Sign in to follow this  
Dr_Osman

In Loving Memory Of Somali Hero Abdullahi Yusuf Condolence Page. A Soldier To The Grave

Recommended Posts

Dr_Osman   

This thread is going to be dedicated to the shocking and tragic death of Abdullahi Yusuf. I will be in Mourning for one Week and will talk nothing but about Abdullahi Yusuf, His history, legacy, victories and blood, sweat and tears!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Madaxweyne Faroole iyo Qaar ka Mid ah Wasiiradiisa oo Saaka Gaaray Magaalada Gaalkacyo

Comments (0) | Write Comment

 

Garowe(RBC) Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo wafdi uu hogaaminayo oo u badan wasiirada xukuumadiisa ayaa xalay ka ambabaxay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland isagoo ku sii jeeda magaalada Gaalkacyo si uu uga qeybgalo aaska madaxweynihii hore ee Soomaaliya marxuum C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Wariyaasha Shabakada Raxanreeb ayaa soo sheegaya in madaxweyne Faroole saaka waaberigii uu gaaray Magaalada Gaalkacyo, waxaana saacadaha soo socda lagu wadaa in magaalada Gaalkacyo laga dejiyo meydka marxuum C/laahi Yuusuf Axmed oo haatan meydkiisa lagu hayo garoonka diyaaradaha Muqdisho.

 

Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa saaka abaare 7:50 ka soo degtay garoonka Muqdisho, waxaana saalada janaasada ku tukaday madaxda DKMG, danjirayaasha safaaradaha wadamada islaamka ee jooga Muqdisho iyo culimaa’udiin.

 

Janaasada ka dib ayaa larajeynayaa in Guddiga xukuumadda KMG u saartay diyaarinta aaska marxuumka inay horey u sii raacaan diyaarada meydka sida oo ka degeysa garoonka Gaalkacyo.

 

RBC Radio

Xafiiska wararka Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Madaxweynaha Yemen oo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeyey Geerida Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Posted by Pi on March 24th, 2012

 

Sana’a-Uemen(Pi) Madaxweynaha dalka Yemen, Cabdu Rabuu Mansuur Haadi ayaa tacsi u diray dadka iyo dalka Soomaalida, geeridii ku timid madaxweynihii hore marxuum C/laahi Yuusuf Axmed oo shaley aroortii ku geeriyooday isbitaal ku yaala Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

 

War lagu daabacay wakaalada wararka Yemen ee Sabba ayaa lagu sheegay in madaxweyne Cabdirabbi uu tacsi tiiraanyo leh u dirayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska madaxwaynihii hore.

 

Cabdu Rabuu ayaa sheegay in uu C/laahi Yuusuf Axmed dadaal badan u galay siddii uu nabadeen lahaa dalka Soomaaliya.

C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ku noolaa dalka Yemen, markii uu xilka ka dagay sanadkii 2008-dii, waxana uu ka daganaa guri ay siisay dowladda Yemen.

 

Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa ku dhintay da’da 77-jir, waxana uu madaxweyne soo noqday sanadkii 2004-tii ilaa 2008

Dhamaan dhinacyada Soomaalidia, ayaa tacsi ka diray geerida madaxweynihii hore Soomaaliya Cabdulaahu Yuusuf Axmed oo shaley aroortii ku dhintay isbitaalka Sheekh Zeeyid ee Dubai.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Muqdisho (RBC) Raysul Wasaarihi hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo aya waxaa uu manta tacsi tiiranyo leh u diray guud ahan Umada Somaliyeed gaar ahan qoyski uu kabaxay Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Mudane Cabdilahi Yusuf Axmed.

 

Geeridu waa xaq ma dhinte waa Illaahay Waxaan Illaahay uga baryayaa janadii Fardowso in uu ka waraabiyo Umada Soomaaliyeed Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka tagayna Samir iyo iimaan Allaha kasiiyo Amin Amin Amin.

 

Waxaa sido kale Tacsi taa la mid ah diraya inta badan Xubnihi Golaha Wasiirada ee Xukuumadii Tayo waxayna Illaahay uga baryayaan in uu janadii Fardowso ka warabiyo guud ahan Ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo iimaan Alalah ka siiyo Amin Amin Amin.

 

————————————————————————–

Xafiiska Warfaafinta ee R/wasaarihi hore ee Soomaaliya

Mudane Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Ka Hadlay Geerida Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya

Comments (9) | Write Comment

 

Muqdisho (RBC Radio) Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa waxay ka tacsiyeeyeen geerida ku timid alaha u naxariistee madaxweynihii hore ee wadanka Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Xildhibaan Maxamed maxamuud Guuleed Gacmo Dheere oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya isla markaana ka mid ah masuuliyiintii ay isku dhowaayeen xiligii uu madaxweynaha ahaa ayaa wuxuu sheegay in uu madaxweyne Yuusuf ahaa nin Karti badan isla markaana leh Taariiq anan la soo koobi Karin.

