Sign in to follow this  
Liibaan

VIDEO:2012 The Year Of Decision - Maakhir State Grand Confrence [Coming Soon]

Recommended Posts

Liibaan   

Halkan Ka Daawo Madax Dhaqameedka, Siyaasiinta, Wax Garadka Maakhir oo Magaalada Badhan Kaga Dhawaaqay In Shacabka Maakhir Gudaha Dalka Iyo Dabada Isugu Yimaadaan ShirWeyne Taariikha Ah oo ee Kaga Tashanayaan Aayaha Iyo Danaha Deegaanata Maakhir State.

 

 

http://www.galgalanews.com/?p=10545

 

 

badhan-.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Madax Dhaqameedka, Wax Garadka Iyo Guurtida Maakhir oo Ku Dhawaaqday In Shacabka Maakhir Gude Iyo Dabadba Kasoo Qeyb Galaan ShirWeyna Maakhir State ee Dhowaan Lagu Qabanayo Deegaanka Maakhir.

 

 

Badhan:[m.media] magaalada badhan ee xarunta gobolka sanaag ayaa maanta waxa lagu qabtay bartamaha magaalada shirwayneshir waynahan ayaa waxa ka soo qaybgalay qaybaha bulshada sida: cuqaasha, waxgaradka, haweenka, dhalinyarada, iyo dhamaan qaybaha bulshada

 

Shirwaynahan ayaa waxa lagaga hadlayey sidii looga wada tashanlahaa ayaaha mandaqada ********** waxa kaloo lagu soo hadal qaaday goobtaa xaniibada saran gobolka xaga hayada caalamiga ah waxayna sheegeen waxgaradka ka soo qaybgalay shirkaasi inuu yahay gobol nabada oo aan wax dhibaata ah ka jirin waxyna baaq usoo jeediyeen hayada deeq bixiyayaasha ah inay yimaadaaan gobolka oo eegaan xaladiisa nabadgelyo iyo deganaan.cuqaashii madasha ka hadashay ayaa waxay fariin u direen qurba joogta reer maakhir inay yimaadaan dhulkooda oo ay ka qayb qaataan horumarka iyo inay ku daydaan dadka gobolada kale u dhashay siday u horumariyeen goboladooda Shir waynahan ayaa waxa ka hadlay cuqaal aad ufara badan iyo waxgarad aad u badan

 

Dhamaantoodna waxay goobta ku muujiyeen siday ugu taaganyihin horumarinta degaanadooda

 

Nabadoonadii ka soo qaybgalay shir waynaha

 

 

 

1.nabadoon:claahi cabdi ibraahim

 

2.nabadoon:xasan faarax maxamed

 

3.nabadoon:axmed askarcalishire

 

4.nabadoon: maxamed xasan cumar

 

5.nabadoon:claahi maxamed yuusuf shide

 

6.nabadoon:maxamuud muusecalifaatax

 

 

 

Iyo gurti aad ufara badan waxaana ka mid ahaa

 

 

 

1.guurti saalax garaad ali shire

 

2.guurti cle maxmed naxar

 

3.guurti xasan jaamacc dhegood

 

4.guurti casyr faarax bile

 

5.guurti siciid faarax xirsi

 

6.guurti xasn godine

 

7.guurti maxamed warsame

 

8.guurti maxamed cabdi nuur

 

9.ismaaciil jaamac ciyoon

 

10.maxamed xirsi maxamed gaacir

 

 

Grabbed-Frame-11.jpg

Grabbed-Frame-41.jpg

Grabbed-Frame-12.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Baaq Lagu Taageerayo Go'Aanada Guurtida Maakhir State oo Dhmaan Qurba Jooga Reer Maakhir State Dirayaan

 

 

Galgalanews.com

 

Nairobi Kenya;.- DR, Mohamud Qalib Said oo ku hadlaya magaca Qurbajooga Reer Maakhir Ahna Xubin Firfircoon oo Ka tirsan Qurb jooga Reer Maakhir in muda ahna ku sugnaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa coddheer oon Gabasha lahayn ku taageeray shirarka Guurtida ********** uga socda Gobolada Sanaag iyo Hayland oo ah Deegaanada ugaarka ah ee Beesha Reer Maakhir degto,

