Sign in to follow this  
Cambuulo iyo bun

Amisom launching attacks on lower shabelle

Recommended Posts

Ciidamadda Dowladda Burundi oo qeyb ka ah Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom oo ay kaabayaan Taangiyada dagaalada, ayaa waxay maanta ku baxeyn dhinaca Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Ciidamadda Burundi oo loo-qaatay inay weeraro ku qaadeen Deegaanka Ceelasha Biyaha, ayaan gaarin Deegaankaaasi, waxayna ku hakadeen Xerada Sarkuuste ee duleedka Magaaladda Muqdisho, lamana oga inay weeraro ku yihiin Ceelasha Biyaha iyo in kale.

 

Taangiyada Ciidamadda Burundi ayaa waxay qaarkood yaallaan aafafka hore ee Xerada Sarkuuste, isla-markaana waxaa laga cabsi qabaa inay duullaano ku qaadaan Deegaanka Ceelasha Biyaha, oo ay si weyn ugu xoogan tahay Xarakada Al Shabaab.

 

Warar isa soo taraaya ayaa waxay sheegayaan in Ciidamadda Dowladda Burundi ay ku hakan doonaan Xerada Sarkuuste, marka loo-baahdana ay weerari doonaan Deegaanada loo-barakacay, taasoo ka mid ah qorshaha Amisom iyo Dowladda ay ku weerarayaan Deegaanada loo-barakacay.

 

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Ciidamadda Amisom ay qaarkood ku sugan yihiin Xerada Asluubta, waxayna iska saacidi karayaan inay si toos ah ugu duullaan Deegaanada loo-barakacay, inkastoo aan la’ogeyn xilliga ay ku dhaqaaqi doonaan.

 

Sidoo kale Ciidamadda Amisom ayaan wax iska caabin ah kala kulmin Ciidamadda Xarakada Al Shabaab oo ku sugan goobo aanu ka fogeyn, goobaha ay xilligaan sii gur guuranayaan Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom.

 

Taliye ku Xigeenka Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom Audace Nduwumunsi, ayaa wuxuu sheegay inay weeraro ku yihiin Degmada Afgooye, isagoo dhinaca kalana shacabka ugu baaqay inay isaga baxaan Deegaanada loo-barakacay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guutooyin ka tirsan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa saakay u ruuqaansaday markii ugu horaysay deegaanada loo barakacay, kadib markii muddo 4-sanno ka badan ay magaalada Muqdisho dhaafi waayeen.

 

Ciidamada Burundi ee ka tirsan Howlgalka AMSOM oo ay wehlinaayaan gaadiidka dagaalka ayaa saakay waaberigii fariisimo ka sameystay halka loo yaqaan Sarkuusta oo ah inta u dhaxaysa Xeradii hore ee Asluubta iyo Jaamadacadda Shabelle oo ku dhow deegaanka KM13 ama Tereedishe oo Al-Shabaab fariisin horay ugu ahayd.

 

Waxaa halkaasi laga maqlaayay rasaas aan badnayn, inkastoo uusan dagaal halkaasi ka dhicin, waxaana la sheegayaa in halkaasi fariisin xooggan ka samaysteen Ciidamada Burundi.

 

Sidoo waxaa saakay xiran wadada isku xirta Degmada Afgooye iyo Magaalada Muqdisho, iyadoo gaadiidka dadweynaha iyo dadkii lugeynayey gebi ahaanba aysan isticmaaleyn wadadaasi saakay, iyadoo wadadaasi ay muhim u tahay isku xirka Magaalada iyo gobollada kale ee Dalka.

 

Dhinaca kale Ciidamada AMISOM ayaa shalay ku hanjabay inay dhawaan weerari doonaan Gobolka Sh/Hoose, gaar ahaan Degmada Afgooye oo fariisin u ah Al-Qaacidada cusub ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Deg Deg ah: Ciidamada AMISOM oo markii ugu horeysay u ruuqaansaday duleedka magaalada Muqdisho iyo deegaanada loo barakacay.

 

Guutooyin ka tirsan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa saakay u ruuqaansaday markii ugu horaysay deegaanada loo barakacay, kadib markii muddo 4-sanno ka badan ay magaalada Muqdisho dhaafi waayeen.

 

Ciidamada Burundi ee ka tirsan Howlgalka AMSOM oo ay wehlinaayaan gaadiidka dagaalka ayaa saakay waaberigii fariisimo ka sameystay halka loo yaqaan Sarkuusta oo ah inta u dhaxaysa Xeradii hore ee Asluubta iyo Jaamadacadda Shabelle oo ku dhow deegaanka KM13 ama Tereedishe oo Al-Shabaab fariisin horay ugu ahayd.

 

Waxaa halkaasi laga maqlaayay rasaas aan badnayn, inkastoo uusan dagaal halkaasi ka dhicin, waxaana la sheegayaa in halkaasi fariisin xooggan ka samaysteen Ciidamada Burundi.

 

Sidoo waxaa saakay xiran wadada isku xirta Degmada Afgooye iyo Magaalada Muqdisho, iyadoo gaadiidka dadweynaha iyo dadkii lugeynayey gebi ahaanba aysan isticmaaleyn wadadaasi saakay, iyadoo wadadaasi ay muhim u tahay isku xirka Magaalada iyo gobollada kale ee Dalka.

 

Dhinaca kale Ciidamada AMISOM ayaa shalay ku hanjabay inay dhawaan weerari doonaan Gobolka Sh/Hoose, gaar ahaan Degmada Afgooye oo fariisin u ah Al-Qaacidada cusub ee Soomaaliya.

