Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland minister of trade and commerce opens al nuurs new establishment in hargeysa

Recommended Posts

Wasiirka Ganacsiga Iyo Warshedaha Somaliland Oo Xadhigga Ka Jaray Dhisme Casri ah oo ay Dhisatay Shirkadda Al-Nuur

 

“waxa wax lagu farxo ah in shirkadda Al-Nuur Furniture ay horumar balaadhan ku soo kordhisay dalka, waxana ay u taagan tahay shirkaddani..." Mustafe Cabdi Ciise

 

Hargeysa (GNS)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliland C/risaaq Khaliif Axmed ayaa maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray dhisme cusub oo ay yeelanayso Shirkadda Al-Nuur Fanature.

 

Munaasibadda daahfurkan ayaa waxa ka soo qayb galay maamulaha guud ee shirkadda Al-Nuur Cabdiraxmaan Maxamed Nuur,wasiirka gancsiga C/risqaa Khaliif, Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji) maareeyaha hay;adda waddooyinka Cabdiwaxid Cabdiqaadir Cabdiraxman iyo marti sharaf kalle oo aad u fara baddan.

 

Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine) oo ku hadlayay magaca Shirkadda caalamiga ah ee qurxinta guryahayaha Al-Nuur Furniture ayaa sheegay in shirkadda himiladeedu ay tahay horumarinta dalka, waxana uu intaasi ku daray in shirkaddani ay u taagan tahay bulshadda dalka, waxana uu tilmaamay in waxa lagu farxo ay tahay in shirkadda Al-Nuur Furniture, ay horumar kala duwan ay ku soo kordhiso dalka “waxa wax lagu farxo ah in shirkadda Al-Nuur Furniture ay horumar balaadhan ku soo kordhisay dalka, waxana ay u taagan tahay shirkaddani sidii ay u horumarin lahayd dalka” ayuu yidhi Mustafe Shiine.

 

Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Mudane Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji), oo isna ka hadlay xafladaasi ayaa mahadnaq balaadhan u soo jeediyay shiorkadda Al-Nuur “Shirkadda Al-nuur waxa aan uga mahadcelinayaa horumarka iyo dadaalka ay gaadhay, waana ku hambalyeynayaa, runtii waxa aynu odhan karnaa waa dhalinyaro dadaashay, saaxiibkay C/raxmaana Mahad balaadhan ayuu mudan yahay” ayuu yidhi Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex.

 

Sidoo kalle waxa goobtaasi ka hadashay lataliyaha arrimaha Haweenka Madaxweynaha Marwo Ismahaan Maxamed Miisaan, waxana ay sheegtay inay ku faraxsantahay furitaanka carwada Al-Nuur, waxana ay shirkadda u rajeesay in ay gaadho meell meeshan ka sii saraysa “anaga wuu na sharfay Cabdiraxmaan Maxamed Nuur markaa waxaan u rajaynayaa inuu ILAAHAY gaadhsiiyo meeshan meel ka sii saraysa”ayey tidhi Ismahaan Maxamed Miisaan.

 

Wasiirka ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif oo ugu danbeyntii khudbad gaaban ka soo jeediyay xafladaasi ayaa uga hambalyeeyey mulkiilaha Al-Nuur Cabdiraxmaan Maxamed Nuur , dadaalka iyo kartidda uu ku gaadhay shirkadda “ilaahay waxaan uga rajaynayaa Al-Nuur inuu gaadhsiiyo heerkan heer ka sii sareeya” ayuu yidhi Warsiir C/risaaq Khaliif.

 

Wasiirku waxa uu intaas ku daray in shirkadda Al-Nuur ay tahay shirkaddaha ugu shaqadda wanaagsan dalka, waxana uu ku amaanay qalabka casriga ah ee ay ku soo kordhisay dalka.

Ugu danbeyntii waxa ay masuuliyiintii ka soo qayb galay madashaasi ay kormeer ku soo mareen dhamaan qayanbaha ay ka kooban tahay shirkadda Al-Nuur.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I never understood why a "Government" would be involve what a Private Sector build? Looool Another prove why this so-called "Somaliland" is a clan-enclave State, created by a single clan, created for a single clan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this