Sign in to follow this  
Che -Guevara

Kudos

Recommended Posts

Ciidamada Ammaanka Somaliland oo soo qabtay raashin mucaawino ah oo la musuqmaasuqay

 

 

Talaado, Maarso 13, 2012 (HOL)- Raashinkii mucaawimadda ahaa ee la leexsaday ayaa qaybo ka mid ah laga soo ururiyey Bakhaaro ku yaalla magaaladda Hargeysa, halka qaarkoodna laga soo qabtay xuduudda Somaliland gaar ahaan Magaaladda Lawyo-caddo.

 

Ilaa afar gaadiidka waaweyn iyo laba gaadhi oo kuwa Ciidamadda ah ayaa lagu soo guray Raashinkan, waxaana lagaga dajiyey rarkii saarnaa baakharadda Wasaaradda Dib u dejinta ee magaaladda Hargeysa.

 

Raashin la sheegayo in la leexsaday ee masuuliyiinta qaarna lagu eedeynayo ayaa lagu sheegay inay buux dhaafiyeen bakhaaradda magaaladda Hargeysa, halkaas oo sifo sharci daro ah lagu soo duwaday.

 

Sida ay noo sheegeen ciidamadii soo qabtey ee ilaaladda ka ahaa Raashinkan ayaa sheegay in laga soo qabtay qaar kamid ah gaadiidkan magaaladda Lawyo caddo, oo la doonayey in xuduudaha lagu iibiyo, qaar kalana bakhaaro ku yaalla magaaladda Hargeysa laga soo guray, waxaana ilaalinayey ciidamo badan iyadoo laga soo gurayey baakharo waaweyn oo ay leedahay wasaaradda Dib u dajinta Somaliland.

 

Wasiirka Dib u dajinta oo aanu doonaynay in aanu arrintan wax ka waydiino ayaanay noo suurtogalin kaddib markii uu shirar isdaba joogga ku lahaa xafiiskiisa, isagoo arrimahan Raashinka ah ku mashquulsanaa. Raashin mucaawimada ah ayaa ahayd raashin deeqa tii ugu wanaagsanayd ee la bixiyo, waxaana bixiyey dawladda Cumaan, iyadoo ugu tallogashay qoysaska danyarta ah, haseyeeshee taasi waxay keentay inay hunguriyaan madax sarsare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland.

 

Raashinkan ayaa ka koobnaa cuntooyinka Qaaliga ah sida Bariiska nooca qaaliga ah, Caanaha Caruurta, sharaab iyo agabka guryaha la dhigto oo ay ku jiraan weelal loogu tallogalay dadka danyarta ah ee ku nool Somaliland.

 

Arrintan ayaa waxa u xidhan ilaa saddex masuul oo kiiskoodda la baadhayo, isla markaana xilalkii ay hayeenna laga qaaday, halka kuwa kalana lagu dabo jiro.

 

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

barkhadladiif@hiiraan.com

Hargeysa, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Che, That's not what I call publicity stunt. This thing of aid diversion happens on a daily basis.

I thought you were the Che Guevara of Somalia. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

They even have militia check points from Las Anod to Burco that charge the aid convoys. It's UN report.

 

Isbaarooyin sharciyeysan!

Share this post


Link to post
Share on other sites

NASSIR;803499 wrote:
Che, That's not what I call publicity stunt. This thing of aid diversion happens on a daily basis.

I thought you were the Che Guevara of Somalia.
:D

I know it happens pretty regularly and in every region, that said anytime something like this happens even for publicity reasons, it ought to be acknowledged.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this