Sign in to follow this  
The Hermet

Mugdisho resident refuse to vacate government buildings and homes

Recommended Posts

Beesha Mugdisho oo si buuxda ka horjeesatay inay wareejiyo hantida Qaranka iyo tan shacabka Soomaaliyeed.

 

Guddiga beesha Mugdisho oo magaalada Muqdisho shir ku yeeshay ayaa si weyn uga horjeestay howlaha Dowladda KMG ah ay ka waddo magaalada Muqdisho sida guryaha Dowladda ee shacabka laga saarayo si dib loogu howlgeliyo iyo baaqyadii madaxda Dowladda KMG ah ay u jeediyeen shacabka Muqdisho inay wareejiyaan goobaha Qaranku leeyahay iyo hantida ma guurtada ah ee shacabku leeyahay.

 

Beesha Mugdisho inta badan magaalada Muqdishoayaa guddigu waxay sheegeen inay horay u wareejiyeen goobaha lagamamaarmaanka ah ee Dowladdu ay u baahan tahay, iyagoona ku eedeeyay Madaxweyne Shariif inuu ku naas nuujinayo beel gaar ah.

 

Guddigu ayaa sidoo kale ku eedeeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan inuu beeshooda meel uga dhacay isla markaana ku tilmaamay inay xoog ku heystaan goobaha Dowladda iyo hantida gaarka ah.

 

"Markaan eegnay Dowladda KMG ah waxqabadkeeda way ku fashilantay ayuu yiri afhayeen u hadlay guddiga beesha oo shir ku qaatay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

 

Guddiga beesha Mugdisho warka ka soo yeeray oo si weyn ula yaabeen dadka magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid ay beeshu ku diidan tahay isla markaana uga horjeesatay go'aanka Madaxweyne Shariif uu ku gaaray in la wareejiyo hantida Qaranka iyo midda gaar ahaaneed.

 

Dhinaca kale inkasta oo Dowladda KMG ah aanay weli si rasmi ah u gaarin xaafadaha ay beesha ku badan tahay ayaa shirkani ay yeesheen guddiga beesha wuxuu u muuqdaa mid looga hortegayo in dhismayaasha Qaranka ee ay degan yihiin dowladdu burburiso isla markaana guryaha shacabka ee ay xooga ku qabsadeen laga saaro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hermet those people u r saying is the people of muqdisho is actually kooyto who lives more than 500 kms from the capital ee hadii diidan wareejinta guryaha xaaranta xamar in sii deg deg looga tarxiilo waaye nabadiidka xaramiyasha

Share this post


Link to post
Share on other sites
peasant   

Hermet likes to post negative news about Somalia and I think he wishes rest of Somalia to be chaotic except the corner he is from!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cambuulo iyo bun;792012 wrote:
Hermet those people u r saying is the people of muqdisho is actually kooyto who lives more than 500 kms from the capital ee hadii diidan wareejinta guryaha xaaranta xamar in sii deg deg looga tarxiilo waaye nabadiidka xaramiyasha

i like how you make up your own news..:D 500 km from mugdisho and mugdisho are totally different as stated by the article its one half of mugdisho, and who is going to vacate them, the burundians :cool:

 

saxib wake up....i think the whole of Somalia is stunned in some paralel universe. You seem to be the only people to think somalia has a credible government :D

 

Its a government propped up by african tanks, they arent going to be there indefinately they will go home and this government will end as of August. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

LOL @Beesha Muqdisho..

 

Muqdisho waa caasimaddii Soomaaliya, qof walba xaq ayuu u leeyahay inuu dego, kuna noolaado si xuriyad leh, LAAKIIN dadka degen xarumaha Dawladda iyo guryaha dad kale si sharci darro ah cidna kama yeeleyso iney sii degenaadaan. Hadda magaalada 75% xarumaha dawladda waa laga saaray dadki degenaa, inta harsanna mar dhaw ayaa laga saari doonaa si nabad ah oo raali la isaga yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this