Sign in to follow this  
Maaddeey

Ciidanka Itoobiya oo Gaari looga gubay Owdiinlle iyo Dagaal ka socda Bardaale.

Recommended Posts

Maaddeey   

Ciidanka Itoobiya oo Gaari looga gubay Owdiinlle iyo Dagaal ka socda Bardaale.

 

Written by Administrator on 14 April 2012.

 

somalimemo.net

 

Waxaa goordhaw soo gaba gaboobay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada Muslimiinta iyo kuwa gumeysiga Itoobiya ee kusoo duulay wilaayada Bay iyo Bakool.

 

Wararka nagasoo gaaraya degmada Bardaale ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya qaraxyo xoogan lagula eegtay duleedka deegaanka Owdiinlle waxaana halkaasi ku gubtay gaari Uuraal ah oo ay wateen ciidanka laweeraray.

 

Wariye Cali Yare oo Bay ku sugan ayaa soo sheegay in qaraxyada kadib ay ciidamada wilaayada Bay weerar fool ka fool ah ku qaadeen kolonyo ciidan Amxaaro ah oo marayayay tuulada Jiiro Mad-dheekh oo Bardaale ku dhaw.

 

Dagaalka oo goordhaw soo gaba gaboobay ayaan faah faahin dheeri ah laga helin balse warar hordhac ah waxay sheegayaan in gaari Uuraal ah uu ku gubanayo wadada.

 

Lasoco wixii soo kordha

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab oo ka dhacay duleedka Bardaale

 

Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya Ciidamada Itoobiya iyo dagaalyahanada Shabaab inuu ka socdo duleedka degmada Bardaale, halka lagu magacaabo Jiiro Mad-Shiikh, halkaasoo Kolonyo Itoobiyaan lagu galay.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalka ka hor meel u dhow deegaanka Awdiinle lagu gubay Kolonyo Ciidamada Itoobiya, markii qarax lala beegsaday oo jidka loo galay.

 

Saraakiil ka tirsan Shabaab ayaa xaqiijiyay jiritaanka weerarkaas iyo dagaalka lagu galay Ciidamada Itoobiya ee marayay inta u dhaxeysa degmada Bardaale iyo deegaanka Awdiinle.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in kolonyo ka mid ah Ciidamada Itoobiya uu soo gaaray qasaare, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn.

 

Dagaalyahanada Shabaab ayaa mudooyinkii u dambeeyay waday weeraro dhaba-gal ah oo ay ku hayeen Ciidamada Itoobiya ee soo galay Gobolada Bay iyo Bakool, waxaana weerarada ku dhufo iyo ka dhaqaaqda ah ay yareeyeen dhaq dhaqaaqa Ciidamada ee Goboladaas.

 

 

 

 

Hoyga wararka Somaliyeed

www.jowhar.com

jowharnews@gmail.com

jowharcom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this