Sign in to follow this  
kingofkings

Thank you Golis

Recommended Posts

Shirkadda Golis oo Biyo Dhaamis Ka Samaysay Deegaanada Abaartu Ka Jirto ee Gobolka Karkaar

 

Qardho: shirkadda Golis Telecom Somalia ayaa biyo dhaan ka sameeysay goobo ay abaaro ka jireen ee ka mid ah deegaanada gobolka Karkaar. Deeqda biyood ay shirkadu ku deeqday ayaa dhan 2500 Barmiil oo biyo ah.

 

Abaarahaas ayaa ah kuwo dhawaanahaan laga soo sheegtay oo ka jira qaar ka mid gobolka Bari iyo sidoo kale gobolka Karkaar.

 

Maamulaha shirkadda Golis Mudane Axmed Cawaale Gaare ayaa maanta mar uu la hadlaayey qaar ka mid ah gudiyadii kala shaqaynaysay shirkadda in la gaarsiiyo dadka dhibaateysan deeqda biyaha ah ayaa sheegay in shikadda Golis had iyo jeer ay u taagan tahay waxtarka bulshada dhibaateysan iyadoo kaalin libaax ka ciyaarto had iyo jeer wax tarka dadka tabaaleysan.

 

Wuxuu mudane cawaale ku daray in talaabadaas ay shirkadu ku dhaqaaqday uu ka tarjumayo sida dhabta ay shirkadu uga fakareyso horumarka bulshada adeegyadeeda isticmaala.

 

Biyo dhaankaas ayaa lagu soo waramayaa in uu gaarey dhamman goobihii loogu tala galay in la gaarsiiyo, dadka meelaha biyaha la gaarsiiyana waxay soo gudbiyeen in biyihii soo gaareen waxayna muujiyeen ixtiraamka ay u hayaan shirkadda Golis Telecom Somalia.

 

Goobihii biyaha la gaarsiiyey ayaa kala ah sidaan hoos ku xusan:

 

No: Magaca goobta biyaha la gaarsiiyey Tirade biyaha la gaarsiiyey

1. Karkaar Zones

400 Barmiil

2. Sheerbi

400 Barmiil

3. Baargaal

500 Barmiil

4. Dhaxamo

150 Barmiil

5. Shaxda

200 Barmiil

6. Xeeradaa Muudal

100 Barmiil

7. Geri-hel

400 Barmiil

8. Carmo

100 Barmiil

9. Sanjilbo

100 Barmiil

10. Tuulada Xabaal reer

50 Barmiil

11. Misir

100 Barmiil

Share this post


Link to post
Share on other sites

The proverb says "If you give fish, you feed for a day, but if you teach how to fish, you feed for ever" Biyahan sanad waliba la dhaaminayo waxaa ka wanaagsan in roobku markuu do'o biya xireeno la sameeyo ama Dam biyaha lagu keydsho, booyadahan mar dhow way dhamaan mana aha Long term solution.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this