta Europian union iyo xaruunta Difaaca wadamada reer galbeedka( NATO) iyo xaruumo kale oo international ihi wuxuu ahaamid guuldaro ku soo gebageboobey cid uu la kulmayna ma jirin waxaana cadeyd in uusan karti shakhsiyadeed iyo aqoon diblomaasiyadeed midna lahayn
wuxuu u ekaa shakhsi caadi ah oo tamashle iyo booqasho qaraabo u jooga belgiumka
,waxaa cad oo hubaala ummada reer somaliland ee ku kala nool USA iyo Europe in ay u arkeen safarkaasi wasiirka mid shakhsiyadeed ee uusan ahayn mid ummada dani ugu jirtey.
[/i]

La soco qaybta danbe oo aanu kaga hadli doon wakiilada loo magacaabo

debedaha( waa safiirada).

Beentu lug qudha oo la qabto ayay leedahay. Waxan wax dhaama maad la timaadid intaad ma quustayaasha Qarannews keenaysid

 

ma booqasho qaraabo u jooga belgiumka waxa aad video ga ka aragtaa

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this