Sign in to follow this  
Saalax

Xukuumadda Oo Siidaysay Odayaal Muddo Todobaad Ka Badan Laascaanood Ugu Xidhnaa Eedaymo La Xidhiidha

Recommended Posts

Saalax   

Xukuumadda Oo Siidaysay Odayaal Muddo Todobaad Ka Badan Laascaanood Ugu Xidhnaa Eedaymo La Xidhiidha Inay Ka Dambeeyeen Gaadiid Dagaal Oo Ciidamada Lagala Baxsaday.

 

Laascaanood (Ramaas) Mar 22,2012 – Xukuumadda Somaliland ayaa siiday odayaal muddo todobaad ka badan ku xidhnaa Magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen gaadiid ciidanka qaranka lagala baxsaday.

 

Odayaashan oo tiradoodu ahayd 7, ayaa waxa laga siidaayey xasbiga Magaaladda Laascaanood, iyadda oo wakhtigii ay xidhnaayeen lagu sameeyay baadhitaano la xidhiidha inay lug ku lahaayeen laba gaadiidka dagaalka ah oo todobaadkii hore lagala goostay ciidamada qaranka ee fadhiisinka ku leh duleedka Laascaanood.

 

 

Odayaashan oo qaarkood warbaahinta la hadleen ayaa sheegay in maamulka gobolka Sool uu iska xidhay isaga oo aan ku hayn cadayn muujinaysa inay dadkii gaadiidka la baxsaday ku dhiiri-galiyeen falkaasi.

 

Siidaynta odayaashan ayaa waxa waan-waan ka galay Madax-dhaqameedka gobolka Sool qaarkood, kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay kulamo la lahaa badhasaabka gobolka Sool Maxamed Maxamuud Cali (Jeeni-yare) iyo masuuliyiinta kale ee gobolka Sool, kulamadaasi oo lagu doonayey in lagu siidaayo odayaashan maanta la siidaayay.

 

Maamulka gobolka Sool ayaan ilaa hadda ka hadal siidaynta odayaashan xoriyadoodii loo soo celiyey, balse dhowr jeer aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno badhasaabka Sool ayaanay noo suurto-galin.

 

 

 

Ramaasnews Desk

 

Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Waa talaabo wanaagsan, waana soo dhoweyneynaa. Talaabada ku xigta waa in Odayaasha kale, dumarka, caruurta iyo dhaniyarada Laas Caanood ayana laga soo daayaa Jeelka Maandheera

Share this post


Link to post
Share on other sites

'Liibaan';808372 wrote:
Waa talaabo wanaagsan, waana soo dhoweyneynaa. Talaabada ku xigta waa in Odayaasha kale, dumarka, caruurta iyo dhaniyarada Laas Caanood ayana laga soo daayaa Jeelka Maandheera

Agreed let everyone out seriously if children are there acudubilah that's shameful. Work on peace people..no more hate and tribalism. The people need development, peace and security. If they wanna protest its their right to protest no one should stop them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this