Sign in to follow this  
Dr_Osman

In Loving Memory Of Somali Hero Abdullahi Yusuf Condolence Page. A Soldier To The Grave

Recommended Posts

Dr_Osman   

Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyey geerida AHN Cabdilaahi Yuusuf Axmed [Dhegeyso]

 

Updated:- 1 day ago| 19 Commnets

 

Dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeysey geerida AHN madxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo xalay ku geeriyoodey wadanka Imaaraatka Carabta.

 

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo goor dhow magaalada Garoowe Saxaafadda shir ugu qabtay ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan umadda Soomaalyeed.

 

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Cabdilaahi Yuusuf uu ahaa halyey Soomaaliyeed islamarkaana uu ka tegey taariikh lama ilaawaan ah oo ku dhigan maanka qof kasta oo Soomaali ah.

 

Dr. Faroole waxa kale oo uu sheegay in marxuumka lagu aasi doono Puntland loona sameyn doono aas qaran isaga oo amar ku bixiyey in calanka mudo sadex maalmood ah hoos loo dhigo.

 

Ugu danbeyntii madaxweynaha Puntland waxa uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in dowladdu ay dhowaan Saxaafadda usoo bandhigi doonto taariikh nololeedkii marxuumka geeriyoodey.

 

Cabdilaahi Yuusuf Axmed AHN wuxuu xalay saqdii dhexe ku geeriyoodey Isbitaal ku yaal magaalada Abu-Dhabi ee wadanka Imaaraadka carabta kaasoo uu in mudo ah ku jirey.

 

Horseed Media

 

Dhegeyso codka madaxweynaha Puntland

http://horseedmedia.net/2012/03/23/madaxweynaha-puntland-oo-ka-tacsiyeeyey-geerida-ahn-cabdilaahi-yuusuf-axmed-dhegeyso/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Madaxda Soomaalida oo Tacsi ka direy dhimashada Madaxweynihii hore

Updated:- 1 day ago| 25 Commnets

 

Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa tacsi tiiranyo leh ka direy geerida Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Col.Cabdullaahi Yusuf Axmed oo saakey (Jimce) waaberkii ku dhintey Isbitaal ku yaala dalka Imaaraadka Carabta.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegey in uu sameeyey guddi ka shaqeeya aaska Madaxweynihii hore, waxaana guddigaas madax u ah Raysalwasaare kuxigeenka ahna wasiirka Ganacsiga. Mudane Cabdiwahaab Ugaas.

 

Shariif Shiikh Axmed ayaa ku tilmnaamey Cabdullaahi Yusuf (AUN) shakhsi waddani ah geesi ah jecelna dadkiisa iyo dalkiisa, waxaana uu rabbi uga beryey in uu janadii Fardowsa ka waraabiyo samir iyo iimaana ka siiyo umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskiisi iyo qaraabadiisi.

 

Dhanka kale waxaa ka hadley geeriga Madaxweynihii hore Raysalwasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiweli Cali Gaas, raysalwasaaraha ayaa sheegey in dhawaan ahayd markii uu ku booqdey Isbitaalka isla markaasna uu la socdey tan iyo markaas xaaladda Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yusuf Axmed (AUN).

 

Puntland

 

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa tacsi ka direy dhankiisa dhimashada Cabdullaahi Yusuf Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, waxaana Dr.Faroole sheegey in dhawaan lagu aasi doono deegaanada Puntland isla markaana la diyaarin doono taariikhdiisi, Madaxweynaha ayaa sheegay in calanka Puntland la gaabin doono muddo saddex maalmood ah, waxa uu ku tilmaamey in uu ahaa Cabdullaahi Yusuf raggii dhidibada u taagey Puntland isla markaana u yeeley saddexda nidaam ee dawlad leedahay.

 

Somaliland

 

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamede Maxamuud Siilaanyo ayaa isaguna umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida ku timid Cabdullaahi Yusuf Axmed, waxaana qoraal uu akhriyey afhayeenka madaxtooyada Somaliland lagu sheegey in Madaxweynaha Somaliland ka tacsiyeynayo dhimashada Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, waxaana uu rabbi ga baryey in uu janadii ka waraabiyo.

