Sign in to follow this  
kingofkings

Puntland ROAD construction

Recommended Posts

Hay'ada Wadooyinka Puntland PHA oo dayactir ku samayay wadooyin ay xireen roobabkii Gu'ga Madaxda ugu saraysa Hay'ada wadooyinka ee Puntland PHA ayaa maanta warbaahinta uga war bixiyay dayactir lagu sameyay bur bur baahsan oo ku yimi wadda dheer ee isku xirta inta u dhaxaya magalooyinka Qardho iyo Bosaaso,waxaana saamayn xoogle ku yeeshay roobabkii gu'ga oo meelo badan ka da'ay.

 

 

Gudoomiye ku xigeenka Hay'adda wadooyinka Puntland Mudane Siciid Axmad Yuusuf oo ka xog maray arintaasi dayac-tirka lagu sameeyay buundooyin go'ay ayaa sheegay mudo 24-saac ah inuu go'naa laamiga inta u dhaxayasa Tuuladda ceel doofaar iyo deegano ku dhow dhow.

 

Wuxuuna sheegay Siciid inay u direen halkaasi kooxo shaqaale oo biyaha roobka gugu waxyeelo soo gaarsiiyeen, kuwaas oo sababay in jidku uu mudo saacado ah xirmo isla markasna uu hakad ku yimaado isku socod gaadiidka xamuulka ahi.

 

 

Siciid ayaa sheegay in goobahaasi ay yihiin togaga kala ah Durdur iyo Buraan oo ku yaal inta dhexeysa tuulada Juurile iyo degmada Carmo ee gobolka Bari,wuxuna sheegay shaqadda ugu badan in laga qabta buundo kutaala Durdurka iyo waliba tuulooyin hoos yimaadda.

 

Sidoo kale Shaqaalihii loo diray hagaajinta wadooyinka biyaha saameeyeen, ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay ku guulaysten howsha loo igmaday oo ku aadan furitaanka halka biyuhu xireen iyo hagaajinta wadooyin ku meel gaar ah oo loosameyay gawaarida xamuulka ah ee inta badan kasoo baxaya magalada Bosaaso.

 

gudoomiye ku-xigeenka hay’adda wadooyinka Puntland PHA wuxuu ku booriyey bulshada gaar ahaan dadka reer tuulaha ah ee degen Laamiga hareerihiisa inay ka fogaadaan wax walba oo jidka wax u dhimi kara sida in ay la baxaan biraha laamiga hoos tiisa ku jira ee loogu tala galay in biyaha roobabku ay ka dusaan.

 

 

Hay'ada Wadooyinka Puntland ayaa mudooyinkii danbe ku mashquul-sanayd sidii loo hagaajin lahaa wadooyinka bur bursan,waxaana howlo lagu dayac-tirayo wadooyinka ay ka hir galiyeen inta u dhaxaysa Degmada Burtinle iyo Kala-bayr.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Chimera   

MoonLight1;831071 wrote:
When i saw the title I thought it was a new
ROAD
map being constructed all the way to Addis.
;)

To Addis? I thought a new road over the Indian Ocean to India.

 

Lol, truly any construction project in the Somali Realm needs to applauded, it will benefit the economy and future generations.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this