Dr -Qalib oo ku hadlaya Magaca shacabka Reer Maakhir Dalka gudahiisa iyo Dibadiisa waxuu si faahfaahsan uga hadlay In Ay si buuxda oo dhamaystiran utaageersan yihiin Guurtida Warasangeli shirarkooda iyo dhamaan qodabada ka soo Baxay oo dhan,

Waxaan taageero iyo Kolsooni buuxda uhaynaa Guurtida sharafta leh ee ********** oo in muda ahba isu xilqaamay Ilaalinta sharafta iyo karaamada Shacabka Reer Maakhir Iyagoo ka damqaday dulmiga lagu hayo dadka iyo Deegaanka

Dr- Qalib Waxuu Muujiyay In Maamulka Puntland ee Faroole Horjoogaha uyahay iyo dhamaan Siyaasiyiinta Isir ahaan Ka soo jeeda Deegaanada Sanaag iyo Hayland in kalsoonidii ay kala noqdeen Guurtida iyo shacabka Reer Maakhir markay ku fashilmeen Arimihii Siyaasada ee Reer maakhir,

Dr- Qalib waxuu si aad ah ugu nuuxnuuxsaday in dhamaan shacabka Reer Maakhir Dal iyo dibadba isbedel doonyahay Ayna ka go,antahay isbedel siyaasadeed oo dhab ah oo kor uqaada siyaasada Gobolada Reer Maakhir si loola hana qaado siyaasada Gobolka ,Geeska Africa iyo dhamaanaba tan Caalamka iyo tan Soomaaliwaynba

DR- Qalib waxuu sitafatiran uga hadlay in isbedel siyaasadeed oo la jaan qaadikara tan Gobolka ,Soomaali wayn iyo Caalamkaba ay ka go,antahay in ay yagleelaan,Gudaha Dalkana ay Gelayaan oo ay si badheedh ah Deegaanada Reer Maakhir Wax QAbad La Taaban Karo Uga Muujiyaan,

Dr- Mohamud Qalib waxuu Cambaareeyey Go’doominta shacabka aan waxba galabsan ee Deeganada Buurta oo in muda Ahba aanay gaadhin wax cunta ah oo laga Go’doomiyey dhamaan agabyada daruuriga ah ee Bulshadaasi u baahnayd in laga qaado sharuud laan ayaan soo jeedinaynaa hadii Laga Qaadi waayona Waxaa Lagala Kulmayaa Cawaaqib Xumo

Mr-Qalib waxuu kaloo ka hadlay Dastuuka Cusub ee Puntlad Yelanayso iyo Ergooyinka faroole Qorshaystay oo ka kooban 480 ergo waxuuna sheegay in ay tahay xeelado siyaasadaysan oo dana gaar ah laga leeyahay waana in ay Guutida iyo shacabka reer Maakhir ay fahmaan lagana degtoonaado in la afduubo odayada iyo Guurtida loona afduubo Maamulka Faroole,

Dhinaca kale Dr- Mohamud Qalib waxuu dhaliilay si cadna uga horyimi wakhti kordhinta Maamulka Faroole Damacsanyahay

Wuxuuna ku tilmaamay Shirqool cad iyo Afduub. Gebagebadii Dr- Qalib waxuu soo jeediyey in Odayada iyo Guurtida ********** ay iclaamiyaan shir ka dhaca gudaha Deegaanada Reer Maakhir sida ugu dhakhsiyaha badan. Shirkaas oo oo lagu midaynayo shacabka guud,Siyaasiyiinta,Aqoonyahanada, Isimada iyo dhamaan bulshada kala duwan ee Reer Maakhir.

