Sign in to follow this  
xiinfaniin

Xaaji Xunjuf Responds to Madaxweyne Sharif's 'Midnimadu waa Muqaddas'

Recommended Posts

Sheekh Shariifow Midnimada Somalia Muqadis Maaha Ee Jaarnimada ayaa Muqadis ah Qormo Wariyaha Hadhwanaagnews Ee London

 

 

(Hadhwanaagnews) Thursday, April 12, 2012

London (HWN) Waxaa beryahan danbe madaxwaynaha Somalia Sheekh Shariif Sheekh Ahmed uu caado ka dhigatay marka la soo hadal

 

London (HWN) Waxaa beryahan danbe madaxwaynaha Somalia Sheekh Shariif Sheekh Ahmed uu caado ka dhigatay marka la soo hadal qaado wada hadalada dhex mari doona Somalia iyo Somaliland in uu markiiba si aan ka fiirsasho lahayn ula soo boodo erayga ah midnimada Somalia waa muqadis waxa aan la yaabaa waxa uu uga jeedo midnimada Somalia waa muqadis. Madaxwayne Sheekh Shariif Ahmed oo ah nin u doodaya midnimada Somalia ayaa waxa uu garan waayay qofkii yidhi maah-maahdii Soomaaliyeed oo caanka ahayd ee la odhan jiray hadii aan aamusno waa afkusalax ku dheg hadii kale xoolaha sidaas laga dayn maayo.

 

Maah-maahdan waxaa laga hayaa oo yidhi Ina xagaa dheere oo ***** ah kana soo jeeda deegaanka gabiley. laakiin arinta qosolka lahi waxa ay dhacday markii uu madaxwayne Shariif xafiiskiisa ku qaabilay odoyaal iyo siyaasiyiin ka soo kala jeeda deegaanada Puntland iyo Galmudug oo Muqdisho u yimid sidii wax looga qaban lahaa colaad ka dhex dilaacday beelaha wada dega Gaalkacayo.

 

Waxa uu madaxwayne Sheekh Shariif oo halkaas hadalo ka jeediyay hadalkiisii ku bilaabay waxaa laga hayaa ninkii reer Mudug ee ka soo jeeday Puntland hadii aan aamusno waa afkusalax ku dheg hadii kale xoolaha sidaas laga dayn maayo taas oo odayaashii iyo siyaasiyiintii shirkaas ka soo qayb galay la sheegay in ay qosol jaanta rogeen iyaga oo la yaabay aqoon darida deegaaneed ee haysata madaxwaynihii dhamaa ee Somalia waxa ay odyaashaasi madaxwaynaha u saxeen cidii tidhi maahmaahdaas iyaga oo u sheegay in maahmaadaas uu yidhi nin reer Somaliland oo la yidhaahdo ina Xagaa Dheere taas oo weji gabax ku noqotay Sheekh Shariif Sheekh Ahmed.

 

Arintani waxa ay kuu cadaynaysaa in aanu madaxwaynaha Somalia Sheekh Shariif Ahmed aanu soo marin dugsigii hoose/dhexe ee Somalia halkaas oo lagu dhigan jiray suugaanta Soomaaliyeed oo ay maahmaadan ina xagaa dheere ka mid tahay,waxa kale oo ay aqoon daradan deegaaneed ee haysata madaxwaynaha Somalia ay kuu cadaynaysaa in aanu madaxwaynuhu meela u dhaafin deegaanka Waxarocade iyo magaalada Muqdisho 45 sanadood ee uu jiray waxa kale oo arintani ka mid tahay inkaaraha ku dhacay umada Soomaaliyeed in madaxwayne bilaa xikmad ahi uu fuulo kursiga ugu sareeya Somalia arintan oo aan hore u soo marin dalkii la isku odhan jiray Somalia waana aduunyada nin nooloow maxaa argti kuu laaban.

 

Waxa aan aniga oo ah qoraaga maqaalkan aan aaminsahay dib ula soo noshada iyo madax banaanida Somaliland mana aaminsani fikrada Somali wayn cid ugu khasbi kartaana ma jirto. Laakiinse waxaa aan ogolahay oo aanan waxba ka qabin in ay walaalo ahaadaan dhamaan dadka ku hadla afsomaliga ee ku kala nool dhamaan deegaanada 5ta Soomaalieed oo kala ah Somalia,Somaliland,Kililka 5aad ee Ethiopia,Djabouti iyo NFD taas waan ogolahay laakiin marnaba raali kama ahi Somalia iyo Somaliland oo sidii mara boobta isku dhegaanada waxa aanan jecelahay in ay Somalia iyo Somaliland mid waliba goonidiisa isu taago iyada la ilaalinaayo jaar wanaaga iyo walaaltinimada ka dhaxaysa dadka walaalaha ah.

