Sign in to follow this  
kingofkings

PM Abdiweli Gaas gets a tour/place to host clan elders

Recommended Posts

Muqdisho, April, 30, 2012—- Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federalka Soomaaliya, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta kormeer ku tagay goobtii la dajin lahaa Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed.

 

Waxaana Ra’iisul Wasaaraha kormeerkiisa ku wehlinayay qaar ka tirsan golahiisa Wasiiradda iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

Ugu horeyntii Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnihii kale ee la socday Waxay warbixin ka dhageysteen gudigii loo xilsaaray soo dhaweynta Odoyaasha Dhaqanka kuwaa oo soo xuli doono gudigii ansixin lahaa Dastuurka Cusub ee Qabyo-Qoraalka dalka.

 

Waxaa kaloo uu Ra’iisul Wasaaruhu warbixino ka dhageystay gudi iyagana loo xilsaaray iney sugaan amaanka goobta oo ay ka mid yihiin Ciidamada NabadSugidda Qaranka,Kuwa AMISOM iyo hay’adaha kale ee dowladda kala shaqeeya Amaanka, Iyagoona Sheegay in goobta ay tahay mid amaankeeda uu aad u sareeyo laguna kalsoon yahay islamarkaana ay il-gooni ah ku eegi doonaan amaanka goobta ayna si wada jir ah isaga kaashanayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Nabadsugidda Qaranka ee dowladda KMG Soomaaliya.

 

Warbixinta kadib ayaa waxa uu Ra’iisul Wasaaraha iyo Xubnihii la socday soo kormeereen goobtii loogu talagayay Odayasha Dhaqanka ee Soomaaliyeed in la dajiyo, Isagoona Ra’iisul Wasaaruhu mid mid u galay qolalkii loogu talagalay Odayaasha Dhaqanka, kuwaa oo gaaray 135 Odey Dhaqameyd oo ka kala imaanaya gobalada dalka.

 

Odayaasha Dhaqanka ayaa la filayaa horaanta bishaan soo socota iney soo xulaan Ergadii ansixin laheyd Dastuurka Cusub ee Qaybo-Qoraalka dalka.

 

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa u mahadceliyay gudigii isku xilsaaray soo dhaweynta Odayaasha Dhaqanka iyo waliba kuwa sugaya amaanka goobta loogu talagalay in la dajiyo Odayaasha Dhaqanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

kingofkings;824702 wrote:
Muqdisho, April, 30, 2012—- Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federalka Soomaaliya, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta kormeer ku tagay goobtii la dajin lahaa Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed.

Dowladda waxaan kula talinayaa in ay odayaasha laba laba isula dajiso qolalka (Room mates), this is how it should look.

 

North Galkacyo Islan & South Galkacyo Ugaas on same room.

 

Garowe Islaan & Hargeysa Suldaan same room.

 

Burco Suldaan & Buuhoodle Garaad same room.

 

Ximanxeeb ugaas & Hiiraan Malaaq on the same room.

 

etc.

 

and put 2 pairs of boxing gloves in each room. that would be fun ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this