 

Aaska Madaxweynaha

 

Waxaa lagu wadaa maalmaha soo socda in lagu aaso Madaxweynihii hore ee Soomaaliya gudaha dalkas Soomaaliya meel kamid ah waxaan arintaas ka wada hadlaya guddi Dawladda Federaalku u saartey, maamulka Puntland iyo ehelada Madaxweynihii hore.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Wasiirka warfaafinta Puntland oo ka hadlay geerida Madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmad

 

Rabi ha u naxariistee waxaa guud ahaan dalkeena Soomaaliya laga hadal hayaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timi madaxwaynihii hore Dowlada KGM Somalia, Mudane Cabdilaahi Yuusuf Axmad ,iyadoona tacsiyo kala duwan loo dirayo eheladii uu ka dhintay .

 

Maantana waxaa saxaafada magalada Garoowe kula hadlay wasiirka warfaafinta dowlada Puntland Mudane Axmad Cali Askar.wuxuna sheegay marka hore inuu tacsi u dirayo dhamaan ehelkii uu ka baxay Mudane Cabdilaahi Yuusuf Axmad oo magac iyo miisaan siyaaseed ku lahaa dalka soomaaliya.

 

Wuxuuna sheegay Axmad Cali Askar Murxuum Cabdilaahi in aas qaran loogu samayn doono magalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug,isla markasna lagu aasi doono Puntland,wuxuna intaasi ku daray mudane Cabdilaahi Yuusuf inuu taariikhda soomaaliyaa meel wanaagsan ka gali dooni lana xasuusan doono waxyaabihii uu kasoo qabtay dalka soomaaliya.

 

 

Dhinaca kalena xafiiska dunidaonline ee magalada garoowe waxaa tan iyo waqtigii uu geeriyooday Cabdilaahi Yuusuf Axmad soo gaaraya warqado tacsi ah oo loo jeedinayo eheladii uu ka dhintay murxmuum Cabdilaahi Yusuf Axmad,waxayna umada soomaliyeed ugu baaqeen in la iska cafiyo mudane allena looga baryo inuu janadii ka waraabiyo.

 

Isku soo wada duubaa maalintii shalay madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr,Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad Faroole ayaa ku dhawaaqay in aas qaran loo samaynayo Cabdilaahi Yuusuf.3-barina calanka hoos loo dhigayo si shacuurta dadka loogu muujiyo in loo tacsiyadeeyay.

 

Cali Cabdicasiis Ducaale (Fantastic)

 

Dunidaonline-Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Gen. Siciid Dheere oo ka hadlay Taariikh Nololeedkii Marxuum C/laahi Yuusuf Axmed.DHEGAYSO

 

Taliyaha ciidamada difaaca Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Xirsi) ayaa maanta 23.March 2012 xarunta madaxtoyada Garowe saxaafada wax uga iftiimiyey taariikh nololeedkii Alaha u naxariistee Col.Cabdulaahi Yuusuf Axmed madaxweynihii hore ee Somalia.

 

Taliyaha oo in badan ka soo dhinac shaqeeyey Marxuumka kana og taariikhdiisa ayaa ku bilaabaya tababarkii ciidan uu dalka Talyaaniga u aadey iyo kaalinta koowaad uu ka galay dhamaadkiisa.

 

Xilalkii kala duwanaa uu ka soo qabtey dowladdi Somalia ,isku dhicii nidaamkii Siyaad Barre ,xarigiisi ,jabhadii SSDF,khilaafkii Mingiste Maryem boqorkii Ethiopia ,xarigiisi mar labaad ayuu dul marey taliye Gen.Siciid Dheere.