 

Maxamuud Axmed Xasan

Web Updating, Somaliweyn Website

Mob: +2526-15573321-+252-699-995088

xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com

www.somaliweyn.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

AMISOM oo la wareegtay deegaanka Cali Janaale

 

Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu soo warramayaa inay saaka la wareegeen deegaanka Cali Janaale iyo dhismaha Maslax oo qiyaastii dhowr kiloomitir u jirta Ceelasha-biyaha, halkaasi oo ay ku sugnaayeen kooxda al-Shabaab.

 

Afhayeenka AMISOM Pandy Akunda ayaa Bar-kulan u sheegay in aysan wax iska caabin ah kala kulmin markii ay la wareegayeen goobahaasi, wuxuuna intaasi raaciyay in uusan jirin wax khasaare ah oo ka soo gaaray.

 

Deegaanka Cali Janaale oo ku yaalla duleedka Muqdisho ayaa ahaa goob muhiim ah oo ay horrey uga talin jireen maleeshiyada al-Shabaab, halka dhismaha Maslax uu ku yaallo waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxaana iminka xiran gebi ahaan waddadaasi.

 

Dagaallada ayaa iminka u muuqda mid u wareegay meelo ka baxsan Muqdisho, iyadoo dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay dhowaan la wareegeen Jaamacaddii Muqdisho oo iyana ku taalla duleedka caasimadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalo qaraar ayaa waxay ka bilowdeen agagaaraha deegaanada loo-barakacay oo ay ka talliso kooxda Al Shabaab, oo maalmo kahor cadeysatay inay ku biirtay Ururweynaha Al Qaacida, oo uu caalamka u aqoonsan yahay koox argagaxiso ah.

 

Dagaalada ayaa waxay ka soconayaan inta u dhaxeyso Tabeellaha Sheekh Ibraahim iyo Xerada Sarkuuste ee duleedka Magaaladda Muqdisho, isla-markaana waxaa Xerada Sarkuuste saakay soo gaaray Ciidamadda Dowladda Burundi ee qeybta ka ah Ciidamadda Amisom.

 

Dagaalada ayaa waxaa soo qaaday Ciidamadda Xarakada Al Shabaab oo ku hubeysan qeybaha kala duwan ee hubka, waxayna doonayaan inay kahor taggaan Ciidamadda Amisom oo doonaaya inay isku balaariyaan deegaanada loo-barakacay.

 

Wararaka ayaa waxay sheegayaan in dagaalada ay labada dhinac isku adeegsanayaan qeybaha kala duwan ee huba, iyadoo ay xusid mudan tahay in hubka cul culus ay gaarayaan deegaanada loo-barakacay.

 

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in madaafiicda ay saameyn xoogan ku yeesheen Deegaanada Garasbaaley iyo Tarey Disho, oo ka mid ah Deegaanada loo-barakacay ee ay gacanta ku heyso Xarakada Al Shabaab.

 

Dagaalada maanta ka soconaaya duleedka Magaaladda Muqdisho, ayaa waxay geysanayaan khasaarooyin kala duwan oo soo kala gaareysa dhinacyada dagaalameysa, lamana oga in dagaalada ay khasaaro ka soo gaarayaan shacabka iyo in kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cambuulo, maya isma lahan.. Xerada Maslax waxay ku taalaa wadada aada Balcad, laakiin Dhismaha Maslax ama guriga Maslax wuxuu ku yaalaa marki la dhaafo Asluubta ee wadada aado Afgooye.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xarakada Al Shabaab ayaa waxay ka hadashay duullaano ay sheegtay inay maanta ku soo qaadeen Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, gaar ahaan Ciidamadda Dowladda Burundi ka socda ee qeybta ka ah Amisom.

 

Afhayeenka Ciidamadda Xarakada Al Shabaab Sheekh C/Casiis Abuu Muscab oo goor dhaw wareysi gaar ah siiyay Idaacada Andulus oo ku hadasha afka Xarakada Al Shabaab, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay maanta ku soo duulleen Ciidamada Amisom.

 

Afhayeenka ayaa wuxuu sheegay inay weeraro xoogan ugala hortaggeen Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, isagoo intaasi ku daray in dagaalada dhex maray ay khasaaro ugu geysteen Ciidamadda Amisom, sida uu yiri.

 

Sheekh C/Casiis Abuu Muscab ayaa wuxuu xusay in Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ay isaga soo baxeyn Dhismaha Xertii Jameeco iyo Dabaqa Maslax oo ku dhaw deegaanada loo-barakacay, isla-markaana wuxuu sheegay inay la-wareegeen waxa uu ugu yeeray cadowga.

 

Sheekh Abuu Muscab ayaa wuxuu tilmaamay inay wadaan olole xoogan oo ay dib ugu qabsanayaan goobahaasi, isagoo intaasi ku daray inay diyaarinayaan dagaalo rogaal celin ah oo ay ku qaadayaan Ciidamadda Amisom.

 

Sidoo kale wuxuu sheegay in dagaalada ay Ciidamadda Amisom uga dilleen tiro ka badan tobaneeyo, isagoo intaasi ku daray inay jiraan dhaawacyo badan oo ay gaarsiiyeen, isla-markaana wuxuu ka dhawaajiyay inaysan weli dagaaladu dhamaan.

 

Dhanka kale Afhayeenka Guud ee Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom Major Paddy Ankunda oo la-hadlay Idaacada BBC-da laanteeda afka Soomaaliga, ayaa wuxuu sheegay in Ciidamadda Amisom ay seddex kiiloo mitir “3km” oo qura ay u jiraan Deegaanka Ceelasha Biyaha.

 

Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa laga cabsi qabaa in goor dhaw ay dagaalo xoogan ku soo qaado Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom oo ay ka dhinac dagaalamayaan Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this