 

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in uu tacsi udirayo dadka soomaaliyeed isla markaana uu kaga tacsiyaynayo geeridii ku timid madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

 

Dhanka kale3 xildhibaan Salaad Cali Jeele oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed uu ahaa nin karti badan isla markaana u horseeday in dowlada Soomaaliya ay soo sal dhigato xarunta madaxtooyada wadanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

 

Sidoo kale wuxuu sheegay in uu ahaa nin jecel nabada iyo qaranimada isla markaana doonayay in uu arko Soomaaliya oo nabad ah isla markaana israacday.

 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu ku geeriyooday magaaladaDubaiee xarunta wadanka isku taga Imaaraadka Carab.

 

RBC Radio

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Taariikh Nololeedkii AUN C/laahi Yuusuf Axmed oo Kooban (1934-2012)

Comments (16) | Write Comment

 

Muqdisho (RBC) Allah ha u naxariistee waxaa xalay [23-Marso 2012] isbitaal ku yaalla magaalada Dubai ee wadanka Imaaraadka ku geeriyooday madaxweynihii hore ee DKMG Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed o mudooyinba xannuunsanayey.

 

Haddaba waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa taariikh nololeedkii Marxuumka oo kooban laga soo bilaabo 1934-kii illaa 2012.

 

- Cabdullaahi Yuusuf Axmed wuxuu ku dhashay Tuulada Birta ee u dhow magaalada Garoowe, 15-kii Disembar sanadkii 1934.

 

- Cabdullaahi wuxuu ku biiraya ciidamadii Talyaaniga sanadkii 1950-kii xilligaasi oo uu wadanku ku jiray gumeysi wuxuuna halkaasi ku heley derejada xidigle ciidamada gumeysiga.

 

- Markii la sameeyey dawladii ugu horeysay ee Soomaaliya wuxuu ka mid noqday ciidamadii militariga ee qaranka Soomaaliya. Wuxuuna ka mid noqday saraakiishii ka qeybqaadatay dagaaladii Soomaaliya iyo Ethiopia dhexmaray 1964-kii iyo 1977 dii halkaasoo dalacsiin uu ku muteystay.

 

- C/laahi wuxuu ka mud noqday koox saraakiishii ciidamada oo ka hortimid xukunkii Maxamed Siyaad Barre, waxayna u baxsadeen Ethiopia, iyagoo Sanadkii 1978-kii aas aasay Jabhadii ugu horeysay ee mucaarad ah SSDF (Jabhadda Dimuqraadoga ee Badbaadinta Somaaliya).

 

- C/laahi waxaa sanado ka dib xiray dawladii Ethiopia oo uu u xirnaa ku dhowaad 6 sano. Waxaana la soo siidaayey 1991-kii isagoo dib ugu laabtay deegaankiisa Puntland halkaasoo uu ka bilaabay olole siyaasadeed.

 

- Horraantii 1990-meeyadii ayaa caafimaad loogu qaaday wadanka Ingiriiska, waxaana markii dambe qaliin lagu sameeyey looga bedelay beerkiisa kaasoo ay ku baxday lacag kor u dhaaeysay $100,000 doolar. C/laahi mar uu ka sheekeeyey wuxuu sheegay in beer 20-jir ah loo geliyey. Laakiin sanad kasta labo jeer ayuu tegi jiray dhakhtarkiisa gaarka ah.

 

- Sanadkii 1998 wuxuu noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee Maamulka Puntland ee lagu dhisay shirkii Garowe.

 

- Sanadkii 2002 wuxuu dagaal la galay madaxweynihii ay baarlamaanka Puntland doorteen ee Jaamac Cali Jaamac isagoo markii dambana dadaal weyn u galay inuu la heshiiyo, wuxuuna xukunka ku wareejiyay Gen Cadde Muuse Xersi.

 

- Sanadkii 2003 wuxuu ka mid ahaa dadkii sida weyn ugu ololeeyey shirkii Eldoret Kenya ee looga hadlayey talada siyaasada Soomaaliya. Waxaana 10-kii October 2004 Magaalada Nairobi loogu doortay madaxweynaha DFJKMG ah oo ahayd markii ugu horeysay oo nidaam federaal ah Soomaaliya loo sameeyo.

