Sign in to follow this  
kingofkings

Puntland Welfare Agency

Recommended Posts

Xarunta madaxtoyada Puntland ayaa lagu qabtey xafalad xilka si rasmi ah loogu wareejinayey agaasimaha guud ee hayada daryeelka bulshada Puntland PASWE Ismaaciil Aadan Diiriye oo dhowaan digreeto ku magacaabey madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Farole.

 

Wasiiro ka tirsan xukuumada sida Caafimaadka Dr.Cali Cabdulaahi Warsame ,Cadaalada iyo Dhaqan-celinta Dr.Cabdikhaliif Xaaji Xasan Ajaayo ,wasiiru dowladda maamul wanaaga madxtoyada Maxamed Faarax Ciise Gaashaan ,xildhibaano ka tirsan aqalka barlamanka ,gudoomiyaasha ururada iyo hayadaha ka shaqeeya aqoomaha iyo danyarta ayaa ka soo qaybgalay xafladan.

 

Wasiir Gaashaan oo horey xilkani uu si hayey ayaa ku wareejiyey Ismaaciil oo loo soo magacabey ,waxana ay labaduba ka so jeediyeen hadalo kooban .

 

Gaashaan waxa uu wax ka taabety fikradii asaaska hayadan oo uu Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ku galay ololihiisa doorashada,waxana muddo saddex sanno hayay maamulka Cabdishukur Maxamuud Gurey oo Muqdisho u wareegey iyo xafiiska Raysal wasaaraha.

 

Ismaciil Aadan Diiriye oo la wareegey xilka ayaa mahad u soo jeediyey Dr.Cabdiraxman Farole oo u doortey maareynta hayada PSWE,waxana uu ka codsadey ka soo qaybagalayaasha iyo bulshada reer Puntland inay gacan ka siiyaan sidii waxqabad muuqda hayadiisu ugu talaabsan lahayd.

 

Hayada Daryeelka Bulshada Puntland PASWE ayaa la sameeyey May 2009 ,waxana ay qaabilsan tahay daryeelka danyarta iyo aqoomaha iyadoona dhowaan la hirgeliyey barnaamijka Zakooyinka lagu aruurinayo islamarkaasina loogu qaybinayo dadka ay waajibtay siintoodu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ismaciil is a great friend, a very good man, and he is a well known Londoner, he is the brother of Nuradiin Dirie who was PL candidate in 2005.

 

IMG_0599.JPG

 

here is his debate with Galmudug in Universat tv.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Great initiative!

 

By proffesionalising and structurizing direct aid and welfare support one can make sure that aid ends up with the right needy people and prevents corruption of the aid to the poor. One can make envolve Sheicks and make welfare more structured then the usual NGO or Masjid one time nitiatives.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this