Sign in to follow this  
kingofkings

Maamulka degmada Buurtinle oo kormeeray xarumaha Caafimaadka iyo W.barasahada

Recommended Posts

Buurtinle-1.jpg

 

Maamulka cusub ee degmada Buurtine ayaa kormeer ku sameeyey goobaha waxbarashada iyo kuwa caafimaadka ee degmadaas.

 

Duqa cusub ee Buurtinle iyo xubo ka mid ah golaha deegaanka ee degmadaas ayaa tegey dugsiga sare, xarunta caafimaadka hooyada iyo dhalaanka MCH-ka iyo Isbitaalka guud.

 

Kormeerkaas ayaa ahaa mid loogu kuurgelayey xaaladda waxbarasho iyo midda caafimaad ee degamda.

 

Duqa Buurtinle waxaa kormeerkiisa ku weheliyey gudoomiyaha gudoonka waxbarashada ee degmada.

 

Markii ay tageen Isbitaalka iyo dugsiga sare waxay mas’uuliyiintaasi warbixino ka dhegeysteen maamulka dugsiga iyo kan caafimaadka.

 

Waxayna ballan qaadeen inay dowladda dhexe u gudbin doonaan baahiyo badan oo jira si loogu dadaalo sidii wax looga qaban lahaa.

 

Isbitaalka degamda Buurtinle oo qayb kamid ahi aysan dhamistirneyn ayuu duqu sheegay in sida ugu dhaqsaha badan loo dhamaystiri doono si adeega uu bulshada u hayo loo balaariyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this