Sign in to follow this  
kingofkings

Thank you Mudane Madaxweyne Faroole

Recommended Posts

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa madaxweynaha Puntland, Dawladiisa, iyo Ergooyinkii ka kala yimid Gobolada Ansixinta Dastuurka Puntland Darteed.

 

Madaxweyne Faroole waa mudan yahay in waqti dheeraad ah ugu yaraan 2 sano logu daro duruufo adag oo jira dartood, waana sababeynayaa

 

* Waxaan aaminsanahay kuna kalsoonahay in Madaxweyne C/raxmaan M. Faroole ka soo dhalaalay hawlihii xiriirka Caalamiga, xiriirka xisaabtanka leh ee uu la sameeyey Dawladda Federaalka ah, kaalinta wanaagsan ee uu ka galay dibuheshii-siinta arrimaha Soomaaliya, ka qaybgalka shirarka Caalamiga ah, xasilinta iyo qorsheynta hufan ee arrimaha maaliyadda oo hortiis aad looga cawday, maantana waxaan ku bogaadinayaa uguna hanbalyeynayaa isaga iyo maamulkiisaba guusha laga gaaray ansixinta Dastuurka Puntland.

 

Waxaan kaloo ugu hambalyeynayaa in uu ku tallaabsaday dib u sixidda iyo turxaan bixinta nabadgelyada iyo midnimada Puntland oo hore u sinbiriiraxday, waxaana ugu ducaynayaa in Allaah ku guuleeyo hawshaas adag ee ka mid ah nolosha iyo jiritaanka reer Puntland.

 

* Muddo kordhintu waxay wax badan ka taraysaa in wadajirkii Puntland la soo celiyo, lana doono oo la soo maslaxo cid kasta oo caro qaadday sida Raasi Casayr, Galdogob, ***********, Garsoor iyo Gaalkacayo oo shiddo sokeeye iyo mid derisba halakeeyeen. Magaalada Gaalkacayo ma aha laba magaalo, kamana tirsana laba Gobol ee waa hal deegaan oo ka mid ah Puntland.

 

Waxaan rajaynayaa in aan cidina ankirin xaqdhawrka iyo derisnimada iyo in aanay cidna uga darin soodhoweyntii hore loo meelmariyey, nabad kuwada noolaanshaha, barwaaqada iyo Soomaalinimada. Hana la wada ogaado in aanay cidna dan u ahayn in la soo faag-faago fidmo iyo belaayo la aasay.

 

Waxaan rajaynayaa in xal waara laga gaaro Galkacayo oo murugsan, nabadgelyo buuxdana dhaqso loogaaro. Cid kasta oo ehel hoose iyo derisba ah haddii dhibaato adduun dhexmarto waxay heshiin karaan markay dhibta jirta runta ka wada sheegaan,wax kasta oo dabka sii hurinayana ka wada hortagaan, waxaana boogtu sii hurgumay-saa kolkii been, faan, damac waalan iyo isla weyni la isku asqaysiiyo, dhaxalkeeduna wuxuu markaas noqonayaa (KADAR OO DIBI DHAL) iyo in miro berde oo hore duuduub loogu liqay la mantago.

 

* In Maamulka Madaxweyne Faroole oo Soomaaliya ka bilaabay soo saarid shiidaal, aadna ugu dhiirraday arrintaas ugubka ah uu ka yoolgaaro si Ummadda Soomaaliyeed ee baahidu iska horkeentay u maqlaan shiidaal baa soomaaliya laga helay, waana hubanti in haddii ay arrintaasi dhabawdo wax badani iska beddeli doonaan arrimaha qalafsan ee kala fogeeyey dadkii Soomaaliyeed ee weligoodba isjeclaan jiray, walaalahana ahaa ee uu sheydaanku isu dacareeyey, dabkana ka dhex shiday.

 

* Muddo kordhinta Madaxweynaha waxay muhiimad u leedahay u toog-haynta waqtigan kala guurka ah iyadoo dhawr bilood kaddib la filanayo dhisme dawlad Soomaaliyeed iyo rajo wajiyo iyo nidaam cusub ah oo aayatiin leh insha Allaah, waxaana rajaynayaa in waqtiga Madaxweynaha loo kordhinayaa ka hoos marin (2 sano) duruufo badan oo adag dartood, iyo sababtoo ah mas’uul shaqaynaya oo la bartay ayaa lagaga kalsoonyahay qaar soo gurdamaya oo haddana hanjabaya, wax badanna laga ogayn kartidooda iyo aamminimadooda..

 

TALO SOO JEEDIN

 

* Waa habboontahay in uu Madaxweynuhu xoogga saaro in la qoro 20.000 oo ciidammo Puntland ah, dhaqsona loo tababaro, aadna loo qalabeeyo si ciidankaasi uga hawlgalo nabadgelyada deegaannada Puntland oo dhan, lagana hortago nooc kastoo fidmo ah iyo argagixisada la sheegay in ay ku soo wajahan yihiin buuraha Galgala, loona qorsheeyo dhaqaale *****li kara baahidooda.

