Sign in to follow this  
kingofkings

Garoowe: Mas’uuliyiin dowladda ka tirsan oo booqday xerada xanaanada agoonta

Recommended Posts

Mas’uuliyiin ka tirsan madaxda wasaaradaha waxbarashada, maamul wanaagga iyo caafimaadka ayaa booqday xarunta xanaanada agoonta ee magaalada Garoowe.

 

Mas’uuliyiintaas oo ay kamid ahaayeen wasiirka waxbarasahda ee Puntland Cabdi Faarax Juxaa iyo Wasiiru dowlaha maamul wanaagga Maxamed Faarax Ciise(Gaashaan) ayaa kormeerkoodu ahaa mid salka ku haya sidi ay xaaladda nololeed ee caruurta agoonta ah ugu kuur geli lahaayeen.

 

Wasiirka waxbarashada oo agoonta xeradaas ku jirta la hadlay ayaa sheegay in ay ugu yimaadeen sidii ay wax uga ogaan lahaayeen noloshooda islamarkaana ay ka go’an tahay inay ku taageeraan wixii ay u awoodaan.

 

Mudane Cabdi Faarax Juxa ayaa sidoo kale sheegay in wasaarada waxbarashadu ay agoonta si aad ah uga warqabi doonto laga bilaabo bisha soo socotana loo qaban doono 2-macalin oo ay wasaaraddu mushaharkooda siiso.

 

Wasiiru dowlaha maamul wanaagga ee Puntland Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) ayaa isna ku booriyey agoonta xeradaas ku jira inay dadaalaan isagoo xusay in qudhiisu uu mudo 8-sano ah ku jirey xeradii agoonta ee magaalada Muqdisho.

 

Mudane Gaashaan wuxuu ugu danbeyntii tilmaamay in dhamaan wasaaraduhu ay ka mideysan yihiin sidii kor loogu qaadi lahaa nolosha agoomaha islamarkaana ay xog walba oo ku saabsan u gudbin doonaan madaxda sare ee dalka.

 

Intaas kadib waxay Wasiiradu maamulka xaruntaas ku wareejiyeen xoolo nool iyo raashin loogu tala galay in lagu quudiyo agoonta xeradaas ku nool oo ah kuwo ay tiradoodu aad u badan tahay.

 

Xaaladda nololeed ee xerada xanaanada agoonta ee magaalada Garoowe ayaa mudooyinkii u danbeeyey ahayd mid aad u liidata, waxayna noqoneysaa markii ugu horeysey in mudo ah oo ay tira intaas le’eg oo mas’uuliyiin dowladda ka tirsan ahi booqdaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che -Guevara;814202 wrote:
meeshaan shaqo kale majirto miyaa.

i don't know. for a second, i was when did che went to Garowe touring the country side. do you mind telling us your visit to Garowe, PL capital. be honest, are you also unemployed:confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dawlada Puntland oo xoolo nool ugu deeqday xarunta Xanaanada Agoonta ee Magaalada Garowe.

 

Dawlada Puntland ayaa xoolo nool ugu deeqday xarunta Xanaanada Agoonta ee magaalada Garowe.

 

Wafdi balaaran oo ka kooban Wasiirka Waxbarashada puntland Cabdi Faarax Juxa , Wasiiru dawlaha Maamul wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan), Masuuliyiin ka socotay Wasaarada Caafimaadka, iyo xubno kaloo farabadan ayaa kormeeray xarunta Xanaanada Agoonta ee Magaalada Garowe waxayna aad ugu kuurgaleen xaalada Nololeed, mida Caafimaad iyo mida waxbarasho ee Agoontaasi, waxayna warbixino kala duwan ka dhagaysteen Masuuliyiinta xaruntan xanaada Agoonta ee Magaalada Garowe oo tilmaamay in ay baahiyo farabadan oo dhinacyadan ah ay xarunta ka jiraan islamarkaana ay u baahan yihiin in la gacan qabto.

 

Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxa oo hadal kooban u jeediyay ardayda agoonta ah ee xaruntani lagu xanaaneeyo ayaa u ku dhiirigaliyay in waxbarashada ku dadaalaan wuxuuna u muujiyay dawlad iyo shacabba in lagu garab taagnaan doono waxbarashadooda iyo noloshoodaba.

 

Wasiirku wuxuu tilmaamay in dhawaan wasaaradiisu ay hirgalin doonta qorshe ay Qaar ka mid ah Macalimiinta xarunta ugu qorayso mushaarad sidoo kalana ay Caawimaad dhinacyo badan ugu muujinayso Xaruntan Xanaada Agoonta ee Magaalada Garowe.

 

Wasiiru-dawlaha Maamul wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) oo ayaa isna aad u dhiirigaliyay Macalimiinta iyo ardaydan Agaoonta ah wuxuuna u sheegay in uu rajaynayo guul in ay ka gaaran dadaalkan ay wadaan , isagoo carabaabay in naf ahaantiisu uu wax ku soo bartay xaruntii xanaanada Agoonta ee Magaalada Muqdisho xilligii ay jirtay dawlada dhexe ee Dalka Soomaaliya.

 

Intaasi kadib Masuuliyiintan Dawladu waxay xaruntan Xanaanada Agoonta ku wareejiyeen Xoolo ay dawladu ugu talagashay islamarkaana qayb ka ah Kaalmada Dawlada ee ay ku caawinayso Agoonta Magaalada Garowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Waxbarashada Puntland Juxa oo Deeq gaarsiiyay xarunta Agoonta Garowe

 

Wasiirka Waxbarashada Puntland, Mudane Cabdi Farax (Juxa) ayaa maanta deeq gaarsiiyay xarunta Agoonta ee ku taala magaalada Garoowe, Wasiirka oo u dhurgalaya hab

 

u socodka waxbarasho iyo nolosha ayaamaamulka xarunta Agoonta ku wareejiyay, dees isugu jirta raashin iyo xoolo nool.

 

Wasiirka oo ay weheliyaan Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada, Mudane Gaashaan iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaarada Caafimaadka Puntland ayaa la hadlay maamulka, macalimiinta

 

iyo caruurta Agoonta ah ee lagu daryeelo xaruntaasi,

 

 

Sidoo kale waxa uu warbixin ka dhagaystay maamulha xarunta Agoonta, maamulka iyo Agoonta ayaa dhankooda gudoomay deeqdan ayaa si wayn ugu mahadceliyay Wasiirka Waxbarashada iyo wefdigii la socda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this