Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Sir culus: Madaxweyne Shariif oo doonaya inuu Khaarijiyo lix Masuul

Recommended Posts

Galmudugnews.com – Waxaa la xaqiijiyey in madaxweynahay DFKMG uu dib u habeeyn kusameeyey koox dilaayaal ah oo uu ku adeegan jiray kuwaa oo khaarijin jiray cidii loo arko in eey caqabad kutahay danaha Sheikh Shariif.

 

Koooxdan oo eey kusoo biireen rag cusub ayaa loo qeeybiyey qalab iyo lacag eey ku howl galaan iyada oo inta badan la arko iyagoo ku lebisan bistoolado iyo ookiyaalo madoow misana gaaf wareegaaya xaafadaha iyo dhismayaasha dowladda. Lama oga tirade saxda ah oo eey kakoobanyihiin waxaase lugu qiyaasay ineey gaarayaan ilaa 60 qofood. Intooda badan wexeey tababar kusoo qaateen dalalka Uganda iyo Suudaan wexeyna u badanyihiin beesha uu kadhashay madaxweynaha ee ******.

 

Wexey ku magacaabanyihiin ilaalada madaxda dowladda balse waxaa qorshoha dhabta ah uu yahay ineey fuliyaan awaamirta madaxweynahay iyaga oo kahortag kusameyn doona cidii isku dayda ineey hor istaagto danaha siyaasadeed ee madaxweyne Shariif.

 

Dhowr qofood oo xog ogaal ah ayaa noogu sir warramay in eey khatar kusoo fool leedahay siyaasiyiin iyo ganacsato maalmahaan madax xanuun kuriday madaxweyne Shariif Sheikh Axmed. Shakhsiyaadkaas loo dhameeyn doono waxaa ugu horreeyo Madoobe Nuunoow, Salaad Cali Jeele, Cabdulaahi Axmed Cadoow, Cabdulaahi Sheikh Xasan iyo nin magiciisa lugusoo koobay ganacsade Xaaji Daa’uud iyo kuwo kale.

 

Qorshaha loo bartilmaameedsanaayo shakhsiyaatkaan ayaa noqon kara labo arrimood

 

1- In laga hortago caqabadaha ka imaan karo marka lagaaro waqtiga doorashada madaxtinimo ee bisha August, taas oo looga baqaayo ineey saameeyn kuyeeshaan fikirka iyo taageerada beesha eey kadhasheen ee ******.

 

2- In lugu qariyo arrintii musiibada ahayd ee kadhacday Tiyaatarka Qaranka, taas oo ilaa iyo hadda madaxweynuhu ka naxsanyahay in eey ku cadaato inuu ku lug lahaa.

 

Waxaa hoorjoogayaal u ah xubno eey kamid yihiin Xasan Tubaako, Daahir Eebooow, Maxamed Cali, Axmed Mubaarak, Ceeymoow iyo dad kale oo weli aanaan helin magacyadooda. Waxaa kor ka maamula oo lacagta siiyo agaasimaha nabad sugidda, Axmed Fiqi oo ah shakhsigii lahaa fikradda asaaska guutadan qarsoon ee loo xilsaaray arrimo gaar ah oo laga qariyey qeybaha kaladuwan ee doowladda oo uu kujiro Baarlamaanka. Shacabka Soomaaliyeedna sidoo kale waxba kalama socdaan.

 

Waxaa hubaal ah in Madaxweynuhu soo xusuustay maahmaahdii oran jirtay “Aboor inta uusan kugu tufin ayaa lugu tufaa” taas oo u dhiganta “Inta aan luguu dhameyn, adugu u dhamee”

 

Hadaba la arki doonee halka eey ku dambeyn doonto sheekadaa u eg tii aan ka fiirsan jirnay filimaanta maafiyada ee wax waliba oo suura gal ah la adeegdo si loo gaaro yoolka ama hadafka la tiigsanaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Golcantarabaqash inay isku baxshaan ay ahayd. Oba, naga daa dee, waxaan oo kale waa ceeb see camal!! This is what you would expect from XX tand not from Oba ibn Shareef ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia;820731 wrote:
This is in fact true, he wants to kill many people, even me.

Of Course:D Juqjuqdaada ayaa badatay, waa in la idin xabisaa adiga iyo Kingofkings.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Somali clan based radios and websites are the current warlords and one of the biggest obstacles to peace. if I had the power I would take all of them off air until the rule of law prevails in Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this