Sign in to follow this  
Liibaan

Suldaanada W/Galbeed oo Si Dhuumasho Ah Mogadishu Ku Tagaya Kadib Markii Loo Diiday Garoomada

Recommended Posts

Liibaan   

Waaheen.com : Maadaama Badi Garoomada Diyaaradaha Ay Adag Tahay Inay Ka Dhoofaan Suldaanada Woqooyi Galbeed, Suldaan C/raxmaan Cawaale Hurre, Boqor Maxamed Nuux Aadan , Boqor Maxamud Cismaan Nuur, Iyo Boqor Raabi Yuusuf C/laahi Ayaa Kulmay Tuulada Wajaale ee Xuduudka Soomaaliya Iyo Etoobiya Si ee Ugu Amababaxaan Caasimada Soomaaliya Mogadishu

 

Muxuu daaran yahay socdaalka Madax dhaqameedka Reer Somaliland ee ku sugan Wajaale?

 

 

 

 

Wajaale(Waaheen) afar xubnood oo ka mid ah Madax dhaqameedka Somaliland ayaa galabta gaadhay Magaaladda Wajaale eek u taala Xuduuda Galbeed ee ay Somaliland la leedahay Dalka Itoobiya.

 

Salaadiintan oo kala ah Suldaan C/raxmaan Cawaale Hurre, Boqor Maxamed Nuux Aadan iyo Boqor Maxamud Cismaan Nuur oo ka soo jeeda Gobolada barri ee Somaliland, waxa ay galabta gaadheen magaaladda Wajaale halkaas oo uu ku sugan yahay Boqor Raabi Yuusuf C/laahi.

 

Ilaa hada ma cada sababta Madax dhaqameedkani isugu tageen halkaas hase yeeshee wararka Waaheen helayo waxa ay sheegayaan in ay ku soo fool leeyihiin magaaladda Wajaale Madax dhaqameed kale oo ka imanaya Gobolka Awdal, kuwaasoo la filayo iyana saacadaha soo socda inay ku soo biiraan Madax dhaqameedka kale ee ku sugan Wajaale.

 

Inkasta oo ay dhawaan Xukuumadda Somaliland iyo Salaadiinta intooda badani soo saareen Go’aan Danbiile ka dhigaya Madax dhaqameedka ka qayb gala shirarka Somaliya, hadana waxa aad moodaa Kooxdani inay u Heesaysan tahay sidii ay uga gudbi lahayd Xuduuda Itoobiya isla markaana u beegsan lahayd Dariiqa ugu sahlan ee ay ku gaadhi karaan Muqdisho. Maadaama badi garoomada Diyaaradaha ay adag tahay inay jka dhoofaan.

 

Si kasta ha ahaatee waxa loo baahan yahay Xukuumadda Somaliland inay la socoto dhaqdhaqaaqa Madax dhaqameedkaas maadaama oo aanay ilaa hada cadayn ujeedada ay isugu tageen Wajaale

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Shirka Soomaaliya Waxa Ka Qayb-Qalaya Madax-Dhaqameedka Woqooyi Galbeed/ Somaliland

 

Muqdisho (Ramaas) May 5,2012 – Caasimada dalka Somaliya ee Muqdisho ayaa waxa saacadaha soo socda ka furmaya shirka lagu soo xulayo xubnaha ansixinaya dastuurka Somaliya iyo waliba xubnaha baarlamaanka cusub.

 

Shirkan oo ay ka qayb-galayaan 135 qof oo dhammaantood Madax-dhaqameed ah ayaa waxa uu ku furmaya dugsiga Tababarka booliska ee Magaaladda Muqdisho oo maalmihii u dambeeyay dayactir lagu waday si shirkaasi loogu qabto.

 

Shirkan oo aan ilaa hadda la ogeyn maalmaha uu socon doono ayaa maanta marka uu furmo waxa uu ku koobnaan doonaa furitaan, waxaana khudbado ka soo jeedin doono masuuliyiinta dawlada ku meel-gaadhka ah ee Somaliya iyo Madax-dhaqameedka shirku u furmayo.

