Sign in to follow this  
Taleexi

Xeebtii kalgacalka!

Recommended Posts

Taleexi   

Wq. Axmed Ismaaciil Maxamuud

(Axmed Deeq)

May 28, 2012

 

 

Gabalku waa sii dhacayaa, oo cadceeddu iyada oo dhar dahabiya xidhan ayaa waxay u sii gurguuranaysaa godkeeda. Waxay geyiga ku sii sagootinaysaa falaadho casuusa. Kuwaas oo marka ay foolkaaga ku dhacaan ku hilmaansiinaya wixii aad huq iyo hagardaamo maalintaa mudatay. Waxa ay kugu soo noolaynayaan dareenno muxubo iyo kalgacal isugu jira oo aad u qabtay inta xidhan maro iyo dhixir oo gudahaaga ku dhadhay markii aad qaan gaadh noqotay.

Dhulkan hortayda ka muuqda waxa uu huwan yahay biyo madaw oo bad la iigu sheegay mar danbe. Alla baddu qurux badanaa oo haddana quwad waynaa; deeqsisanaa oo haddana dad qalsanaa; xunbo badanaa oo haddana xasili ogaa. Ma xaaskii saaxiibkay ee Cibaado yoomaa? Gudaha shishe ee badda waxa dhex siqaya wax guryo u eeg, la iiguse sheegay maraakiib. Halka dhexdeedana ay dul sabaynayaan doonyo yaryar oo dad saaran yihiin. Cirku caad yar oo khafiifa ayuu gashan yahay, isaga iyo badduna waxay ku kulmaan halka ugu fog ee aragaygu ku soo af meermo.

 

Bal halkan ka sii akhriso:

 

http://wardheernews.com/Sheeko_Gaaban/Axmed_Deeq/May_28_Xeebtii_Kalgacalka.html

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this