 

Waxaa looga baahan yahay madaxwayne Shariif iyo qofkii kale ee ka danbayn doona in ay ilaaliyaan oo tix geliyaan rabitaanka shacabka reer Somaliland oo 21 sano ka hor ku dhawaaqay madax banaanidooda. Sida aynu la wada socono dhamaanteen madaxbanaanida Somaliland kumaa aanay iman iska dheh iyo ciyaarciyaartoona waxa ay ku timid dhiig badan oo ay u daadiyeen dadka reer Somaliland iyo 120 kun oo qof oo ku shahiiday sidii ay dadka reer Somaliland xornimadoodii luntay 60kii ay dib ugula soo noqon lahaayeen, waxa ay xornimada ay maanta haystaan dadka reer Somaliland aakhiritaankii timid ka dib markii ururkii dhaqdhaqaaqa wadaniga Soomaaliyeed SNM oo gacan ka helaaya dadka reer Somaliland dhulkooda ka nadiifiyeen taliskii dhiigyo cabka ahaa ee Siyaad Bare.

 

Dadka reer Somaliland markii ay ka soo nodeen xeryihii qaxootiga ee Ethiopia kuna soo noqdeen guryahooda waxa ay u qaadan waayeen waxa ay indhahooda ku arkeen iyo sida loo galay guryahaooda waxa ay soo noqdeen guryahoodii oo madaafiic iyo diyaaradahii Somalia lagu burburiyay intii soo hadhayna jiigadaha,albaabada iyo daaqadaha laga goostay duqayntaas iyo fadhataysigaas oo ay ka danbeeyeen ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed oo loogu talo galay in ay la dagaalamaan cadaw shisheeyo oo aan loogu talo gelin in ay la dagaalamaan shacab Soomaaliyeed arimahan iyo xasuuqii badnaa ee ay gasteen dawladii Siyaad Bare waa waxa igu kalifay in aan aamino qadiyada madaxbanaanida Somaliland fikradaas oo aan aaminsanahay in aan la god geli doono una malayn maayo in ay wax iga bedeli doonaan wada hadalada dhex mari doona dawlada Shariif, tan kadanbaysa iyo dawlada Siilaanyo oo iyada ah tan hor boodaysa wada hadaladaas aan la ogayn waxa ay ku dhamaan doonaan.

 

Gabogabadii waxaa loo baahanyahay in la iska ilaawo fikrada Somaliwayn iyo erayga midnimada Somalia waa muqadas maadaama aanay dadka reer Somaliland fikradaas maanta aaminsanayn waxaa loo baahan yahay in laga hadlo sidii umada Soomaaliyeed xal waara loogu heli lahaa iyada oo la tixgelinaaya rabitaanka dadke reer Somaliland iyada oo loo ogolaanayo in ay ka mid noqdaan beesha caalamka.

 

Waxaa kale oo loo baahan yahay in madaxda sare ee Somalia gaar ahaan madaxwayne sheekh Shariif uu isku dayo in uu wax badan ka barto deegaanada ay ku noolyihiin dhamaan dadka ku hada afsomaliga waxa kale oo loo baahan yahay in madaxwayne Shariif dhul badan oo Soomaaliyeed socod ku maro si uu wax badan uga ogaado taariikhda iyo dhaqanka ay leeyihiin dhamaan umada ku hadasha af Somaliga. runtii may ahayn mana aanan filayn in madaxwayne dhan oo Soomaaliyeed maanta garan waayo maahmaamdii ina xagaa dheere ee ahayd hadii aan hadalo waa afkusalax ku dheg hadii aan aamusnana xoolaha sidaas laga dayn maayo.

 

 

source: http://www.hadhwanaag.com/detail.aspx?id=63532

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dee wa runti Muqadis waxa weye wa Quraanka Kariimka ah and the will of the people of Somaliland is clear nothing less than a full fledged recognized Somaliland republic.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mario B   

Peacedoon;817969 wrote:
Muqadas= sacred, holy.

Where in quran/hadith it says Somali unity is holy.

It might not say that explicit but it warns us against divisions, tribalisms and sectarianisms. If Somaliland can breakaway why not Puntland? or Jubbaland for that matter. Come to think of it, this America dual process in Somalia is actually a danger to own existence.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this