 

Shirkan ayaa maalinta bari si toos ah loogu guddo-gali doonaa ajandihiisa oo ah in lagu xulo laba guddi oo kala ah in laga xulo xubnaha ansixinta dastuurka qabyada ah ee Somaliya iyo waliba in Madax-dhaqameedku xulaan xubnaha baarlamaanka cusub laga dhigayo, qodobadaasi oo dood adag laga yeelan doono si marka ugu dambaysa go’aan wada jir ah looga gaadho ujeedada shirka loo qabtay.

 

Shirkan ayaa waxa ka qayb-galaya Madax-dhaqameed reer Somaliland ah, kuwaasi oo ka kala tagay gobolka Togdheer iyo deegaanada bariga Sanaag ee Somaliland, kuwaasi oo uu ka mid yahay boqorka Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo, kaasi oo isaga oo iska indho-tiraya si toos ah u tagay Magaaladda Muqdisho ee dalka Somaliya.

 

Goobta shirkan lagu qabanayo ayaa amaankeeda waxa sugaya ciidamo gaar ah oo ka kala tirsan kuwo AMISOM iyo kuwo ciidamada dawlada ku meel-gaadhka ah ee Somaliya.

 

 

 

Ramaasnews Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Boqorkii Siilaanyo oo Daaha Ka Feyday Sababta Keliftay Inuu Ka Qeyb Qalo ShirWeynaha Soomaaliya ee Mogadishu

Qaran news

May 06, 2012

Muqdisho,Boqor Maxamed Jaamac Cumar oo maalgelinta caleema-saarkiisa iyo boqornimadiisaba uu lahaa madaxweyne Siilaanyo oo ay isku beel ka soo jeedaan uguna talogalay inuu saaxada madax-dhaqameednimo kaga saaro Boqor Buur madow ayaa dhawaan tegay Muqdisho halkaas oo uu kaga qeyb gelaayo shirka madax dhaqameedka Somalida halkaas uga socda isagoo ah ergay metelaaya madax dhaqameedka somaliland.

 

Boqor Maxamed Jaamac Cumar wuxuu ku eedeeyay xukumada Siilaanyo iyo Xirsi Gaab hogaamiyaan inay xakamaha iyo dabarkaba ka furtay xeerkii ka hor istaagi lahaa ama ka mamnuucayey muwaadiniinta reer Somaliland inay shirarka loo qabanaayo Somaliya ka qeyb galaan, wuxuuna intaas ku daray in Siilaanyo bilaabey jebinta xeerkaas oo uu dhawaan London kaga qeyb galay shir kooxaha Somalida halkaas loogu qabtay,wuxuuna yidhi Siilaanyo waa kii Sheekh Shariif la kulmay, wasiir DUURna waa kii Djabuurti kaga qeyb galay shir kooxaha somalida loo qabtay, aniguna boqor ahaan xaq baan u leeyahay inaan shirkan Muqdisho ka qeybgalo,wuxuuna boqorku ku celceliyey in xeerkii xakamaynaayey inaan shirarka Somaliya laga qeyb galin Siilaanyo jebiyey,dabarkana ka furay meel kastoo shir lagu qabanaayana in la tago Siilaanyaa jideeyay.

 

Dhinaca kale wuxuu sheegay boqorku Silaanyo iyo kudladan yar ee uu wataa inaaney dan Somaliland ka shaqeynayaan ee ay dantooda ka shaqeynayaan, wuxuuna yidhi "wey ka shaqeysanayaan dalka, wey boobayaan ee cidna u shaqeyn maayaan,Siilaanyana ma meteli karo shacabka Somaliland maadabaan loo sinayn maalgelinta iyo kheyraadka dalka ee uu koox yar oo xididkiisa iyo xasabadiisa iyo xigtadiisa ah u kooteeyay.

 

boqorku wuxuu intaas u ku daray in Siilaanyo been u sheegaayo umada SL,ururadii la tartami lahaana waa kii iska reebay oo cidii soo bax istaadhahdaba madaxuu kaga joogsanayaa,Boqorku wuxuu hadalkiisa ku soo gebgebeeyay inuu ku soo noqonaayo Somaliland dhawaan markuu hawshaas soo bogo Siilaanyo iyo Xirsi ,xeer iyo cid ka hor istaagi kartaana aaney jirin.