 

- 18-kii September 2006 ayaa C/laahi Yuusuf uu ka badbaaday weerar isqarxin ah oo baabuur loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Baydhabo. Waxaa weerarkaasi ku geeriyooday afar ruux oo uu ku jiro walaalkii C/salaam Yuusuf Axmed iyadoo ciidankiisu ay dileen lix ruux oo uu ku sheegay inay ahaayeen al Qaacida. Weerarkaasi waxaa lagu eedeeyey ururkii Maxkamadaha Islaamiga oo iyaguna iska beeniyey.

 

- 29-kii Disembar 2008 markii khilaafaadyo waaweyn ay ka dhex abuurmeen C/laahi Yuusuf iyo dawladiisa raggii ugu sareeyey wuxuu ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna warqadii iscasilaada ka hor akhriyey baarlamaanka KMG oo joogay Baydhabo xilligaasi.

 

- Tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu xukunka ka degey wuxuu ku noolaa magaalada Sanca ee wadanka Yemen halkaasoo magangelyo siyaasadeed uu ku siiyey ninka ay saaxiibka ahaayeen ee Cali Cabdalla Saalax.

 

- C/laahi Yuusuf wuxuu dhowaan shaaciyey buug uu qoray oo lagu magacaabo “HALGAN IYO HAGARDAAMO” kaasoo uu kaga hadlay taariikh nololeedkiisa siyaasada iyo tii miyiga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Gen.Cadde Muuse: C/laahi Yusuf Nin halyeey qaran buu ahaa oo ka tegay Soomaali oo dhan

March 25, 2012 // Warar Somaali

 

Madaxweynihi hore Dowladda Puntland ayaa tacsi u direy eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Madaxweynihi hore Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Gen.Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) oo ku sugan magaalada Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta ayaa cod dheer ku sheegay in Marxuum C/laahi Yuusuf uu ahaa halyeey qaran oo ka tegay dadka Soomaaliyeed oo dhan.

 

‘’Allahu naxriisto C/laahi Yuusuf wuxuu ahaa nin taariikh dheer ku leh Soomaaliya,waana halyeey qaran oo ka tegay Soomaali oo dhan’’,ayuu yiri.

 

Gen.Cadde Muuse ayaa soo dhoweeyay warka kasoo baxay Dowladda Federaalka in aas qaran loogu sameeyo gudaha dalka isla markaana meydka lasoo marsiiyo magaalada Muqdisho,iyadoo uu tilmaamay in uu istaahilo Madaxweynihi hore.

 

Madaxweynihi hore ee Puntland ayaa wada shaqeyn dhow la lahaa Marxuum C/laahi Yuusuf Axmed inkastoo mar ay isku dhaceen balse dhex dhexaadin kadib ay heshiyeen.

 

Gen. Cade wuxuu kamid yahay wafdiga maalinimada berito ah gaari doona magaalada Gaalkacyo si uu uga qayb galo aaska Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somalia Marxuum C/laahi Yusuf Axmed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Siyaasi Awaare oo ka hadlay Aqoontii uu u lahaa AHN C/laahi Yuusuf + DHAGEYSO

March 23, 2012 - Written by Webmaster - Edited byeditor

 

Siyaasiga Soomaaliyeed Cali Cabdi Awaare Kana Mid ahaa Siyaasiyiintii la soo shaqeysay AHN C/laahi Yuusuf Axmed Aqoon dheerna u lahaa ayaan wax ka weydiinay Aqoontii uu u lahaa C/laahi Yuusuf isaga oo jooga Wadanka Jabuuti

 

Cali Cabdi aware oo horey uga soo mid noqday Golihii wasiirada ee Xukuumadii Uu madaxweynaha ka ahaa AHN C/laahi yuusuf Axmed waxaa uu sheegay in aqoonta uu u lahaa ay ahayd in uu ahaa nin Jecel Nabada Islamarkaasina ka shaqeyn jiray Horumarka iyo isku xirka Ismida iyo Cuqaasha

 

Mr Awaare ayaa sheegay in intii ay siyaasada kuwada Jiree C/laahi yuusuf uu ku xusuusto inuu ahaa nin Dulqaad badan oo dhageysat Qof kasta oo uu la kulmo waxaa uu sheegay in hadi uu Marti geliyo 20 qof uu dhageysan jiray hadalkooda waxaana uu ahaa qof Xusuus badan oo Xifdiya Kalmadaha dadka uu la kulmayo

 

Awaare oo DOwladii C/laahi Yuusuf ka soo noqday Wasiirka Wasaarada Dowladaha Hoose iyo Horumarinta reer Miyiga Islamarkaasna ahaa siyaasiyiinta aadka ugu dhawaa Madaxweynaha intii uu ku jiray Siyaasada