 

Alaha u naxariistee Col.Cabdulaahi Yuusuf Axmed lagu masoo koobi kari halkan ,waxana buuxsamaya buugaag iyo bogag badan ,waxana si weyn loogu xasuusta Puntland iyo madaxtinimadiisi xiliga uu hayey oo nabad ,kala dambeyn iyo horumarba lagu tiigsadey ,islamarkaasina bilow u ahayd halkan aan maanta gaarsiisanahay.

 

 

Dowladda Dhexe ee Somalia oo fadhiid ahaan jirey islamarkaasina magic u yaal ahayd ayuu arintaasi qaadan waayay waxana uu noqdey madaxweynihii ugu horeyey ee Somalia tan iyo burburkii oo Villa Somalia dib ugu laabta kana hawgala.

 

Nidaamkii dowladnimo ,ciidamada oo uu u roonaa ,taageero beesha caalamka iyo ka sifeynta dalka xiligaasi midowgii maxaakimta oo bilow u ahaa argagixisada AL-shabaab ee haatan Somalia gabalkeedu dhacayo ayuu ka hirgeliyey Muqdisho.

 

Waxa uu ahaa nin kalmadiisu adagtahay,balanqaadkiisa la fuliyo,cidna aysan kada hadalin ,waxa u dhega nuglaa odayaasha dhaqanka ,waxa uu daryeeli jirey maatada ,waxana uu soo dhaweysan jirey cadowga si uu uga dhigto saaxiib.

 

Alaha u naxariisto Cabdulaahi Yuusf Axmed halyey Soomaaliyeed ayuu ahaa.

 

Halkan ka dhageyso codka Taliyaha ciidamada Puntland Gen.Siciid Dheere

http://mareeronews.com/wp-content/uploads/2012/03/Gen-Siciid-Dheere-oo-ka-hadlaya-Taariikha-Cabdulaahi-Yuusuf.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

DEG DEG: Meydka Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Oo Loo Qaaday Gaalkacyo Ka Dib Markii Salaadii Janaasada Lagu Dukaday

Comments (0) | Write Comment

 

Muqdisho (RBC Radio) Alaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa meydkiisa waxaa salaadii janaasada lagula dukaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

 

Salaada Janaasada ayaa waxaa ku dukaday masuuliyiinta ugu saraysa dowlada KMG Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha dowlada KMG Raysal wasaaraha Wasiiro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada.

 

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo la hadlay warbaahinta Salaada janaasada ka dib ayaa waxa uu sheegay in uu ilaa hay kaga baryayo in uu janadii Fardowsho ahayd uu ka waraabiyo.

 

Intaasi ka dib ayaa maydka madaxweynihii hore ee Soomaaliya Meydkiisa waxaa loo qaaday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug halkaasi oo lagu aasi doono.

 

Masuuliyiin ka tirsan dowlada oo ay ka midyihiin gudiga qaban qaabada Aaska madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa horay u sii raacay diyaarada lagu qaaday Meydka madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

 

RBC Radio

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Madaxweyne Shariif: Wixii Deyn Qaran ee Lagu Lahaa Marxuum C/laahi Yuusuf Waan Bixineynaa

Comments (0) | Write Comment

 

Muqdisho (RBC) Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo goordhow hadal ka jeediyey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ka dib markii salaada janaasada lagu tukaday marxuum C/laahi Yuusuf Axmed ayaa shaaca ka qaaday in DKMG Soomaaliya ay bixineyso wixii deyn qaran ahaa ee lagu lahaa madaxweynihii hore ee Marxuum C/laahi Yuusuf.

 

“Waan heynaa dardaarankii madaxweynihii hore, waana naloo soo gudbiyey waxaan rajeyneynaa in cid aan wax lahayn aysan soo doonan. Dawlada waxay bixineysaa wixii deyn qaran ah, wixii kale ee deyn qoyseed ahna wixii nalooga maarmi waayo diyaar ayaan u nahay.” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed oo hadal kooban oo dardaaran ahaa ka jeediyey gudaha garoonka Muqdisho.

