Sign in to follow this  
kingofkings

Puntland: Dagaalka aan Kula Jirno Kooxda Al-Shabaab Waanu Si Wadaynaa

Recommended Posts

Garoowe (RBC) Dawladda Puntland ayaa shaaca ka qaaday in ay sii laba Jibaareyso dagaalka ay kula jirto Xarakada Al-Shabaab iyo kooxda Buuraleyda Galgala ee dhawaan sheegay in ay la midoobeen Al-Shabaab.

Wasiirka Amniga Dawladda Puntland Khaliif Ciise Mudan oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in ay si wadayaan dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al-shabaab iyo kooxda Buuralayda Galgala isagoona ka codsaday beesha Caalamka in ay ka gacan siiyaan la dagaalanka kooxahaas.

Khaliif Ciise Mudan ayaa intaasi ku daray mar uu ka hadlay midowga Al-Shabaab iyo kooxda Buuralayda Galgala in aysan ahayn mid hadda weyn kusoo kor dhinaysa deegaanka koodna Attamna ay awalba ka mid ahayd Al- Shabaab.

“Ciidamada Puntland kama daali doonaan kamana caajisi doonaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al- Shabaab iyo Xulafadooda,kuwa Buuraha saaran iyo Al- Shabaab Al-qaacida waligood waa is raacsanaayeen…..”ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale Khaliif ayaa xusay in ay jiraan xogooyin badan oo ay ka hayaan raga ka tirsan kooxda Buuralayda Galgala iyo Al-Shabaab kuwaas oo qaarkood ku xiran yihiin Xabiyada Puntland isagoona tusaale ahaan usoo qaatay Axmedkheyr Siciid Maxamed oo la dhashay Hogaamiyiha kooxda Buuraleyda Galgala Maxamed Siciid Attam.

Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Shiikh Cali Maxamed Raage ayaa isaguna si weyn usoo dhaweeyey midowga kooxda Buurlayda Galagala kuna tilmaamay in midnimadu ay timid wakhti muhiim ah oo loo baahnaa.

Hadalkan kasoo baxay Puntland ayaa imanaya xili ay shaaca ka qaadeen Al-Shabaab iyo Kooxdii Buuralayda Galgala in ay midoobeen kuna dhawaaqay dagaal ka dhan ah Xukuumada Puntland,waxaana jira ilaa hadda in aan la xaqiijin karin ninka sheegtay in uu yahay Hoggaamiyaha kooxdii Galgala iyadoo kooxda lagu yaqaanay Maxamed Siciid Atam.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

This will get PL a lot of funding to fight those terrorists, things can only go forward when this crazy ideology is defeated.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this