Sign in to follow this  
kingofkings

Diyaargarowga ololaha caafimaadka caruurta

Recommended Posts

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa maanta 3, March 2012 lagu qabtay kulan ku aadan qorshe lagu fulinayo ololaha maalmaha caafimaadka caruurta oo sannadkiiba laba jeer laga qabto deegaanada Puntland,waxaana shirkan ay masuuliyiinta wasaaradu la yeelanysaa bahda saxaafadda iyo ururada maxaliga ah ee wasaarada kala shaqeeye arimaha talaalka iyo adeegyada kele ee caafimaad ololahani inta uu socdo.

 

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr.Maxamed Xirsi Ducaale oo shirkan furay ayaa sheegay in barnaamijkan maalmaha caafimadka oo muddo ka soo socday Somalia oo dhan ay Puntland qiimayntii la sameeyey ka gashay kaalinta koowaad,haddana la doonayo in la sii dardar geliyo si loo horumariyo arimaha talaalka dalka oo dhana la gaarsiiyo.

 

Ololaha maalmaha caafimaadka caruurta ayaa si toos ah u bilamaya 11,March,2011,waxana la marin doonaa dhamaan deeganada Puntland,iyadoona deegayda caafimaad ee la bixinayo ka mid ah Faytamiino,biyosifeeysan iyo talaalka lixda cudur ee dilaaga ah caruurta dadoodu ka yar tahay 5-sanno jir.

 

Barnaamijkan wasaaradda caafimaadka waxaa ka tageera hay'adaha UNICEf iyo WHO,waxaana qayb-weyn waycigelinta ka qaata qalabka warbaahinta oo dawr ku leh inta uu socda barnaamijyo iyo fariimo faa'dada talaalkana baahiya.

 

Audio

 

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Diyaargarowga_ololaha_caafimaadka_caruurta.shtml

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this