Sign in to follow this  
Jiiroow Bakaal

TFG Soldeirs RAPED MARRIED SOMALI WOMEN

Recommended Posts

60 JIR IYO 50 JIR ACUUDU BILLAAH

 

http://www.hadhwanaagnews.com/

 

Hooyooyin 60 Jiro ah oo Ciidamada Dowlada Ee Ku Sugan Xaafada Suuqa Xoolaha Ee Muqdisho ay Ugeysteen Kufsi

(Hadhwanaagnews) Tuesday, March 06, 2012

Muqdisho(HWN) waxaa todobaadkii hore dagaal ay ciidamada dowlada kula waregeen xaafada suuqa xoolaha ee magaalada muqdisho halkaasi oo mudo

 

Muqdisho(HWN) waxaa todobaadkii hore ay dagaal ciidamada dowlada kula waregeen xaafada suuqa xoolaha ee magaalada muqdisho halkaasi oo mudo dheer ay gacanta ku hayeen xarakada al shaabab ayaa iminka waxa ku sugan ciidamada dowlada KMG ah Soomaaliya.

 

Askarta ciidamada dowlada ee ku sugan xaafada suuqa xoolah ayaa kufsi xun ugeystay laba ruux oo haween ah oo misna hooyooyin kuwaasi oo lagu qiyaasay da dooda 60 jir iyo 50 jir.

 

Labada ruux ee maanta kufsiga ugeysteen ciidamada dowlada ayaa ah dad si fiican looga garanayo xaafada suuqa xoolaha kuwaasi oo cadeeyay in askar ka tirsan ciidamada ay kula dhaqmeen si ka baxsan shareecada islaamka ayna ugeysteen kufsi.

 

Labadaan haweenka ah ee maanta la kufsaday ayaa ah hawen xaasas ah oo la qabo oo midi ninkeeda muqdisho ku sugan yahay halka mida kale ninkeeda uu ku maqan yahay wadan kamid ah yurubta kuwaasi oo haatan ku sugan isla xaafadii suuqa xoolaha.

 

Goob joogayal ku sugan xaafada suuqa xoolah ayaa sheegay in ay arkeen laba hooyo oo da ah oo sheegaya in ay kufsi xun ugeysteen askar ka mid ah ciidamada dowlada ee ku sugan xaafada suuqa xoolaha kuwaasi oo maraksta lagu yaqaano wax yaabaha nuucaan ah.

 

Si kastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeysay ciidamada dowlada ay kufsi ugeysteen hablaha ku dhaqan muqdisho hayee shee waa markii ugu horeysay ay kufsi ugeysteen hooyooyin 60 jiro ah

 

 

 

Hadhwanaagnews/office Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this