 

Audio

http://allsbc.com/siyaasi-cali-cabdi-awaare-oo-ka-hadlay-aqoontii-uu-u-lahaa-ahn-claahi-yuusuf-axmed/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Hargeysa:Madaxweynaha Somaliland oo ka tacsiyeeyey Geeridii Naxdinta lahayd ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

23. marts 2012

 

APL

 

Hargeysa:(Allpuntland)-Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa goordhawayd qoraal uu kasoo saaray Xafiiskiisa kasoo saaray Wuxuu tacsi tiiraanyo leh ugu diray dhamaan qaybaha kaladuwan ee Bulshada Soomaaliyeed geeridii Naxdinta lahayd ee ku timid Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane, Cabdullaahi Yuusuf Axmed taasoo uu ku tilmaamay geeri naxdin leh.

 

Mr.Siilaanyo Qoraalka uu xafiiskiisa kasoo saaray ayaa waxaa warbaahinta u akhriyey Afhayeenkiisa Waxaana qoraalkaas lagu sheegey in Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Ay mudo dheer saaxiibo ahaayeen ayna ka shaqeeyeen arimo badan iyadoona lagu sheegey Qoraalkaas in shacabka Reer Somaliland iyo dawladooduba ay geerida naxdinta leh la wadaagayaan qaybaha kale ee shucuubta Soomaaliyeed.

 

Sidoo kalena Xubno kamid ah Maamulka Somaliland oo uu kamidyahay Wasiirka Howlaha Guud iyo gaadiidka Axmed Cabdi Xaabsade oo Wasiir mudo dheer u ahaa madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf xiligii uu Madaxweynaha Puntland ahaa ayaa isna ka tacsiyeeyey geerida Madaxweynihii hore Soomaaaliya.

 

Xafiiska Wararka Allpuntland, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Garoowe: Puntland oo Calanka Hoos loo dhigay 3 Maalmood oo Baroordiiq ah .

 

23 marts 2012

 

APL

 

Garoowe: (APL ): Dolwadda Puntland ayaa Qabatay kulan Balaran oo Loogu Baroordiiqayo Geerida Allaha u Naxariistee Madaxweynihii Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo Ku Geeriyooday isbitaal ku yaal Magaaaladda Dubai ee Dalka isu tagga Imaaraadka Carabta .

 

Munaasabadda oo ka Dhacday Aqalka Madaxtooyadda Garoowe ayaa waxa kasoo qaybgalay Golayaasha Dowladda puntland ,Isimadda Dhaqanka ,Saraakiisha Ciidamadda iyo Waxgarad kale, Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa Goobta ka jeediyey Hadal kooban oo ku aadan Baroordiiqda iyo Tacsiyeynta Geerida ku Timi Madaxweynihii Hore ee soomaaliya.

 

Madaxweynuhu waxaa uu u Tacsiyeyey Ummadda soomaaliyeed ,Puntland & Guud ahaan eheladii Marxuumka,waxaana uu ku dhawaaqay in Calanka Hoos loo Dhigo Mudo 3cisho ah ,iyadoo Madaxweynaha loo Samayndoono Aas qaran oo ka dhacaya Puntland wallow uusan Carabka ku dhufan Goobta Rasmiga ah ee lagaga aasidoono puntland Balse ay diyaargarow u galayaan sidii loo keeni lahaa Maydka Marxuumka .

 

Madaxweyne Faroole waxaa uu Xusay in Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed uu ahaa Madaxweynihii ugu Horeyey puntland 1998 ,Amaanka ayuu ku guulaystay waxaana uu ka shaqeyey Arrimaha Horumarinta Deegaanaddan , Madaxweynuhu waxaa sidoo kale uu sheegay in uu Qaaday Xiligaa isbaarooyinkii Burburka la dhigtay wadooyinka isku xira Basaso ilaa Galkacyo, C/laahi Yuusuf waxaa uu ka shaaysiiyey Golayaasha Dowladdii ugu Horeysay puntland Maantana waxaan Harsanaynaa Raadkii iyo asaaskiisii Wanaagsanaa eek u dayashada Mudnaa, Dadka puntland waxa ay ku naloonayaan weeye Bilowgii in Maamulkani la Hirgeliyo .

 

Dhanka kalana waxaa Tacsi taa lamida diray Salaadiinta puntland oo Munaasabadda kasoo qaybgalay.waxaana ay uga Tacsiyeyen ummadda soomaaliyeed Geeridda ku timi Madaxweynii Hore soomaaliya ,oo saa Xarunta Madaxtooyadda ayaa waxaa salaanta Calanka Bixiyey Cutubyo ka tirsanaa Ciidamada amaanka ee puntland iyadoo Labada Calan ee Calankana Hoos loo dhigay.

