Sign in to follow this  
The Hermet

We Never Got Somaliland for free, We died for it, Ready to Die For It Always...

Recommended Posts

The Foreign Secretary and President Silanyo reaffirmed the close ties between the UK and Somaliland. They agreed that Somaliland was making progress in further embedding democracy and discussed issues of mutual interest, including cooperation on trade and to counter piracy. Over the next three years, the UK will provide up to £105 million in development support to Somaliland to promote prosperity, tackle poverty and consolidate progress on stability and democracy.

 

Speaking after their meeting, the Foreign Secretary said:

 

“I am delighted to see President Silanyo in London for the Conference on Somalia. Somaliland has valuable lessons to share from its own experience of building stability and democracy. I welcome President Silanyo’s participation at the Conference and am grateful for Somaliland’s continued co-operation in the fight against piracy and terrorism.”

 

 

Banaan bixii u weynaa ee lagu taageerayo qadiyadda Somaliland oo ka dhacay xafiiska R/wasaaraha Britain

February 22nd, 2012 Comments Off

 

a href=”http://www.somaliland.org/images/b/2012/02/dhoolatus11.jpg”>London (Somaliland.Org)- Kumanaan ka mid ah Jaaliyada Somaliland ee Ku dhaqan dalka Ingiriiska iyo kuwo ka yimid Wadamada la jaarka ah UK. ayaa maanta ka dhigay banaan bax balaadhan xafiiska ra’isal wasaaraha Biritayn David Camaron ee Down Street ee Magaalada London. oo ay ku muujinayaan sida aanay gorgortan u gali Karin qadiyada madax bannaanida Somaliland iyo sida ay badheedhahooda ugu gudbin lahaayeen Shirka beri ka furmi doona magaalada London.

 

C/laahi Faarax Ciise iyo Fu’aad Maxamed Aw Cali oo ka mid ah banaan baxayaasha oo khadka telefoonka noogu waramay iyagoo ku sugan fagaaraha Down Street ayaa sheegay in marba marka ka danbaysa ay soo kordhayaan dadka ka qayb qaadanaya banaan baxan waxaanay xuseen in ay Jaaliyaduhu aad u abaabulan yihiin isla markaana ay sitaan boodhadh ay ku xardhan yihiin halku dhigyo ka turjumaya xaqa ay ummada Somaliland u leedahay inay dunnida inteed kale ka hesho aqoonsiga ay mudada labaatanka sanno ah baadi goobkiisa ku jirtay.

< Geesta kale banaanbax kan la mida ayaa ka dhacay magaalada danhag ee dalka Holland oo ay isagu kumanaan ka mida jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan dalkaasi ay iskugu soo baxeen, waxaanay banaan baxeyaashaasi socod ku tageen wasaarad arrimaha dibada ee Holland iyo safaarada ingiiriisku ku leeyahay dalkaasi siday saxaafadda u xaqiijiyeen Foosiya Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Obsiiye oo mida jaaliyada Somaliland ee ka qayb qaadanaya banaanbaxaasi ayaa sheegay in safaarada Britain iyo wasaarada khaarijiga Holand in ay u gudbiyeen qoraalo ka waramaya in qadiyada madax-banaanida Somaliland ee ay ka sugayso beesha caalamka.

 

 

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu markii uu maanta mudaharaadku ka dhacayay 10 down Street uu kulan kula yeeshay xafiiskiisa Raysal wasaaraha Britain David Camaron.

 

waxa kale oo uu madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu ay kulan la yeesheen Wasiirrada arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Britain, kuwaasi oo ay ka wada hadleen cilaaqaadka ka dhaxeeya labada qaran iyo arrimo la xidhidha shirka London.

 

sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka furay magaaladda London urur cusub oo la yidhaahdo ururka iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland oo ay ku jiraan aqoon yahano u dhashay Britain oo ka mid ah saaxiibadda Somaliland iyo jaaliyadda Somaliland.

 

Weriye Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Soomaaliya dhanba wax 'free' ku helay iska yar. Dad baa u geeriyooday, dadna wee u soo saxariiroodeen. Sayidka ka koow yahay. Dad baa waliba xaanshi u laqay badbaadinta qarankeena. Kala goyntiisana wax loo dulqaadan karo ma'aha. Dheel dheel kula ahaa.

 

Hooyo Soomaaliyeed ayaa ereyadaan hore ugu buraanburtay:

 

Maxaa diideen, dalkeenii maxaa dayacay?

 

Maxaad doonaysaan waa idinkan cidlada degayee?

 

Damiir xumadiina qarankii ka dhigay daleel

 

Haddaad dal shisheeye joogtaan damiir la’aan

 

Oo aad ku doodaan nabad baanu u nahay diyaar

 

Haddana diidaan wixii daawo dhalin lahaa

 

War yaa dabiibaaya qarankan dugaagu helay?

 

Qaranka Soomaaliya dad badan baa u galay qabriga

 

Rag baa qaadan waayey gumaysiga quursigiis

 

Rag baa ka qawaafay asaagaa qabaan u noqo

 

Rag baa soo qaaday calankeena qaaliga ah

 

Rag baa qalin dahab ah taariiqda loogu qoray

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this