Sign in to follow this  
kingofkings

Shidaalka somalia:-Waftiga Puntland ee London oo wadahadal gaara la qaatay Dowlada Ingiriiska

Recommended Posts

Wasiir_Haashi.jpg

 

London(Pi) Wasiir u Dowlaha Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Mudane Cabdulqadir Cabdi Xaashi oo ka mid ah Waftiga Puntland uga qayb galay shirka London ayaa shaaca ka qaaday in shidaalka laga qodoyo Puntland oo banaanka imaanayo mudo bil ka dib ah.

 

Waftiga Dowlada Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Faroole kana mid yihiin Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane Ilka Jiir iyo Mudane Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa si gaara kulamo ula yeeshay qaar kamid ah Masuuliyiinta Dowlada Ingiriiska waxayna kaloo la kulmeen shirkadaha shidaalka ku shaqada leh ayna kamid tahay shirkada BP.

 

Wasiiru Dowlaha Xiriirka caalamiga Puntland Cabdulqadir Cabdi ayaa yiri sidan “Waxaan la kulanay Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Ingiriiska waxayna noo sheegeen inay naga caawinayaan maaraynta Shidaalka, waxaan kaloo ka wadahadalnay sidey nooga caawin lahaayeen dhinaca dhismaha iyo qalabaynta”.

 

Wasiirku wuxuu hadalkiisa sii raacshey “Soomaaliya waxay doonaysaa inay la heshiiso shirkada Shidaalka Ingiriiska BP, waxayna diyaar noola yihiin inay naga caawiyaan Arimaha shidaalka yaga, Waan u baahanay Qalabka Casriga ah iyana diyaarbay noola yihiin”.

 

Shidaalkii ugu horeeyey ee Soomaaliya laga helo ayaa lasugayaa in lasoo saaro bil ka dib.

 

Warbixintaan waxaa maanta Daabacay wargeyska The Guardian halkaan ka akhriso iyadoo English ah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this