 

 

Galgalanews.Com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

MAAKHIR :- DHEGAYSO Warasyi Guurtida Maakhir oo Ku Baaqday Shirwayne Balaadhan oo Yeeshaan Deegaanada Maakhir

 

 

Fri, 03/30/2012

 

 

Badhan:- Gobolka Sanaag wax Maalmahan ka socday Shirar ay lahaayeen dadka Gobolkaais Kuwaasi oo ka Tashanayay Arrimahooda Gaar ah sida qaabkii looga shaqayn Lahaa in Shirwayne Balaadhan Gobolkaasi lagu qabto, Shirkaasi Odayaasha oo Maalintii Doraad lagu soo Afmeeray Magaalada Badhan ayaa Looga Dooday Qodobo badan waxan ugu Muhiimsanaa inay Odayaasha Gobolku ku Baaqeen Shirwayne Balaadhan.

Mareegta GalGalanews Tifatiraheeda ayaa Khadka Telefoonka kula xidhiidhay Nabadoon C/laahi Cabdi Ibraahim oo ka mid ah Duubabkii Shirkaasi Hormuudka u ahaa.

Wuxuu sheegay inay Sugayaan Suldaanka Guud ee Beesha Suldaan Siciid C/salaan kaasi oo dhawaan Gobolka Sanaag soo Gaadhaya isla markaan Shirwayne uu ku dhawaaqayo Suldaanku.

Nabadoonka ayaa xusay in ay dhawaan Booqdeen Gobolka Nugaal ayna Kula Kulmeen Madaxwaynaha PL C/raxmaan Faroole balse uu ka Baxay Waa Sida uu Hadalka u Dhigay Balan qaad uu Gobolka Sanaag u Sameeyay sida Dhismaha Jeelka Wayn ee Magaalada Badhan.

Baaqa Odayaasha Gobolka Sanaag wuxuu ku soo Beegmay Xili ay Kacdoon Xoogani ka Aloosan yahay Guud ahaan Gobolada PL taasi oo lagu Diidan yahay Mudo Kordhinta C/raxmaan Faroole, waxana xusid mudan in Magaalada Badhan ay ku Sugan Yihiin Gudidii Doorashada Puntland.

 

Muuqaal Shirkii Odayaash Halkan ka Daawo

 

http://www.galgalanews.com/?p=10550

 

 

 

Waraysi Hoos ka Dhegayso.

Waraysi Nabadoon

 

http://www.galgalanews.com/wp-content/uploads/2012/03/Waraysi-Nabadoon.mp3

 

Bahda GalGalanews.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Olole Dib Loogusoo Noolaynaayo Maakhir State Of Somalia Oo Ka Bilawday Dalka Gudihiisi Iyo Wadamada Dabada, Iyo ShirWeyne Arimahaasi Looga Tashanaayo Oo Dhowaan Lagu Qaban Doon Deeganada Maakhir State.

 

Kampala-(MMedia)- Xaflad aad u balaadhan, hadafkeeduna ahaa dib usoo noolaynta Maakhir State Maakhir, iyo maamul u samaynta gobolada Sanaag, Haylaan iyo Galbeedka gobolka Bari ayaa habeenimadii xalay ahayd ka dhacaday Magaalada Kampala Ee Xarunta Dalka Uganda gaar ahaan Bol Bol Memerial Hotel

 

Xafladan oo si weyn Loo Agaasimay isla Markaana ay kasoo qayb galeen Siyaasin, Wax Garad, Aqoon Yahanada, Isimo, ururda Bulshada . haweenka , Ardayda wax ka barata Ugandha, iyo gabi ahaanba Maamul Goboleedyada Ka jira Dalka Somalia ayaa ahayd mid lagu taageerayo Maamul Goboleeda Maakhir State Of Somalia

 

 

Shirdkan Oo ay Goob joog ka ahaayeen ergooyin kasoo kala jeeda gobolada Sanaag, Haylaan, Galbeedka Gobolka Bari, iyo Jubada Hoose loogana Arinsanayey Xaalada adag ee ka Jirta Gudaha Deegaanada Maakhir iyo Sidii loo Taaba Gelin Lahaa Maamul Goboleeda Maakhir State Sido kale waxa Qayb Ka ahaa Ujeedada Xafladan Midaynta Jaaliyadaha East Africa Ee Maakhir State

