Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland vice president Cabdiraxmaan Seylici visits burco

Recommended Posts

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Booqday Magaalada Burco, Dhaawaciii Ciidamadii Dagaalkii Buhoodlena Qadar Lacag Ah U Qaybiyay.

 

Burco(Ramaas) Feb 12, 2012- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, ayaa maanta booqasho qaadan doonto maalmo ku tagay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

 

Mr Saylici waxa booqashadiisa ku weheliya wasiiro ka tirsan xukuumada iyo saraakiil kale, waxaana markii uu gaadhay Magaalada uu booqasho ku soo maray goobo kala duwan, oo uu ka mid ahaa cisbitaalka guud ee Burco, halkaas lagu daaweynayo dhaawicii ciidamadii waxyeeladu ka soo gaadhay dagaalkii ciidamada Somaliland iyo kuwa beelaha deegaanka Buhoodle ku dhexmaray jiida Sooljoogta.

 

Waxa uu qadar lacag ah oo aan badnayn u qaybiyay askarta dhaawaca ah oo qaar ka mida xaaladoodu halis tahay, isaga oo u sheegay in xukuumada ay ka shaqayn doonto sidii loo daryeeli lahaa, laakiin ma sheegin nooca gargaarka loo fidinayo askarta dhibaataysan, iyada oo cisbitaalka Magaalada Burco aanu lahayn adeegyo caafimaad oo lagula tacaali karo xaaladaha halista ah.

 

Mar uu ka hadlayay dagaalkii Buhoodle toddobaadkii hore ciidamada Qaranka Somaliland iyo maleeshiyada beelaha dhexmaray, waxa uu sheegay in ay dagaalkaas wadeen kooxo dano gaar ah lahaa oo ku tilmaamay fidmawadayaal aan doonayn in nabadu ka islaaxdo Bariga wadanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Lacag Guddoon Siiyay Dhaawacyadii Ciidanka Qaranka Iyo Maleeshiyada BuuhoodlePosted in February 12th, 2012 by lug in News

 

Hargeysa- (Lug)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta Booqday dhaawacyadii ku dhaawacmay dagaalkii Arbacadii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Sool-joogto oo ku yaala duleedka magaalada Buuhoodle, kaasi oo u dhaxeeyay ciidammadda qaranka iyo maleeshiyo Nabad diid ah.

 

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu cisbitaalka magaalada Burco ku Booqday 40 qof oo iskugu jira dhaawacyadii ciidamadda qaranka iyo dhaawacyadii maxaabiistii laga soo qabtay maleeshiyadda nabad diidka ah, waxaanu halkaasi qofkiiba ku gudoon siiyay hal malyan oo shilin oo u dhiganta 160 Dollar.

 

Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) wuxuu dhaawacyadii uu booqday ILAAHAY uga baryay inuu shaafiyo, waxaanu tilmaamay in dhaawacyada dalka waxba loogu qaban kari waayo loo diri doono meeshii la geyn karaba.

 

Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu sheegay inuu ka xun yahay dagaalka ay koox qurbo-joog ah ka wadaan deegaanka Buuhoodle, waxaanu tilmaamay in dadkii dhintay iyo kuwa dhaawacmayba ay ka soo wada jeedaan Somaliland.

 

Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu xusay in xukuumadiisu ay mar kale ku celinayso baaq nabadeed iyo in wada hadal xal lagaga gaadho shaqaaqada ka aloosan Buuhoodle.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this