Sign in to follow this  
kingofkings

Mariiniska Puntland oo dayactir ku sameeyey Dugsiga H/Dhexe ee Bender-Ziada

Recommended Posts

Ciidamada badda ee Puntland ayaa dayactir ku sameeyey Dugsiga H/Dhexe ee degmada Bender-Ziada (Qaw) oo 25km dhinaca galbeed magaalada Boosaaso kaga beegan isalamarkaana maamulka degmadaas ku wareejiyey agab xafiiseed iyo qalab waxbarasho oo badan.

 

Munaasabadii dugsigaas xarigga looga jarayey, maamulka degmadaasina qalabka kula wareegayeen oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin dowlada ka tirsan, Isimo iyo waxgarad deegaankaas kasoo jeeda, iyo marti sharaf kale oo badan.

 

Ugu horeyn waxaa munaasabadaas furay Caaqil Ciise Maxamed Ciise, wuxuuna ka warbixiyey taariikhda degmada Bener-Ziada (Qaw) isagoo sheegay inay tahay magaalo qadiimi ah oo la asaasay bartamaha qarnigii 16-aad haseyeeshee gumeysteyaashii talyaaniga iyo Ingiriisku ay amar ku bixiyeen in laga guuro maadaama ay ku taal goobtii xiligaas ay xuduudka ka lahaayeen dhulkii Soomaaliyeed ee Ingiriisku haystey iyo kii Talyaanigu ka ariminayey.

 

Duqa degmada Bender-Ziada Rashiid Xabiib Jaamac oo intaas kadib hadalka qaatay ayaa u mahad celiyey ciidamada badda ee Puntland oo uu sheegay inay waxqabad fiican degmada ka sameeyeen, wuxuuna dowlada ugu baaqay in maamulka degmada laga taageero sidii ay wax uga qaban lahaayeen jidka isku xira Boosaaso iyo Qaw oo meelaha qaar ka burbursan iyo sidii dhanka biyaha looga haqab tiri lahaa loona balaarin lahaa dugsiga hoose ee maanta xarigga laga jaray.

 

Taliyaha ciidamada ilaalada badaha ee Puntland Col. Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa isna goobta ka hadlay, wuxuuna sheegay in markii la arkay baahiyaha degmada Bender-Ziada qabto ay ciidamada baddu garowsadeen inay qabtaan wixii ay awoodaan, wuxuuna intaas raaciyey in ciidanka baddu uu yahay mid mar walba u taagan horumarinta danta guud ee bulshada.

 

Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud (Xidig) oo ah xiriiriyaha ciidamada badda iyo Puntland kana mid ahaa mas’uuliyiintii maanta kasoo qayb galay xafladii xariga looga jarayey dugsiga H/Dhexe ee degmada Bender-Ziada ayaa isna ka warbixiyey ujeedooyinka loo asaasay ciidamada badda ee Puntland kuwaas oo uu tilmaamay inay ugu muhiimsan yihiin:

 

- La dagaalanka Burcad-badeeda.

 

- La dagaalanka tahriibta iyo dhoofinta dadka.

 

- Iyo la dagaalanka (Jiriifka) Maraakiibta sharci darada badaha uga kaluumaysta.

 

Mr Xidig wuxuu dhinaca kale mahad balaaran usoo jeediyey dowladda Imaaraadka Carabta oo iyadu Puntland ku tageertay sidii ay ciidan badeed u yeelan lahayd islamarkaana bixisa kharashka iyo qalabka ay ciidamadaas oo ah kuwi si heer sare ah u tababarani ku howl galaan.

 

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka badda, dekedaha, iyo la dagaalanka Burcad-badeeda ee Puntland Eng. Maxamed Ciise Cali (Lacle) oo isagu munaasabadaas soo xiray ayaa ugu baaqay bulshada deegaanka Bender-Ziada inay ciidamada badda la shaqeeyaan maadaama ay iyaguba horumarkooda ka shaqeynayaan.

 

Eng. Lacle wuxuu isaga oo hadalkiisa sii wata sheegay in ciidamada badda ee Puntland ay yihiin kuwo aan ku koobnayn ilaalinta xeebaha balse ay howshoodu tahay sidii ay u ilaalin lahaayeen danta guud ee bulshada isagoo xusay inay kasoo qayb qaateen adeegyo badan oo bulshada wax ku ool u ah.

