Sign in to follow this  
walaalkis

Saraakiisha Maamulka Somaliland oo ka warbixiyay dad ay xir xireen

Recommended Posts

Laas-caanood: (Sh. M. Network) Saraakiisha Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen dad badan oo dhawaan ay ku xir xireen Magaalada Laas-caanood ee Xarunta gobolka Sool kuwaasi oo taagersan dowladda KMG Soomaaliya.

 

 

 

Kornel C/rashiid Dhunkaal Cali oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Maamulka Somaliland ee Magaalada Laas-caanood oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay howlgal ay ku qab qabteen dad farabadan oo shacab ah oo taageerayay dowladda KMG ah iyo Maamulka la magacbaxay Khaatuma State oo banaanbax ka dhigayay Magaalada Laas-caanood ee gobolka Sool kadib markii Ciidamo ka tirsan Maamulka Somaliland ay is hortaag ku sameeyeen banaanbaxaasi.

 

 

 

C/rashiid Dhunkaal ayaa waxa uu sheegay in banaanbaxaani ay soo abaabuleen dad nabad diid ah oo uu sheegay inay kasoo horjeedaan gooni isu taagga Somaliland, wuxuuna intaasi ku daray in dadka ay Ciidamada gacanta ku dhigeen ay gaarayaan 28-ruux oo isugu jira rag iyo dumar sida uu hadalka u dhigay kuwaasi oo uu sheegay in cadaaladda la horkeeni karo.

 

 

 

Kornelka ayaa sheegay in marna aysan u dul qaadan doonin in baananbax ka dhan Somaliland uu ka dhaco gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo uu sheegay in uu san ka jirin wax la yiraahdo Maamulka Khaatuma State.

 

 

 

Deegaano hoostaga Maamulka Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay waxa ka dhacayay banaanbaxyo ballaaran oo lagu taageerayay Maamul cusub dhawaan looga dhawaaqay Taleex kaasi oo lagu magacaabo Khaatuma State islamarkaana taageersan dowladda KMG Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this