Sign in to follow this  
Dr_Osman

Kenya To Open Embassy In Mogadishu

Recommended Posts

Dr_Osman   

Dowladda Kenya oo safaaradeeda dib uga furanaysa Soomaaliya

 

Sun, 22 Apr 2012 22:21:50 -0400 pm -04:00 -14400

 

Mogadishu, Apr 22 -Dowladda Kenya ayaa qorsheynaysa inay dib safaaradeeda uga furato dalka Soomaaliya gaar ahaana magaalada Muqdisho.

 

Wefti balaaran oo uu hogaaminayo wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda Kenya Mr Richard Onyonga oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa la kulmay madaxwaynaha dowladda faderaalka ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

 

Wasiir kuxigeenka arimaha dibadda Kenya Mr Richard Onyonga ayaa u sheegay warbaahinta kulanka markii uu soo dhamaaday, madaxwaynaha inay isku afgarteen inay dowladda Kenya ay dib u howlgaliso safaaradii ay ku lahayd dalka Soomaaliy.

 

Mr Richard Onyonga ayaa sheegay madaxwayne Sheekh Shariif inuu ogolaaday dib u furidda safaaradda Kenya ee Soomaliya.

 

Dowladda Kenya oo dhowaan ku biirtay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa qorshaynaysa inay dhowaan ciidamadeeda ka howlgalaan magaalooyin ka mid ah koonfurta Soomaaliya oo ay ku jirto magaalada Muqdisho.

 

Diiwaanka Wararka

Daljir Bossaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this