Sign in to follow this  
Peacedoon

Heroic Somali Police relieves the world from two terrorists

Recommended Posts

Taliska Booliiska Iyo Maamulka Dharkeynley Oo Soo Bandhigay Maleeshiyaad Amni Darro Maleegayey Oo Xalay La Dilay”SAWIRRO”

Published on April 2, 2012 by Mowliid · 3 Comments · 1,226 views

 

Maamulka degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir iyo saraakiil ka Tirsan ciidamada dowladda ayaa faah faahin ka bixiyay weerar xalay Lagu soo qaaday fariisin ay kaga sugnayeen degmada Dherkeynleey Ciidamo ka tirsan Booliska.

 

Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen saldhigga galbeed ee degmada Dharkeynleey taliyaha ciidanka Booliiska Shariif Shiiqunaa Maye, Taliyaha booliska G/banaadir Axmed Xasan Maalin iyo Guddoomiyaha Degmada Dharkeynley Macalin Cabdulle ayaa waxay ku soo bandhigeen Meydadka Labo maleeshiyo oo ka tirsan Al-qaacidda iyo Labo Bistooladood oo ay ku hubeynaayeen Kuwaas oo xalay weerar ku qaaday fariisin ciidan oo ku taala Degmadaasi.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Shariif Shiiquna Maye oo saxaafadda la Hadlay ayaa sheegay in ciidamada ay fashiliyeen weerarka ay soo qaadeen maleeshiyaadkaasi waxa uuna sheegay in astartii fashilisay weerarkaasi la dalacsiiyay min Hal darajo.

 

Sidoo kale guddoomiyaha degmada Dharkeynleey Macalin Cabdule ayaa sheegay in ciidamada ay ku howlanyihiin sidii ay uga hortagi lahaayeen dadka caadeystay in ay amnidaro ka abuuraan gudaha dagmadaasi.

 

Taliyaha booliiska G/Banaadir Cornel Axmed Xasan Maallin ayaa Sheegay in hadda wixii ka dambeeya ay ciidamadu isku duubanyihiin feejignaan dheeraad ahna ay qabaan.

 

Xalay ayeey aheyd markii kooxo hubeysan oo ka tirsan Alqaacidda ay isku dayeen in ay weerar ku qadeen rug ciidamada dowladdu ku lahaayeen degmada Dharkenleey.

 

 

 

Allah is the greatest.

Two less nabaddiid

Share this post


Link to post
Share on other sites

The troops in Dharkenley & Madina have always been my favorite in all of Banadir. Good job to District Commissioners Haleey Ahmed Daaci, Macalin Cabdulle & their deputy Yusuf Ibrahim Afrax for securing the peace & security of Wadajir Districts. May it continue to be the graveyard of the terrorists.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this