Sign in to follow this  
kingofkings

President Faroole in Qardo

Recommended Posts

Qardho[RBC Radio] Madaxweynaha Dawladda Puntland C/rixmaan Maxamed Faroole iyo Wefdi uu hoggaaminayey oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Generaal Cabdillaahi Axmed Jaamac”"Ilkajiir”",kuxigeenkiisa Cali Xoosh,Wasiirka Caafimaadka Dr Cali Cabdillaahi Warsame,Aggaasimaha Guud eeCaafimaadka Cabdirisaaq Xirsi Xasan,Taliyayaal Ciidan iyo Xubno kale oo muddo dhowr beri ah ku sugan magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa kulamo iyo booqashooyin ku kala bixiyey meelo badan oo magaalada ah.

 

Madaxweynaha iyo Wefdigiisa ayaa kormeer ku bixiyey markii ay soo gaareen magaalada xarumaha kala duwan ee Dawladda sida Saldhiga Booliska,Xabsiga weyn ee dhismihiisu socdo,Cisbitaalka Guud ee Qardho,Ceelasha biyaha laga cabo,Ciidamada Daraawiishta iyo goobo kale.

 

Ujeedada Safarkiisa ayaa Madaxweynuhu ku sheegay in ay tahay xalinta khilaaf u dhaxeeya laba beelood oo wada degta magaalada Qardho,kuwaas oo dirir ay horay u dhexmartay hadda ay ku jiraan isu hub uruursi ay Dawladdu ku doonayso in ay ku kala dhexgasho dadkeeda isagoona tilaamay in ay ka hortagaan Colaad dib u dhexmarta labada dhinac.

 

Hotelka Al-AAMIN oo u Madaxweynuha iyo Wefdigiisuba ay ka degenyihiin magaalada ayuu kulamo gooni gooni ah kula qaatay Odayaal kasoo kala Jeeda labada beelood ee Walaalaha ah ay dirirtu kala gaartay,waxaase weli socota waan waan loogu kala dabqaadayo labada dhinac oo Madaxweynuhu garwadeen ka yahay iyadoona la filaayo in ay kasoo baxaan qodobo dhaxalgal ah.

 

….”"”Anagu kolay Safarkayagu wuxuu ahaa in dhibaatada nabadgelyada ah aan wax ka qabano iayadaana ku mashquulsaneyn isla markaasna waxaan ku guda jirnaa hay’adaha Dawladda ee magaalada kuyaala ha ahaato mashaariicda socota ama hay’adaha kale sida Ciidamada amniga,booliska, Ciidamada Daraawiishta Xarumahooda iyo Cisbitaalka Guud ee degmada Qardho…“ayuu yiri Faroole.

 

Sidoo kale Wasiir kuxigeenka Arrimaha gudaha Puntland Cali Yuusuf Cali”"Cali Xoosh”" oo Saxaafadda gudaha la hadlay ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay in Mudaharaad looga soo horjeeday Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Faroole uu ka dhacay magaalada Qardho taasina ay tahay wax lagu qoslo isagoona sheegay in Warkaasi ay siidaysay hal Idaacad oo u ula Jeeday VOA-da

 

 

….”"” Idaacadaha Adeer qaar lagama siideyn hal Idaacadoo beenta looga bartay oo Idaacad Caalami ah isku magacowday laakiin deegamadaan mid beenta iska sheegta iyadu hanuuniso ay tiraahdo sidaas wax u sheeg kaliyaa sheegtay oo VOA-da ah war la qabaa xiisa male taas idinkaa sheegaya marka taasi been bey ahayd waadna aragtaan siday deegaanku wax u socdaan…”"”ayuu yiri Cali Xoosh.

 

Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Qardho ku kala bixiyey kormeero kala duwan Xarumaha kala duwan ee hay’adaha Dawladda Puntland ee kuyaala magaalada Qardho sida Saldhiga Booliska,Xabisga weyn ee la dhisayo, Ciidamada Daraawiishta goobaha ay ku sugan yihiin halkaas oo Warbixino koob kooban kaga dhagaystay Saraakiisha madaxda ka ah isagoona u riyaaqay horumarka baaxada leh ee ka soconaya magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

 

Si kastaba ilaa hadda Madaxweyne Faroole iyo Wefdigiisa ayaa wada dadaal sidii lagu kala dhexgeli lahaa heshiis rasmi ahna loo kala dhexdhigi lahaa labadaas beelood ee dirirtu dhexmartay,iyadoona weli uu ku suganyahay Madaxweynuhu magaalada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this