 

Qarannews

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Somaliland Oo Sheegtay Inay Ka Fiirsanayso Ka Qayb-galka Shirka Somaliya Loogu Qabanayo Turkiga Oo Casuumadiisii Soo Gaadhay, Kana Hadashay Salaadiinta Muqdisho Tagay.

 

Hargeysa (Ramaas) May 6,2012 – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in dawlada Turkigu soo gaadhsiisay casuumadii ay kaga qayb-lahayd shirka Istanbul loogu qabanayo Somaliya dhawaan.

 

 

 

Wasiirka wasaarada arimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay in dawlada Turkigu soo gaadhsiisay casuumada shirka Istanbul, waxaanu sheegay inay dawlad ahaan ka fiirsanayaan ka qayb-galka shirkaasi oo uu sheegay in sida loo soo dhigay aanay ahayn si Somaliland kaga qayb-gali karto "Shirkaasi imika sida loo soo dhigay ma ah si aanu ku tagi karno, waxaanu dalbaynaynaa dawladda Turkigu anagoo danaynayna qeybo ka mid ah arrimaha lagaga hadlayo shirkaa qeyb ka mid ah oo xagga dhaqaalaha iyo horumarka u badan inay dib u eegto nidaamka ay Somaliland kaga soo qeyb galayso Somaliland oo aanu jecel nahay inuu noqdo mid la mid ah kii shirkii London aanu kaga qeyb-galay bishii febarwari ee sanadkan"ayuu yidhi wasiirka arimaha dibada Somaliland.

 

Wasiirka Khaarajiga Somaliland waxa uu tilmaamay in casuumada Turkigu u soo diray Somaliland ay tahay mid aan si gaar ah Somaliland loogu casuumin shirkaasi, sidaa daraadeedna ay ka fiirsanayaan inay ka qayb-galaan iyo in kale.

 

Wasiirka wasaarada arimaha dibada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar oo maanta la hadlay Laanta afka Soomaliga ee idaacada BBC-da ayaa sidoo kale sheegay in Madax-dhaqameedka reer Somaliland ee ka qayb-galay shirka lagu ansixinayo dastuurka qabyo qoraalka Somaliya aanay ahayn kuwo Matalaya dawlada Somaliland iyo shacabkeeda, balse ay yihiin kuwo si shakhsi ah oo faduul ah u tagay Muqdisho.

 

Hadalka wasiirka arimaha dibada Somaliland ayaa ku soo beegmaya xili shalay Magaaladda Muqdisho uu ka furmay shirka lagu xulayo xubnaha ansixinaya dastuurka Somaliya iyo xubnaha baarlamaanka cusub, kaasi oo ay ka qayb-galayaan Madax-dhaqameed 10 ku dhow oo reer Somaliland ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

boqor-maxed-jaamac-600x450.jpg

 

Boqor Maxamed Jaamac Oo kusugan Muqdisho Ayaa Siilaanyo Ugu Baaqay Inuu Soodaayo Isimada uu Hargeysa Ku Cabudhinayo

 

Odeyaasha dhaqanka Ee Gobolada Togdheer&Woqooyi-galbeed ee ka qaybgalaaya shirka ay magaalada Muqdisho ku yeelanayaan Odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal kasoo baxay Maamulka Siilaanyo.

 

Hadalka ayaa ahaa mid looga digaayay Odeyaasha iyo Siyaasiyinta Goboladaas in ay ka qaybgalaan ansixinta dastuurka cusub ee Federaalka oo la filaayo in ay dhacdo bartamaha bishaan.

 

Boqor Maxamed Jaamac Cumar oo kamid ah Isimada Togdheer ayaa ka qaybgalaaya shirka kana soo ambabaxay magaalada Hargeysa sheegayna in ay kusoo laaban doonaan degaanada ay u dhasheen markey soo dhameeyaan hawlahan qaran ee ay ku jiraan.

