Sign in to follow this  
kingofkings

Cali Dheere: “Shirka Istanbul gumeysi buuxa ayaa Soomaaliya lagu gelineyaa”

Recommended Posts

Ururka Al-shabaab ayaa ku tilmaamay dowladda Turkiga inay hormuud u tahay wadamo daneynaya sidii Soomaaliya gumeysi cusub loo gelin lahaa.

 

Sh. Cali Maxamuud Raage (Cali-dheere) oo ah afhayeenka Al-shabaab ayaa mar uu Saxaafadda la hadlayey sheegay in Siyaasadda Turkiga ee Soomaaliya ku aadani ay tahay sidii dhaqaalaha dalka loo wiiqi lahaa, si ay u fududaato in shisheeyuhu ay u gumeystaan.

 

Cali-dheere wuxuu sheegay in Turkigu uu dadaal ugu jiro sidii uu u curyaamin lahaa ilaha dhaqaalahu kasoo galo dadka Somaalida, si ay isugu dhiibaan shisheeyaha, gacamaha ugu taagtaan.

 

Dhinaca kale afhayeenka ururka Al-shabaab ayaa ku tilmaamay shirka arimaha Soomaaliya looga hadli doono ee la qorsheynayo inuu ka dhaco magaalada Istanbul, mid ujeedadiisu ay tahay sidii Soomaaliya gumeysi cusub loo gelin lahaa.

 

Hadalkan kasoo yeeray Al-shabaab ayaa imaanaya xilli dhowaan dowladda Turkigu ay shaacisay inay wada hadal la fureyso Al-shabaab si xal loogu helo ismarin waaga siyaasadeed ee la haray dalka Soomaaliya.

 

Caasimadda dalka Turkiga ee Istanbul waxaa bisha June ee sanadkan ka dhici doona shir daba socda kii dhowaan lagu qabtay magaalada London, kaas oo ay kasoo qayb geli doonaan wadamo badan, loogana arinsanayo xal u helidda dhibaatooyinka dabada dheeraaday ee dalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

General Duke;800889 wrote:
There were many gullible people who thought this criminal terrorist organization was the best thing since slice bread.

Duke, Al-Shabaab waa sakaraad Intensive care ayey ku jirtaa. Dadkii ay roodhida siin jirtay waa in aynu Bariis iyo Hilib siinaa si ay uga sabraan...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this