Sign in to follow this  
Taleexi

Qayla-Dhaantu Ma Sasbaa Mise Waa Saadaal Dhab ah

Recommended Posts

Taleexi   

Waa akhris xiiso leh.

 

 

 

Wq. Siciid Jaamac Xuseen

Feb. 16, 2012

 

Laba qoraal oo isku mawduuc ka wada hadlaya ayaa ku soo kala baxay mareegaha ‘Somalilandpress.Com’ iyo ‘WardheerNews.Com’. Kan hore oo Af-Ingiriisi ah waxaa qoray Dr. Cabdishakuur Sh. Cali Jowhar, kan kale oo Af-Soomaali ahna waxaa qoray Dr. Maxamed Daahir Afrax. Labaduba waxay ku nuuxnuuxsanayaan in dawlad qarameedkii ay ummaddu nafta ku naawilaysay (waa 'Maandeeqdii’ muddada dheer loo heesayay) in ay dhowaan soo noolaato iyadoo xooggan oo dardar qabta ay si aan muran ka iman karin usoo bandhigeen in ay maanta mindidii dul saaran tahay oo lala maaggan yahay in la kitfo oo laga yeelo “beri bay jiri..jirtay.” Ciddii arrintaas si dhab ah u danaynaysa waxaan kula talin lahaa in ay qoraallada labadaas aqoonyahan si deggan oo miyirqab leh ku akhristaan, ku noqnoqdaan oo si weyn uga bogtaan intaanu dhambaalkay wadaan go’aan degdeg ah oo sar-ka-xaadis ah ayna ka qaadan. Warku ha innagu duxo oo si weyn ha innoogu duxo intaynaan talo ka gaadhin. Anigu qormadan gaaban waxaan uga dan leeyahay inaan digniinta ay bixinayaan iyo qaylodhaanta labada oday gacan buuxda ku siiyo anigoo khatarta ay la fajaceen sii iftiiminaya.

 

Bal halkan ka wada akhriso: http://wardheernews.com/Articles_12/Feb/Siciid/20_Qaylo_dhaanku_ma_sasbaa_mise_waa_saadaal_dhab_ah.html

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this