 

 

Masuuliyiintii Goobta ka hadashay waxaa Kamid Ahaa Gudoomiyayasha Jaaliyadaha Maakhir Ee Wadamada kenya. Uganda iyo Sudan Waxaa Ugu Horayn Madaashaa Ka hadlay Gudoomiyaha Jaaliyada Maakhir State Ee Dalkan Uganda Mudane Cabdirsaaq Axmed Siciid(Qaraaji) Isaga Oo U Mahad Celiyay Gudiga Soo Qaban Qaabiyey Xaflada Qiimada Badnayd Waxaana uu Ka waramay xaalada Jaaliyada ee dalkan Uganda

 

 

Gudoomiyaha Qaraaje Waxaa Uu sheegay Inay Muhiimad gaar ah leeday In Gobolada Maakhir State Laga Hir Geliyo Maamul u Gaar ah Isla Markaana xaaga la saaro arimaha Bulshada Sida Caafimaada. wax barashada, iyo Amaanka Guud ahaan Gobolada Sanaag, Hayland iyo Bari

 

 

Sido Kale waxaa isna Madasha Ka hadalay OoKalmadiisa qaatay gudoomiyaha Jaaliyada Maakhir Ee dalka Kenya oo isaga iyo Wafti uu Hogaaminayo ay Maal Mahan Ku Suganaayeen Magaalada Kampala Si ay uga Qayb galaan xafladan Mudane Cabdisalaan Bulqaas

 

 

Mudane Bulqaas Waxa uu sheegay inay farxad weyn U tahay kasoo Qayb galka xaflan isaga iyo waftigiika ka yimid dalka Kenya Maadaama Ay tahay Tan Guud oo Looga Arinsanayo Xaalada Gobolada Maakhir

 

 

Sido kale waxaa iyana Mesha ka hadlay Gabi ahaanba Maamul Goboleedyada Ka Jira Dalka Somalia oo Sheegay in ay Ku faraxsan Horumarka Maakhir iyo in Ay danoohada Si agaar ah ugu tashadaan

 

 

 

isku soo waa duub oo xafladan ayaa ahayd Mid lagu ayidayey xafladii dhawaan ka dhacday dalka Kenya Waxaana Laga Soo Saaray War Murtiyeed Ku wajahan Wax Garadka, aqoon yahanada Siyaasiyiinta iyo Ismada Deegaamanada Maakhir state Waxaana Saxafaada u akhriyey Shiikh Cabdiqani Cali Moon

 

 

 

1: Waxaa Loogu Baaqay Dhamaan Isimada , wax Garadka , Aqoon Yahanada, Siyaasiyiinta Maakhir State inay Gudaha Gaboladaasi Shir Weyne Guud Ku qabtaan Isla Markaana ay kaga Tashadaan Aayaha iyo masiirka Rer Maakhir

 

2:Inay Waajib Muqadas ah tahay Midnimada Somaliyeed

 

3: waxaanu Ku wargelinaynaa Dawalada Federaalka Somalia iyo beesha caalamka In Gobolada Sanaag, Hayland iyo bari Aanay ahayn dhul lagu muran sanyahay ay tahay Dhulka Ugu Nabada badan Geyiga Somalia Taladiisuna ay ka Go’do Isimada, Noabdoonada, Aqoon yahanka, Reer Maakhir Khayraadkiisana aan lagu isticmaali Karin Si Sharci daro ah.

 

 

39caac1103b5a375784200f85bd017c6_L.jpg

011.jpg

.

05.jpg

06.jpg

04.jpg

021.jpg

031.jpg

08.jpg

07.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

VIDEO: Gogol-Xaadh Iyo Diyaar-Garow, ShirWeynaha Maamul-Goboleedka Maakhir State Of Somalia, ee Dhowaan Lagu Qabandoono Magaalada Badhan

 

 

so_maakhir.gif

so)maak.gif

so-maakh.gif

121.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this