 

Si kastaba ha ahaatee dugsiga maanta xarigga laga jaray oo ahaa mid burbursan kadib markii ay dabaysha xagaagu saqafka kala tagtay ayaa waxaa dayactir balaaran ku sameeyey ciidamada badda ee Puntland oo iyaga xaruntooda ugu weyni ay ku taal meel u dhow degmada Bender-Ziada.

 

Bender-Ziada oo dadka qaarna ay u yaqaaniin magaca Qaw waa deegaan qadiim ah oo la asaasay qarnigii 16-aad, waxayna 25km dhinaca galbeedka kaga beegan tahay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bosaso,Feb 13 -Ciidamada badda ee Puntland ayaa mashruuc waxbarasho ka hirgaliyay deegaanka Bandarsiyaada oo masaafo 15 km dhinaca galbeed ka xigta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

Munsaabad balaaran oo ay ka qaybgaleen wasiiro,wasiiro xigeeno,saraakiisha ciidamada badda Puntland iyo hogaamiye dhaqameed ayaa maanta lagu qabtay deegaanka Banadersiyaada,waxaana munaasabadda loogu wareejiyay dadka deegaanka dugsi waxbarasho oo ay ciidamada Puntland ka hirgaliyeen deegaanka Banadarsiyaada.

 

Wasiir kuxigeenka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Eng.Maxamed Ciise Lacle oo munaasabadda ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay ciidamada badda Puntland inay ka shaqeeyaan danta guud ee dadwaynaha.

 

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay,ciidamada inay sanadkii lasoo dhaafay biyo dhaamin ka sameeyeen deeganada Puntland oo ay abaaraha ku dhufatay,waxaana sidoo kale intaasi raaciyay inay ka qaybqaateen dayactirka ceelasha,dugsiyada waxbarasho,iyo dayactirka matoorada.

 

Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka deegaanka Banadirsiyaada inay ciidamadu kala shaqeeyaan arimaha nabadgalyada,wasiirka ayaa sidoo kale u mahadceliyay dowladda imaaraatka Carabta oo maalgalisa ciidamada badda ee Puntland.

 

Caaqil Ciise Maxamed Ciise oo ka mid ah waxgaradka deegaanka Bandarsiyaada ayaa dhankiisa soo dhoweeyay mashruuca waxbarasho deegaanka ka fuliyeen ciidamada badda ee Puntland.

 

Taliyaha ciidamada badda Puntland Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa isaguna sheegay mashruuca waxbarsho oo ay ka fuliyeen deegaanka Banadrsiyaada inuu yahay mid ay ugu talla galeen inay dadwaynaha deegaanka Bandarsiyaada ka caawiyeen arimaha banii'aadanimada.

 

 

Deegaanka Bendersiyaada oo ka mid ah degmooyinka hoosyimaada magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku yaala xarunta ugu wayn oo ay ka howlgalaan ciidamada ilaalada xeebaha Puntland.

 

Diiwaanka Wararka

Daljir Bosaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
peasant   

^ Some of the equipments for the marine forces were donated by UAE .. i.e the truck you see in the pic.

As for the school building project it is just a voluntary activity by the forces on their own.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Carafaat;788693 wrote:
Marine forces building schools funded by UAE.
:D

The school is funded and built by the puntland government, if that was your initial concern. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Carafaat;788693 wrote:
Marine forces building schools funded by UAE.
:D

Nope, the schools are build by the Puntland government with their own cash.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Good progress, the marines need to do the low-level projects because this is can impact positively on the local community and also raise the profile of the marines as not just protectors of our coastline but also a community driven force for the betterment of the people of puntland. The oil is good that secures our future, but at this current stage we need to focus hard on the low level basic things such as roads, schools and hospitals

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaw or Bender Ziyada is the HQ for Puntland's Navy and anti paricy activities. Hence what you have here is the Marines giving back to the local community and have helped build the school.

 

This is a great achievement for this grand, beautiful town...Masha Allah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this