Sign in to follow this  
Somalia

Puntland Elders Leave For Constitutional Conference in Mogadishu

Recommended Posts

Somalia   

Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa galabta ka dhoofay in badan oo kamid ah Isimada deegaanada Puntland.

 

Isimadan oo ay tiradoodu ahayd 19 waxaa horkacayey Suldaan Siciid Maxamed Garaase.

 

Ujeedada socdaalka Isimada ayaa ah sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen shirka ansixinta Dastuurka.

 

Shirka ansixinta Dastuurka ayaa lagu wadaa in uu maalinta beri ah Muqdisho ka furmo inkasta oo laga cabsi qabo inuu maalinta xigta dib ugu dhaco.

 

Tirada Isimada la qorsheeyey inay Puntland ka tageen ayaa markii hore ahayd 23-Isim.

 

Haseyeeshee guddi ay Isimadu iska soo xuleen ayaa markii danbe go’aamiyey in 19 Muqdisho loo diro.

 

Suldaan Siciid Maxmed Garaase oo xiligii ay Isimadu Garoowe ka dhoofayeen Saxaafadda la hadlay ayaa ka war bixiyey ujeedada socdaalkooda.

 

Wefdiga Isimada waxaa sii sagootiyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo wasiiroo u badnaa iyo xildhibaano

 

Shirweynaha ansixinta Dastuurka dowladda Federaalka ah ayaa imaanaya 2-todobaad kadib xiligii la ansixiyey kan Puntland.

 

Isimada-Puntland-Muqdisho-5.jpg

Isimada-Puntland-Muqdisho-6.jpg

Isimada-Puntland-Muqdisho-7.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Isimada Puntland ee shirka dasturka oo Muqdisho tagey

4 May 4, 2012 - 8:24:33 AM

 

Garoonka diyaaradaha magaalada Gaowe ayaa maanta 04,May 2012 waxa ka anbabaxay isimada Puntland qaaar kamid kuna sii jeedey magaalada Muqdisho ,waxana ay ka qaybgalayaan shirka odayaal dhaqameedyada Soomaaliyeed uga furmaya Muqdisho dhowaan.

 

Isimada Mudisho u dhoofey ayaa matalaya dhamaan shacabka iyo qaybaha kala duwan ee degta Puntland,waxana qayb ka yihiin ergada odayaal dhaqamedyada oo guud ahaan taradoodu dhantahay 135 oday.

 

Taliyaha ciidamada difaaca Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi Siciid Dheere iyo Agaasimaha guud ee madaxtoyada Puntland Dr.Jaamac Warsame ayaa sidoo kale qayb ka ahaa wafdigan u anbaxay Muqdisho.

 

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo u hadlay odayaasha ayaa ka warbixiyey ujeedka safarka iyo wafigan si uu yahay.

 

‘’Waxaa halkan ka baxaya isimada Puntland oo raba inay ka qaybagalaan nabadeynta Somalia shirka ka dhacay xamar iyo sidii looga bixi lahaa KMGnimada’’ ayuu sheegey Suldaan Siciid Maxamed Garaase.

 

Wasiiro xukuumadda ka tirsan sida Maaliayada Faraax Cali Shire,Hawlaha guud Eng.Daahir Xaaji Khaliif iyo weli Duulista hawada iyo garoomada Puntland Gamuute ayaa sii dhaweyey wafdigan Muqdisho u aadey shirka odayaasha dhaqanka.

 

Magaalada Muqdisho ayaa waxa dhowanahan ku sii qulqulayey ergada ka qaybgalaysa shirka odayasha dhaqanka oo soo xulaya iyagu xubnaha ansixinaya dastuurka Somalia 15,May hawshiisu bilaabmeyso,sidoo kalena looga fadhiyo inay keenan xubnihii u matali lahaa kuraasta aqalka sharci dejinta Somalia sanadaha afarta ee soo socda.