 

Haddii ay suuragal tahay waxaan ku talin lahaa in ciidanka daraawiishta ah ee la qorayo ay ahaadaan dhallinyaro nadiif ah, aqoon leh, lagana qaato Dugsiyada Dhexe, Dugsiyada Sare iyo Jaamacadaha.

 

Dhallinyarada Jaamiciyiinta ah waxaa loo tababari karaa saraakiil sare, dugsiyada dhexe iyo sare saraakiisha hoose, isla markaasna waxaa lagama maarmaan ah in kulliyadda tababarka Booliiska ee Carmo la ballaariyo, lagana dhinac dhiso Kulliyadda Tababarka Saraakiisha Sare ee Booliiska Puntland.

 

* In Madaxweynuhu ka salgaaro in dhaqso looga faa’iidaysto shiidaalka la qodayo haddiiba uu rumoobo, lana badiyo qodidda ceelasha, lagana doono oo laga qodo dhulka badan ee uu shiidaalku ceegaago, loona diyaariyo qorshaha shiidaalka maamul adag oo karti u leh hawshaas, kuna shaqeeya waddanimo, daacadnimo, xilkasnimo iyo hawlkarnimo dheeraad ah, xilka culus ee arrimaha shiidaalkuna waa in ay shanta ugu jirtaa Maamulka Dawliga ee Ummadda ka dhexeeya, waana in laga fogaado in cid kale wax laga weydiiyo ama ku lug-yeelato shiidaalka iyo dhammaan hawlaha dawladda.

 

* In Madaxweynuhu kaalintii uu horeba kaga jiray la xisaabtanka Dawladda Federaalka aad u sii kobciyo, aadna u badiyo talooyinka wax ku oolka ah ee uu u gubiyo Soomaalida inteeda kale, islamarkaasna Maxdaweynaha iyo Golayaasha dawladdu badiyaan booqashooyinka caadiga iyo kuwa kediska ah ee ay ku marayaan deegaannada Pl, dadkana aad loo wacyigeliyo, xaqiiqada iyo dhibaatooyinka jirana wax badan laga soo ogaado, waxqabad muuqdana loo diyaargaroobo, hana la xoogeeyo wadatashiga iyo iskaashiga dawladda iyo shacabka.

 

* Ugu dambaystii waxaan ka codsanayaa Madaxweynaha Puntland State of Somalia Mudane Dr. A. M. Faroole in haddiiba ay suuragal tahay dib loo akhriyo, dibna loo qiimeeyo nidaamka ka hadlaya Axsaabta badan oo aan maqlay in ay dawladdu talo ku gaartay in Puntland yeelanayso 3 xisbi.

 

Haddaba aniga oo weli xasuusan kana xun wixii soomaaliya ka soo martay xisbiyada badan iyo doorashadii 1969kii waxaan aad iyo aad ugu talinayaa in ay Puntland yeelato 2 Xisbi oo qura. Waxaan aaminsanahay in wixii ka badan laba xisbi ay kor-dhinayaan oo keli ah buuq, aamindarro, qabyaalad iyo tayo la’aan.

 

1969kii waxaan joogay oo ka codeeyey ayaamihii doorashada Degmada Buuloberde, waxaana ka jiray xisbiyo aan xisaab lahayn oo ay ku yaraadeen magacyada xoolaha, duurjoogta iyo habardugaagga, ayna ka mid ahaayeen:

 

Hal iyo Nirig, Lax iyo Wan, Maroodiga, Yaxaaska, Diiqa, Libaaxa iwm

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

This man is the talk in every street corner, every house, every cafe, his name is there. It rings out in the streets so you know he is doing the job right.

 

Thank you Faroole.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I seriously feel sorry for the people who have to share a country with you....hahaha...

 

Aparently the so called proponents of somalinimo and statehood who come first in defending somalinimo ( complete and utter bull***) and you dance around faroole more then shariff your actual president. we want somalia but we buuuuuuuuuutland confused people. The day Somali's remove you from the political process is the day Somalia will find peace.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Relentless;823784 wrote:
I seriously feel sorry for the people who have to share a country with you....hahaha...

 

Aparently the so called proponents of somalinimo and statehood who come first in defending somalinimo ( complete and utter bull***) and you dance around faroole more then shariff your actual president. we want somalia but we buuuuuuuuuutland confused people. The day Somali's remove you from the political process is the day Somalia will find peace.

hermit is full of hot air :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Relentless;823784 wrote:
I seriously feel sorry for the people who have to share a country with you....hahaha...

 

Aparently the so called proponents of somalinimo and statehood who come first in defending somalinimo ( complete and utter bull***) and you dance around faroole more then shariff your actual president. we want somalia but we buuuuuuuuuutland confused people. The day Somali's remove you from the political process is the day Somalia will find peace.

Stop crying. Without him the road map would never have been there and if it doesn't go through, there won't be a Somalia, so which country are we sharing then? Watch the game unfold child.

 

This is the best one.

 

Farole_Farmajo1.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Relentless;823795 wrote:
I just see more hot air mate...but keep shaking hands ill leave you to it....hahaha enjoy.

full of hot air...hahaha enjoy:cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this