 

Aaska Madaxweynaha ayaa dhacaya sida la ay shaacisay dowladda Federalka oo gudi u magacowday Qabanqabadda aaska qaran oo munaasabad loogu dhigi doono Goroonka Muqdisho iyadoo lagu aasi doono Magaaladda Gaalkacyo Meel 40km u jirta sida ay sheegayaan warar hoose oo allpuntland soo gaaraya.

 

ALLPUNTLAND

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Tacsi ku socota M.DFKMG ee hore

24 Mar 24, 2012 - 1:41:37 PM

 

S alan Kadib,

 

Anagoo ah reer Beeldaaje oo kala jooga dhamaan daafaha dunida waxan tacsi tiiraanyo leh usoo gudbinaynaa, dhamaan Ummada Somaliyeed meelkasta oo ay joogaan anagoo ugu tacsiyaynayna geeridii naxdinta lahayd ee kutimid Madaxweynihii hore ee Somalia mudane Cabdullahi Yusuf ahmed Alla ha u raxmadee oo ku geeriyooday Abu dhabi- UAE. Waxan ilah uga baryaynaa naxariis iyo janatul fardowsa eheladii iyo qaraabadiina samir iyo iimaan.

 

Waxa diraya tacsidan

 

1-Beeldaaje Farah Beeldaaje Cabdullahi

2-Jamac Beldaje Cabdullahi

3-Habib Beldaje Cabdullahi

4-Mahad Beldaje abdullahi

5-Liban Beldaje abdullahi

6-Yasin Beldaje abdullahi

7-Mohamed Beldaje Cabdullahi

8-Mohamed Farah Cabdullahi

9-Mohamoud Beldaje Cabdullahi

10-Anod beldaje abdullahi

11-Jamilo Beldaje Cabdullahi

12-Deqo Beldaje Cabdullahi

13-Shamso Beldaje Cabdullahi

 

iyo inkaloo badan.oon halkan lagu soo koobi karin.

 

Jamac Hagi Cabdullahi

Sharjah UAE

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Gen. Morgan, Maslax Maxamed Siyaad, Maxamed Dheere, iyo siyaasiyiin kale oo ka tacsiyeey Geerida Alle ha u naxariiste C/laahi Yuusuf.

Sun, 25 Mar 2012 02:43:26 -0400 am -04:00 -14400

Nairobi, Mar, 24 -

 

Gen. Siciid Maxamed Xirsi Morgan, Maslax Maxamed Siyaad Barre, Maxamed Cumar Xabeed ‘M. Dheere’ Xasan Daahir

Maxamed ‘Afqurac’ iyo siyaasiyiin kale oo la soo xiriiray Radio Daljir Daljir ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaanba umadda Somaliyeed, gaar ahaan eheladii uu ka tagay marxuun C/aali Yuusuf Axmed.

 

Siyaasiyiintaan oo kale jooga dalka iyo dibadda ayaa ayaa isku raacay in umadda Soomaliyeed ay weyday nin miisaan wayn ku lahaa dalka iyo dibadda.

 

Maydka marxuunka ayaa lagu wadaa in barri laga dajiyo magaalada Muqdisho halkaas oo salaadda jinaasada lagu tukan doono, laguna qabanayo xaflad baroor diiq ah. Waxaana intaasi ka dib loo soo duulinayaa magaalada Galkacyo oo lagu aasi doono.

 

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Fanaanada Saada Cali Warasame oo ka tacsiyaynaysa geerida Alle ha u naxariistee C/llahi Yusuf Axmed.

Sun, 25 Mar 2012 02:44:17 -0400 am -04:00 -14400

 

Fanaanada Somaaliyeed Saado Cali Warsame oo ka mid ah fanaaniintii Waaberi ee jamhuuriyada Somaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay ummadda Somaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid madaxweynihii hore ee Somaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo ku geeriyoodey dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

 

Fanaanada Saada Cali Warsame ayaa marxuumka Alle u weydiisey in uu janadii geeyo ummadda Somaliyedna samir, imaan & bedel khayr qaba ka siiyo.

 

Idaacada Daljir waxaa xarumaheeda kala duwan buux dhaafiyey tacsi ay dadka Somaliyeed ee wax ku oolka ahi gaarsiinayaan dhamaan ummadda Somaliyeed oo ay uga tacsiyeynayaan geeridii marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Diwaanka wararka

Daljir Buuhoodle

 

Audio

http://www.radiodaljir.com/view.php?id=2582

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this