 

DSC07448.JPG

DSC07462.JPG

DSC07463.JPG

DSC07465.JPG

DSC07468.JPG

DSC07469.JPG

DSC07471.JPG

DSC07472.JPG

DSC07497.JPG

DSC07500.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Puntland traditional elders are on they're way to mogadishu for a historical day. A day where all somalis destinies will be inked forever. I urge the elders of Puntland to make us proud in mogadishu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Caaqil mahamuud haji cumar camay is not a puntland elder he is a khatumo elder he might just go on the same plane with the red beared elders from garowe but that's about it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

If the VAST majority are from Puntland and another from the Khaatumo movement, should I specify that one nigga is catching a flight with other niggas?

 

Get the hell outta here. arrow.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

LOoool @ Xaajigu wuu khafiifay, waar sxb madax wareer ha isku ridin dadkaan aad kala guraysid waxba makala ahan, waa one and the same, adiga lee yaanay calool xanuun kugu dhicin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isimadii beesha ssdf oo Muqdisho Gaadhay , Shakhsiyaad reer sool ah oo la socda iyo Faroole oo naf ka dayeya niman aan cidna matelin,{Xog+Sawiro}.

 

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, waxaa galabta gaadhay wefti Isimo ah oo hogaaminayo Suldaan Siciid Garaase, isimada oo ka soo jeeda beesha ssdf ayaa ka soo kicitimay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Weftiga ayaa waxaa la socdey Abdulaahi Axmed Cali{Dabagooye}, oo mar ahaan jirey Madaxdhaqameed beesha sool ah, ka hor inta aan xilka laga xayuubin 27 bishii hore, iyo Maxamuud Cumar Camay oo asagu aan Madaxdhaqameedna ahayn iyo Caaqila ahayn.

Labadan xubnood ayaa la sheegay in Faroole doonayo inuu si tuugonimo ah uga qayb geliyo shirka Odayaal dhaqameedka ee ka furmo doona axada magaalada Muqdisho ee looga doodayo Dastuurka qabyo qoraalka ah.

Xubnahan ayaan si dhab ah loo ogeyn cida ay matelayaan, ayadoo wararka qaar sheegayaan inay ku socdaan beesha ssdf , marka laga hadlayo hab qaybka Reeraha Soomaaliyeed, maadaba Khaatumo ay Madaxdhaqameedkii uga qaybgeli lahaa shirka la diyaariyey. Faroolle oo ayaa dedaal ugu jira sidii ay u farogelin lahaa arimaha daakhiliga ee maamulka Khaatumo State, haseyeeshee weli si rasmi ah looma xaqiijin karo in Raysal wasaaruhu si buuxda ugu lug lee yahay ficiladan guracan iyo Meehadadoowga Faroole. Maamulka Khaatumo ayaa dhawr jeer maamulka Faroole uga digey farogelinta arimaha siyaasada ee mandaqada Khaatumo, waxaana jirtey Ashtakooyin badan oo warbaahinta loo mariyey Faroole in ehelkiisu qabsadaan, taasoo ilaa hada aysan waxba ka naaso cadaan.

Waxaana la wada ogsoon yahay in laga soo gudbey wakhtigii dad shaqo tag ah,ay ku qudhaaban jireen magaca deegaanada Khaatumo oo hada leh maamul iyo madax dhaqameed Taladoodu hal meel ka go’do.

Sadexdii maalmood ee u danbeeyey ayaa Olole balaadhan laga waday magaalada Muqdisho , taasoo uu hormuud ka yahay xafiiska Raysal wasaare Gaas, oo cadaystay inuu farogeliyo Ergada Khaatumo ee ansixinta Dastuurka qabyo qoraalka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^The report is a lie and politically motivated. Those Isimo are not from what they call 'SSDF' clan, not even half of them are, its all the Isimo's from Puntland ranging from the D-blocks to all the other groups that settle there.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

@Xaaji thinks Puntland is still governed by SSDF because SNM rules his region today. People move on Xaaji, it's called progressing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this