 

Boqor maxamed ayaa sidoo kale ku eedeeyay Siilaanyo in uu ku fashilmay wixii shacabkiisa ay u doorteen isla markaana dadka oo dhan cabudhin ku sameeyay.

 

‘’Waan soo noqonayaa oo dhawaan ayaan ku soo noqonayaa Burco iyo Ceerigaabo-ba, hadii aad u jeedo waa lagu xidhayaa xadhiga rag ayaa loo sameeyey oo imikaba waxa xidhan rag aan is leeyahay waxba may galabsan oo uu ka mid yahay Badhasaabkii Maroodii Jeex, Agaasimihii guud ee Dib-udajinta iyo la taliyihii Madaxwayne ku xigeenka oo xaqdaro ku xidhan, waxaanaynu ognahay inaan ragaas iyo kuwo kale oo badanba aan wax cadaalad ah la horkeenin. Markaa xadhigu maaha wax mishkilad ah oo hadii ay dadka oo dhan xidhi karto xukuumadda Siilaanyo ha waa xidhxidho bal cida ay wax kaga xumaanayaan’’,ayuu yiri isagoo wareysi siinayay Wargeyska Haatuf ee kasoo baxa Hargeysa.

 

Boqor Maxamed Jaamac ayaa hadalkiisa ku daray in ay xaq u leeyihin in ay ka qayb qaataan wax kasta oo looga baxaayo dhibaatada ka taagan Soomaaliya isla markaana haddii ay sii socdaan saamayn ku yeelan karaan Hargeysa oo iminka nabadi kajirto.

 

‘’Waxaan jeclahay had iyo jeer inaan ka qaybqaato wixii dhibaatada iyo colaadaha Soomaalida lagu soo afjari karo, waayo hadii ay colaada iyo dagaalada Muqdisho ay sii socdaan Hargeysa-na way saamaynayaan oo sidaa nabad u ahaan mayso’’,ayuu yiri.

 

Issimo iyo Waxgarad ka socda Togdheer&Woqooyi-galbeed ayaa ku sugan magaalada Muqdisho kuwaas oo ka qayb qaadan doona ansixinta dastuurka cusub ee Federaalka.

 

Maamulka Siilaanyo ayaa dhowaan si cad u diiday ka qaybgalka wada hadal la filaayo in ay la yeeshaan Dowladda Federaalka kadib markii ay ka hor yimaadeen labo xubno ka socda Puntland oo ay dalbadeen in laga saaro.

 

Isku soo wada duuboo doraad ayay ahayd markii Isimo farabadan oo laga soo uruuriyay magaalooyinka Goboladaasi ay maamulka Siilaanyo shir ugu qabteen Hotelka Maansoor EE magaalada Hargeysa iyagoo kaga codsanaaya inaay ka qaybgelin shirka Xamar ka dhacaaya uguna hanjabeen in uu xadhig mutaysan doono ninkii ku kaca arintaasi.

 

ugu danbayntii ififaalaha siyaasadeed Ee iminka ka soconaaya woqooyi galbeed ayaa u’eg mid maamulku doonaayo inay ku cabudhiyaan Isimada iyo wax garadka doonaya inay mar labaad xedh fadhiistaan walaalohooda Somaliyeed Ee ay u jeeleen.

 

Realtaleex News Desk.

Share this post


Link to post
Share on other sites

'Liibaan';827295 wrote:
Somaliland Oo Sheegtay Inay Ka Fiirsanayso Ka Qayb-galka Shirka Somaliya Loogu Qabanayo Turkiga Oo Casuumadiisii Soo Gaadhay, Kana Hadashay Salaadiinta Muqdisho Tagay.

 

.

Maxay ka fiirsan waabay ku dhawaaqday inaanay ka qayb galayn war ka soo baxay w. Arimaha dibada .....Mise google kaagu wararka noocaasa ma qabto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Wiil Cusub;827297 wrote:
Maxay ka fiirsan waabay ku dhawaaqday inaanay ka qayb galayn war ka soo baxay w. Arimaha dibada .....Mise google kaagu wararka noocaasa ma qabto.

Blame Ramaasnews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this