 

“Marxuumka aniga iyo isaga cilaaqaad gaar ah ayaa naga dhexeeyey waayadii dambe, intii hadda arintiisu cuslaatayna telefoonka ayaan ku wada socon jirnay” ayuu yiri madaxweyne Shariif oo u mahadceliyey dawladaha Yemen iyo Imaaraadka Carabta oo uu sheegay in aqbalaeen codsi DKMG ay horey ugu dirtay oo ahaa in magangelyo la siiyo marxuumka iyo qoyskiisa.

 

Madaxweyne Shariif wuxuu dadweynaha Soomaaliyeedka codsaday in loo duceeyo marxuum C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Sidoo kale raysul wasaare C/weli Gaas oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in 7-dii Maarso uu ku booqday marxuumka isbitaalkii uu ku jiray, wuxuuna raysul wasaaruhu sheegay in maanta ay tahay maalin tacsi qaran.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Aaas-Shiriif-300x225.jpg

 

Meydka madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Muqdishsho lasoo gaarsiiyey

 

Updated:- 19 mins ago| 11 Commnets

 

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa goor dhow kasoo degtey diyaarad sida meydka AHN madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdilaahi Yuusuf Axmed.

 

Xilligii meydka marxuumkaas lasoo dejinayey waxaa garoonka ku sugnaa mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo mudaneyaal badan oo ka tirsan goleyaasha wasiirada iyo Baarlamaanka TFG, aqoonyahan, iyo Culimaa’uddiin.

 

Waxyar kadib xiligii meydka madaxweynihii hore ee Soomaaliya lasoo gaarsiiyey Muqdisho ayaa lagu tukadey salaaddii jinaasada taas oo ay dad aad u tira badani ka qayb galeen.

 

Mas’uuliyiinta dowladda KMG oo salaadii Jinaasada kadib hadlay ayaa tacsi u diray umadda Soomaaliyeed gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii uu ifka kaga tegey Col. Cadilaahi Yuusuf Axmed.

 

Saacadaha soo fool leh ayaa la filayaa in meydka loo soo qaado dhinaca gobolka Mudug oo ah halka uu Cabdilaahi Yuusuf kasoo jeedo laguna aasi doono.

 

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacayo waxaa xiligan ku sugan mas’uuliyiinta ugu sareysa Puntlad, Isimmo iyo Culimaa’uddiin.

 

Aaska madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ka dhici doono duleedka magaalada Gaalkacayo iyadoo amaanka magaaladuna uu maanta yahay mid si aad ah loo adkeeyey.

 

Faah faahin dheer ah kala soco Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

2012-03-25T085517Z_1953177468_GM1E83P19Z

 

Meydka AHN Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo Gaalkacayo la keenay

Updated:- 23 mins ago| 8 Commnets

 

Diyaaradii sidey meydka madaxweynihii hore ee Soomaaliya AHN Cabdilaahi Yuusuf Axmed ayaa goor dhow ka degtey garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalacayo.

 

Diyaaradda oo saacad kahor Muqdisho kasoo duushay ayaa waxaa la socda mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ay horkacayaan madaxweyne Shiriif iyo Ra’iisul wasaare Gaas.

 

Mas’uuliyiin tira badan oo tobanaan gaaraya , Isimo, Culimaa’uddiin iyo qaar kamid ah ehelada marxuumkaas ayaa xiligan ku sugan garoonka, waxaana loo badinayaa in mar kale salaad Jinaasa ah lagu tukado.

 

Salaadda duhur kadib ayaa la filayaa in uu dhaco aaska qaran ee loo samaynayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya AHN Cabdilaahi Yuusuf Axmed.

 

Sawirada, codadka mas’uuliyiinta iyo Video muujinaya qaabka uu u dhacay aaska madaxweynihii hore ee Soomaaliya Horseed Media saacadaha soo fool leh ayey idiin soo gudbin doontaa.

