Sign in to follow this  
walaalkis

Inka badan 15-askari oo laga dilay Ciidamada Puntland

Recommended Posts

Sugure :( Sh. M. Network)* *Weerar qasaaro badan gaystay ayaa Ciidamo ka

tirsan Maamulka Puntland waxaa ku qaaday Maleeshiyaad taabacsan Ciidamo ka amar

qaata Sheekh Max’ed Saciid Atam.

*

Wararka ka imaanaya Magaalada

Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in waaberigii hore ee

saakay Ciidamo daacad u ah Wadaadka lagu magacabo Sheekh Max’ed Saciid Atam ay

weerar ku qaadeen Saldhig ku yaala deegaan lagu magacaabo Sugure oo qiyaastii

40-KM dhinaca Koofureed kaga beegan Magaaladaasi.

*

Maleeshiyaadka dagaalka ku qaaday

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa la sheegay*

inay adeegsadeen hub cul culus oo qasaaro u gaystay Ciidamada

Maamulkaasi sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen dadka deegaanka ah.

*

17-askari oo ka tirsanaa

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa la sheegay in lagu dilay weerarka oo ahaa mid

gaadmo ah, waxaana lagu soo waramayaa in deegaanka ay gacanta ku dhigeen

Ciidamada Sheekh Max’ed Saciid Atam oo dagaalo kala soo horjeeda Maamulkaasi.

*

Dagaalka ayaa sida la sheegay

waxa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland ay shalay

howlgallo ka sameyeen Magaaladaasi ay kusoo qabteen nin la sheegay in uu la

dhashay Sheekh Max’ed Saciid Atam islamarkaana ay ku tilmameen in uu qeyb ka

ahaa dagaalada ka dhacay deegaanka Galgala sida ay xaqiijiyeen dad

goobjoogayaal ah.

*

Xiriiro kala duwan oo aanu la

sameynay Maamulka Puntland ayaa inoo suuro galin inaan qadka Taleefonka ku

haleelno, waxaana saakay wararku ay sheegayaan in xaaladda ay tahay mid kacsan

islamarkaana ay jirto cabsi soo wajahday dadka shacabka ah ee ku nool halkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this