Sign in to follow this  
xiinfaniin

Roadmap to End Transition is on Track ,UN Reports

Recommended Posts

Danjire Mahiga oo rajo wanaagsan ka Muujiyay in Waqtiga Meel ku gaarka ah lagu soo Af-jari karo Bisha Ogoosto ee Sannadkan

Talaado, May 08, 2012 (HOL) — Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya, danjire Augsutine Mahiga ayaa muujiyay rajo uu ka qabo in xilliga KMG ah ee ay ku shaqeynayso dowladda KMG ah lasoo af-jaro bisha Ogoosto ee sannadkan 2012.

 

Danjire Mahiga ayaa sheegay in tallaabooyin ay qaadday dowladda KMG ah ay yihiin kuwo caddeynaya in xilliga KMG ah lagu soo afjaro bisha Ogoosto ee sannadkan oo ay ka harsan tahay muddo laba bilood ah.

 

"Waxaan doonayaa ra'iisul wasaare inaan kaaga mahadceliyo dadaalka badan ee ay xukuumaddaadu sameysay si xilligii loogu talogalay loogu soo afjaro xilliga KMG ah," ayuu yiri Mahiga oo soo dhaweeyay shirka odayaasha ee Muqdisho ka furmay.

 

Ergaygu wuxuu sheegay in qorshaha dhameystirka Roadmap-ka laga gaaray natiijo wanaagsan, isagoo sheegay in dhawaan lasoo xuli doono xildhibaannadii bedeli lahaa kuwa hadda jira si horay loogu socdo.

 

Hadalka ergayga xoghayaha guud ee QaramadA Midoobay ayaa imaanaya xilli uu ka socdo Muqdisho shir looga hadlayo dastuurka laguna soo xulayo ergooyinkii ansixin lahaa dastuurka cusub ee Soomaaliya oo tiradoodu tahay 825-xubnood, kuwaasoo sidoo kale soo xuli doona xildhibaannada cusub ee Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif, ra'iisul wasaaraha, C/weli Maxamed Cali iyo guddoomiyaha baarlamaanka, Shariif Xasan oo dhammaantood hadallo ku furay shirka odayaasha dhaqanka ee Muqdisho ayaa sheegay inay ka go'an tahay in lagu soo afjaro xilliga KMG ah waqtigii loogu talogalay si dalka uu isbedel uga dhaco.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this