 

Faah faahin ku saabsan aaska qaran ee marxuum Cabdilaahi Yuusuf Axmed kala soco Horseed Media

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

meydka1-300x224.jpg

 

Mas’uuliyiinta ugu sareysa DKG oo meydka madaxweynihii hore ee Soomaaliya usoo qaaday Gaalkacayo

Updated:- 8 mins ago| 6 Commnets

 

Waxaa goor dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kasoo duushay diyaarad sidda meydka madaxweynihii hore ee Soomaaliya AHN Cabdilaahi Yuusuf Axmed.

 

Meydka oo sacaado kahor magaalada Muqdisho lasoo gaarsiiyey ayaa loo duuliyey magaalada Gaalkacayo kadib markii lagu tukadey salaadda jinaasada.

 

Dhinaca kale diyaaradda sidda meydka madaxweynihii hore ee Soomaaliya waxaa la socda mas’uuliyiinta ugu sareeya dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Shiriif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaare Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), Wasiiro, iyo mudenayaal ka tirsan Baarlamaanka ayaa qayb ka ah madaxda meydka AHN Col.Cabdilaahi Yuusuf soo qaaday.

 

Aas qaran oo aad u balaaran islamarkaana ay ka qayb gelayaan kumanaan dadweyne ah ayaa saacdaha soo fool leh marxuum Cabdilaahi Yuusuf Axmed loogu sameyn doonaa magaalada Gaalkacayo.

 

Ammaanka magaalada Gaalkacayo ayaa maanta ah mid si aad ah loo adkeeyey waxaana sidoo kale magaalada Gaalkacayo ku sugan islamarkaana aaska qaran ee marxuumkaas ka qayb gelaya mas’uuliyiinta ugu sareysa Puntland.

 

Madaxwene Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo in badan oo kamid ah golihiisa wasiirada oo shalay degmada Gaalkacayo gaarey aaa xiligan ku sugan garoonka diyaaradaha ee Gaalkacayo.

 

Wixii kasoo kordha kala soco Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Give your 21 gun salute to the fallen comrade, he was big in life and will be bigger in death. Abdullahi Yusuf will live on through Puntland and Somalia Policies

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Deg Deg: Sheekh Shariif, Cabdiwali Gaas & xubno kale oo Gaalkacyo ka degay

March 25, 2012 - Written by editor - Edited byeditor

 

Wafdi uu horkacayo madaxweynaha dawlada KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayna ka mid yihiin Ra’isalwasaare Cabdi wali Maxaed Cali, xubno ka mid ah golayaasha xukuumada & Baarlamanka iyo waliba saraakiisha ciidamada qalabka sida ayaa goor dhaw ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo, iyagoo ka qayb galaya aaska qaran ee loo sameynayo Madaxweynihii hore ee dawlada KMG Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Wafdigan waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo xubno ka mid ah golaha xukuumada & golaha wakiilada wakiilada.

 

Warar dheeraad ah SBC kala soco daqiiqad daqiiqad idinka EEBE.

 

SBC News Desk

Daalacatey :306

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

DEG DEG: Meydka Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Oo Gaalkacyo Laga Dajiyay iyo Madaxda Ugu Saraysa Dowlada Oo Halkaasi Gaaray

 

Comments (1) | Write Comment

 

Muqdisho (RBC Radio) Wararka ka imaanaya Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi laga dajiyay meydka madaxweynihii hore ee wadanka Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Sidoo kale waxaa garoonkaasi ka dagtay diyaarad kale oo waday madaxda ugu saraysa dowlada Soomaaliya oo ay ka midyihiin Madaxweynaha dowlada KMG iyo raysal wasaare C/wali Maxamed Cali iyo Xubno kale oo ka tirsan dowlada.

 

Garoonka Gaalkacyo ayaa waxaa ku sugnaa madaxda maamulka Puntland oo uu ugu horeeyay madaxweynaha maamulka Puntland C/rixmaan Faroole kuwaasi oo halkaasi ku soo dhoweeyay madaxda dowlada.

 

Goordhow ayaa waxaa lagu wadaa in la aaso madaxweynihii hore ee wadanka Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyadoona aaskaasi ay ka qaybgalayaan madaxda ugu saraysa dowlada Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

 

RBC Radio

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this