Sign in to follow this  
General Duke

Puntland is part of Somalia will work for the unity of Somalia.....Faroole

Recommended Posts

Arbaco, Abriil 18, 2012 (HOL) — Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa waxaa lagu ansixiyay maanta oo Arbaco ah dastuurka Puntland kaddib markii loo qaaday codeyn gacan taag ah, waxaana 472 xubnood oo erdada ka mid ah ay codkooda siiyeen dastuurka, waxaana diiday lix xubnood oo kaliya.

 

Doodda dastuurka ayaa waxay saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ka socotay magaalada Garoowe, waxaana codeynta oo maanta dhacday goobjoog ka ahaa wasiirro ka tirsan dowladda KMG ah oo uu horkacayay wasiirka warshadaha iyo ganacsiga, C/wahaab Ugaas Xuseen.

 

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland. Maxamed Xasan Barre oo ku dhawaaqay natiijada ansixinta dastuurka ayaa sheegay in dastuurkan la ansixiyay uu u horseedayo Puntland in laga gudbo qaabkii beelaha ku saleysnaa oo loo gudbo qaab asxaab ku dhisan. Isagoo xusay in wixii ka dambeeya bisha Juun ee sannadkan la furan karo xisbiyo.

 

Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo shirka soo xiray ayaa u mahadceliyay dhammaan ergooyinkii iyo martii kasoo qaybgashay, isagoo sheegay in qiimo weyn uu ugu fadhiyo dastuurka Puntland ee maanta la ansixiyay, wuxuuna xusay in tani ay u tahay sharaf maadaama ay horay u qaadeen tallaabo ayna ka gudbeen halkii ay horay u joogeen.

 

"Waxaan qirayaa in Puntland ay ka gudubtay meeshii ay horay u joogtay ayna u guurtay hormar iyo meel barwaaqo ah," ayuu yiri Faroole oo intaas ku daray inay Puntland ka go’an tahay midnimada iyo qaranimada Soomaaliyeed sidaas darteedna ay gacan weyn ka geysan doonto sidii loo ansixin lahaa dastuurka guud ee DKMG ah.

 

Ergooyinka ansixiyay dastuurka Puntland ayaa waxaa laga soo xulay deegaannada kala duwan ee Puntland, iyagoo aftidooda dhiibtay markii ay ka doodeen qodobbada dastuurka.

 

Dastuurkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo Puntland ay yeelato tan iyo markii la aasaasay sanadkii 1998-kii, iyadoo guddoomiyaha doorashooyinka Puntland uu sheegtay in dastuurkan uu ku hagayo jidka dimuqraadiyadda.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Spoken like a lion, indeed Somali will forever be united, thank you Mr. President and long may the republic and unity remain eternal. Viva Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo shirka soo xiray ayaa u mahadceliyay dhammaan ergooyinkii iyo martii kasoo qaybgashay, isagoo sheegay in qiimo weyn uu ugu fadhiyo dastuurka Puntland ee maanta la ansixiyay, wuxuuna xusay in tani ay u tahay sharaf maadaama ay horay u qaadeen tallaabo ayna ka gudbeen halkii ay horay u joogeen.

 

"Waxaan qirayaa in Puntland ay ka gudubtay meeshii ay horay u joogtay ayna u guurtay hormar iyo meel barwaaqo ah," ayuu yiri Faroole oo intaas ku daray inay Puntland ka go’an tahay midnimada iyo qaranimada Soomaaliyeed sidaas darteedna ay gacan weyn ka geysan doonto sidii loo ansixin lahaa dastuurka guud ee DKMG ah.

President of Puntland State of Somalia...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this